π 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.25 trillion waxuuna hoos u dhacay 2.80% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 94.83 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 63.59% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 36.1%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 22% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad ugu dhac santahay heerkii ugu yaraa ee abid.
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 57% taas oo ka dhigan inuu yahey mid hoos u socdo ayna jirto kalsooni daro maalgashiyaasha suuqa ku qabaan.

- Qiimaha Bitcoin (BTC): $103,905, waxuuna hoos u dhacay 0.15% ah 24-kii saac ee la soo dhaafay.
- Qiimaha Ethereum (ETH): $3,479, waxuuna hoos u dhacay 2.59% ah.
- Qiimaha XRP: $2.14 waxuuna kor u kacay 0.21%
- Qiimaha Sol: 153.4 waxuuna samayay kor u kac dhan 0.96%
π 2. Exchange inflow and outflow
π₯ Netflow (Inflow βhatida soo gashay suuqa
- Sida aan ka soo xiganay CryptoQuant Netflow-ka Bitcoin waxay muujineyaa in lacagaha la soo geliyay suuqa ay ka badan yihiin kuwa laga saaray, taasoo muujinaysa iibka ay samaynayaan Whales (kuwa haaysto BTC badan).
π€ Outflow β Hantida Suuqa Laga Saaray
- Sida aan ka soo xiganay coinglass Exchange KuCoin waxaa hoos u dhacday BTC Reserve uu lahaa xog On-chain data laga helay Blockchain-ta waxay muujinaysaa in 18,300 BTC laga saray suuqaas qiyaastii waxuu hoos udhacay 77.6%
ποΈ 3. Xeerarka iyo sharciyada suuqa.
- Aqalka Wakiilada maraykanka ayaa soo bandhigay sharciga “Digital Asset Market Clarity loo soo gaabiyo Act” si loo caddeeyo doorka CFTC iyo SEC ay ku leeyihiin xeerarka lacagaha digitaalka ee crypto.
- Dowladda India waxay qorsheyneysaa inay soo saarto amaro bishan Juun dhexdeeda si loo dejiyo xeerar cusub oo ku saabsan lacagaha crypto.
- Bangiga dhexe ee Singapore ayaa amar ku bixiyay in shirkadaha crypto ka shaqeeyo ee maxalliga ah ay joojiyaan adeegyada token-ka dijitaalka ah ee dibadda ka hor 30-ka Juun haddii aysan haysan ruqsad.
- Koonfur Kuuriya ayaa soo bandhigtay qaab dhismeed sharciyeed cusub oo loogu talagalay suuqyada crypto, taasoo muujineysa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda dalkaas ee la xiriirta lacagah crypto.
- Golaha Ganacsiga Australia ayaa ugu baaqay dowladda in ay si taxaddar leh u wajahdo xeerarka Ai, si aysan u carqaladeyn hal-abuurka. Waxay ku talinayeen in la eego xeerarka hadda jira ka hor inta aan la soosaarin sharciyo cusub.
π 4. Maalgashiyada Waaweyn
- Whales ayaa ku iibsaday $3 milyan coin-ka DOGE taasoo muujineysa xiisaha loo qabo memo coinska
- Whale ayaa iibsaday ETH qiimihiisu yahay $9.88 milyan,
π 5. ETFs iyo Maalgashiyada Hay’adaha
- Bitcoin ETFs: $500 milyan oo net inflows ah ayaa la diiwaan geliyay toddobaadkii la soo dhaafay, taasoo muujineysa xiisaha hay’adaha ay u qabaan suuqa
- Hayβada Sec ayaa muujisay walaac ku saabsan ETFs-ka crypto ee bixiya staking, iyadoo la eegayo khataraha suurtagalka ah eek a dhalan karto.
6. Teknolojiyadda Blockchain
- CEO-ga Open Ai Sam Altman wuxuu soo bandhigay Orb, qalab biometric ah oo lagu xaqiijinayo aqoonsiga dadka, iyadoo la abaalmarinayo isticmaalayaasha haasto Worldcoin.
- Lacagaha Stablecoins eek u dhisan Blockchain ayaa noqday kuwa aad loogu adeegsado lacag bixinta caalamiga, iyadoo la filayo in ay beddelaan hababka lacag bixinta caadiga ah Shirkado waaweyn sida Binance, Swarm, JP Morgan, iyo Mesh ayaa ka shaqeynaya horumarinta stablecoins.
Xigasho: FinTech Futures
π€ π 7. AI & Web3.0
- Ai ayaa la filayaa inay isticmaasho koronto ka badan tan loo adeegsado Bitcoin mining dhammaadka 2025, taasoo keentay walaac laga qabo saamaynta ay ku yeelan karto deegaanka.
- Shirkada Samsung ayaa wadahadallo la yeelatay shirkadda Perplexity Ai si ay u beddesho adeega Google ee Gemini Ai assistant ee taleefannada Galaxy S26 ee soo socda. Tani waxay muujineysaa isbeddel weyn oo ku yimaada nidaamka Android.
- Daraasad cusub oo ay sameysay dowladda UK ayaa muujineysa in adeegsiga Ai ee shaqooyinka maamulka ay ka caawiso 30,000 oo shaqaale howlaha maamul ee caadiga ah sannad kasta.
- Mashruucyada Ethereum (ETH), Chainlink (LINK), Polkadot (DOT), Render (RNDR), Filecoin (FIL), ASI (FET), Stacks (STX), Injective (INJ), Theta Network (THETA), iyo The Graph (GRT) ayaa ah qaar ka mid ah mashaariicda ugu muhiimsan ee Web3.0
πΌοΈ 8. NFTs (Non Fungible tokens).
- Waxaa la helay koror weyn oo ku yimid mashruucyada NFTs ee ku saleysan Ethereum, taasoo keentay kordhinta khidmadaha gas-ka iyo isbedbedelka suuqa.
- Waxaa Soo Socda Mashruucyo NFTs bishaan gudaheeda “Ozzi Origins” 5 ilaa 12-da bisha iyo “The Curse Awakens: Purrgatory” 3β10 Juun kuwaasoo saamayn ku yeelan karo suuqa NFTs
Xigasho: NFT Calendar
halkaan ka baro Coursada crypto