">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Blockchain waa Tiknoolajiyadda casri ah oo xogta si decentralized (aan cid dhexe maamulayn), amaano leh, daah-furan (Transparency), aan la beddeli karin u kaydiso. Waxaa loo isticmaali karaa qaybo badan oo nolosha iyo ganacsiga ka mid ah, Waxaana mustaqbalka la rajeynayaa inay keeni doonto isbeddel weyn, taasoo laga yaabo inay badesho sida aan xogta u kaydsano, lacagaha isku dhaafsano, heshiiska ganacsiyada u galno, iyo guud ahaan qaabka aan u deegsano technologiyada.

Waxaa hadda loo adeegsan karaa meelo badan sida lacagaha dijitaalka ah, caafimaadka, doorashooyinka, caymiska, iyo Supply Chain Management.

Waxayna faa’iido u leedahay oo hadii ay adeegsadaan ay kor u qaadayso adeegyadooda kana dhigayso mid amaan sare leh Bangiyada, Dowladaha, Shirkadaha ganacsiga, Isbitaalada, shirkadaha Caymiska, iyo Xarumaha waxbarashada.

Waxaana hadda si tijaabo iyo toosba lagu adeegsaday 15 meel technologyada Blockchain taasoo laga dareemay durba isbedelka xowliga ah ay keentay iyo daah-furnaata adeegyada loo adeegsaday waxaana ka mid ah:

1. Lacagaha Dijitaalka ah (Cryptocurrencies)

Lacagaha Cryptocureency waxaa asal u ah ay ku dhisanyihiin technologyada Blockchain waxaana la adeegsan karaa iyadoo aan loo baahnayn bangiyo ama cid dhexe si lacag loo kala wareejiyo, waana lacagaha la rajeynaayo mustaqbalka inay badeli doonaan lacaga Fiat-ka ay wadamadu leeyihiin.
Tusaale:
Bitcoin iyo Ethereum – waxay kuu oggolaanayaan inaad lacag dirto ama hesho adigoo aan adeegsanayn xisaab banki.

2. Maamulka saadka (Supply Chain mangement)

Blockchain waxay ka dhigaysaa silsiladda saadka mid daah-furan, oo si sahlan loo raad raaci karo, laga soo bilaabo warshadda ilaa macaamilka. Waxay suurta galinaysaa in la arki karo xilliga iyo meesha alaabtu mareyso, taasoo ka hortageyso wax isdaba-marin.
Tusaale:
Raad-raacida cuntada ama daawooyinka si loo hubiyo in aysan khatar lahayn ama lagu samayn been abuur sida in la badelo taariikhda dhicitaanka (expiry date)

3. Heshiisyada Casriga ah (Smart Contracts)

Waa heshiisyo barnaamij is fulinaya marka shuruudo gaar ah la gaaro, iyadoo aan la adeegsan qof ama hay’ad dhex-dhexaad ah, waxayna xogotooda ku kaydsantaa Blockchain lagumana samayn karo wax ka badel hadii mar uu hshiiskaas fulo.
Tusaale:
Heshiisyada iibka guryaha, Caymisyada, ama heshiisyada ganacsi.

4. Nidaamyada Doorashada (Voting Systems)

Blockchain waxay abuuri kartaa nidaam doorasho ammaan ah, daah-furan, oo loo hubin karo codbixinta inaan la been-abuurin.

Tusaale:
Dalka Estonia wuxuu isticmaalay blockchain si loo sugo codbixinta elektarooniga ah.

5. Caafimaadka (Healthcare)

Blockchain waxay suurtagelin kartaa kaydinta iyo wadaagista xogta caafimaad si ammaan ah, taasoo sare u qaadaysa asturnaanta xogta bukaanka iyo is-dhexgalka xarumaha caafimaadka.
Tusaale:
Kaydinta taariikhda caafimaad ee bukaanka si loogu helo xogta meel kasta.

6. Aqoonsi Dijitaal ah (Identity Management)

Blockchain wuxuu qof walba siin karaa awood uu ku maamulo xogtiisa shaqsiyeed, taasoo meesha ka saarayso xatooyada xogta aqoonsiga shaqsi

Tusaale:

Aqoonsi dijitaal ah uu shaqsi leeyahay xogtana ay ku kaydsan tahay blockchain.

7. Adeegyada Maaliyadeed iyo Lacag-dirista (Financial Services)

Blockchain waxay waxay fududaysaa lacagaha xuduudaha ka gudba, hoosna u dhigtaa kharashaadka (fee-ga) waxayna ka dhigtay lacag dirista caalamiga ah mi si dhaqso lo helo.
Tusaale:
Ripple iyo XML –.Waxay bixiyaan adeega lacag-diris caalami ah oo blockchain ku saleysan.

8. Ilaalinta Xuquuqda hal-abuurka (Copyright/IP Protection)

Blockchain waxay diiwaangelisaa ayna difaacdaa xuquuqda hal-abuurka sida NFT, Music, Arts si loogu hortago xadid loona ilaaliyo xaqa mulkiilaha.

Tusaale:
Diwaan gelinta arts iyo NFT lagu keediyo si aan loo xadin.

9. Hantida Ma-guurtada ah (Real Estate)

Blockchain waxay fududeyneysaa iibka dhulka iyo guryaha, iyadoo la dhimayo waraaqihii badanaa oo xogta lagu qoraayi lagana hortagaayo is-dawamarinta waxaana lagu keydiyaa heshiiska blockchain

Tusaale: Guri loo qaybiyey qeybo yaryar oo dad badan wada leeyihiin (tokenized).

10. Tamarta (Energy)

Blockchain waxay sahlaysaa iibka tamarta laga soo saaro qoraxda ama ilo kale oo dib loo cusboonaysiin karo nidaam peer-to-peer ah aan loo baahanayn cid dhexe

Tusaale: Platform-yada tamarta lagu kala iibsado oo ku shaqeeya blockchain.

11. Caymiska (Insurance)

Blockchain waxay si toos ah u gaydisaa heshiiska caymiska iyadoo la adeegsanayo smart contracts, taasoo meesha ka saaraysa khiyaano iyo dib u dhac.

Tusaale:

Smart contract ku xiran caymis oo isla markiiba lacag bixiya hadii uu shil dhacayo.

12. Samafalka iyo Ururinta Deeqaha (Charity)

Technologiyada Blockchain waxay xaqiijineysaa daah-furnaanta lacagaha la bixiyo, si loo hubiyo in deeqda ay gaarto dadkii loogu talagalay.

Tusaale:

Binance Charity Foundation (BCF) Waa ha’ad samafal uu leeyahay Exchange Binance waxayna adeegsadaa technologiyada  blockchain si loo hubiyo in deeqaha gaaraan meelaha loogu talagalay

Sidoo kale Giv.eth Waa platform samafal oo deeqaha lagu bixin karo waxa uuna ku dhisan Ethereum Blockchain, waxaana la arki karaa si hufan halka ay gaareen deeqaha.

13. Qeybinta Hantida (Tokenization of Assets)

Hantida dhabtaa (sida dhul, farshaxan, dahab) waxaa laga dhigi karaa tokens (qaybo-yar) si dad badan ay si sahlan ugu wada lahaan karaan, iyadoo la adeegsanaayo Blockchain technology.

Tusaale:

Qofku wuxuu iibsan karaa qeyb yar oo hanti maguurto ah 1% token

14. Bixinta Lacagaha Saadka (Supply Chain Payments)

Marka alaab la keeno oo la aqbalo lana hubiyo tayadeeda, Blockchain waxay si otomaatig ah u bixisaa qarashka lacagta heshiiska lagu qoray smart Contract-ga  iyadoo meesha ka saaraysa dib u dhac.

Tusaale:
Bixinta lacag toos ah markii badeeco la helo oo la xaqiijiyo.

15. Diiwaanka dawlada iyo kaydinta dukumentiyada Dadweynaha

Blockchain waxay kaydin kartaa diiwaannada dadweynaha sida dhalashada, lahaanshaha dhulka, xaqa muwaadina iyo xogaha kale ee muhiimka ah si aan wax looga beddeli Karin, taasoo Dowladda ayaa u isticmaali karta in xogta muwaadiniinteeda aan khiyaano lagu samayn ayna sahlanaato in raad-raac la samayn karo hadii ay dhacdo mushkilad.

Tusaale:
Kaydinta diiwaanka dhulka oo aan wax khiyaano lagu samayn karin.

ka baro halkaan Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

https://gellebashir.com/courses/barashada-cryptocurrency-somali-cryptocurrency-coursecrypto-bilaw-ilaa-dhamaad-afsomali-cryptocurrency-course

Leave a comment