">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xiriira crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📊 1. Xaaladda guud ee Suuqa

  • Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.29 trillion waxuuna sare u kacay 1.49% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 102.29 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 63.7% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 37.3%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 26% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo ay aad ugu dhac santahay heerkii ugu yaraa abid.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 52% taas oo ka dhigan inuu yahey mid dhexe kalsoonida maalgashiyaasha ay tahay (Neutral).

Xigasho:CoinmarketCap

  • Qiimaha Bitcoin wuxuu gaaray $105,323,21 waxuuna sare u kacay 1.15% 24-kii saac ee la soo dhaafay,
  • Qiimaha Coinka ETH waxuu kor u kacay 0.77%, isagoo gaaray qiimihiisa $2,496.88 24 saac u dambaysay

🏛️ 2. Xeerarka iyo Shuruucda suuqa.

  • Hay’adda Maaliyadda UK ee (FCA) waxay qorsheyneysaa in ay ka qaaddo xayiraadda ETNs-ka crypto ee loo oggol yahay maal-gashadayaasha caadiga ah, taasoo horey loogu oggolaa maal-gashadayaasha xirfadlayaasha oo kaliya. arintaan waxay muujinaysaa isbeddel weyn oo ku yimid siyaasadda wadanka, iyadoo la doonayo in kor loo qaado kobaca dhaqaalaha gaar ahaan qaybta hantida dhijitaalka ah.
  • Bangiga Dhexe ee India (RBI) wuxuu ku sii adgaysanayaa mowqifkiisa diidmada ee la xariiro lacagaha cryptocurrencies, isagoo ka walaacsan saameynta ay ku yeelan karaan xasilloonida maaliyadeed iyo siyaasadda lacagta dalka hadii la sharciyrryo.                                                    Guddoomiyaha Bangiga, Sanjay Malhotra, ayaa sheegay in aysan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid mowqifka bangiga ee ku saabsan crypto, isagoo xusay in weli la eegayo saameynta ay ku yeelan karaan nidaamka maaliyadeed ee dalka.
  • Kongareeska Mareykanka ayaa horumarinayay sharci cusub oo lagu magacaabo CLARITY Act”, kaasoo loogu talagalay in lagu abuuro qaab sharciyeed cad oo loogu talagalay hantida dhijitaalka ah. Sharcigan ayaa taageero ka helaya labada xisbi ee dalka, waxaana lagu talinayaa in la siiyo hay’adaha SEC iyo CFTC awoodaha buuxda si ay u maareeyaan suuqa crypto.
  • Dowlada Singapore waxay soo saartay xeerar cusub oo lagu xakameynayo suuqyada crypto, iyadoo diiradda la saarayo ilaalinta maal-gashadayaasha iyo xasilloonida nidaamka maaliyadeed ee dalka, xeerarkan cusub ayaa saameyn ku yeelan doono sida ay dowladu u maarayn doonto exchange-yada, iyo ganacsatada suuqa.
  • Wasiirka Caddaaladda ee Czech Republic, Pavel Blažek, ayaa iscasilay kadib markii la ogaaday in uu aqbalay hadiyad Bitcoin ah oo la siiye, hadiyadaan oo gaaraysay 468 BTC ayaa la sheegay in aaan si sax ah loo baarin asalkaheeda, taasoo keentay fadeexad siyaasadeed.

Xigasho: Cointelegraph

🐋 3. Maalgashiyada Whales-ka saamaynta ku leh suuqa

  • whale ayaa furay boosaska dheer “Long Position” Coins-ka ETH iyo SOL oo qiimahoodu gaarayo $114.5 milyan, taasoo muujinaysa kalsoonida sare ee maal-gashadayaasha waaweyn ee labada altcoins.
  • Whales waxay iibsi xoogan ku samaynayaan Altcoins-ka sida Cardano (ADA), Pepe (PEPE), iyo Quant (QNT) bishan Juunyo, taas lafilaayo in laga galo Altcoin season.

🚀 4. Mashaariicda Cusub & ICOs ee suuqa

  • Shirkadda Gemini ayaa si qarsoodi ah u gudbisay codsi IPO ah si ay uga ganacsato suuqyada Mareykanka, taasoo muujinaysa ballaarinta shirkaddaha crypto ee suuqyada maaliyada.
  • Madasha ICOBench wuxuu soo bandhigayaa mashaariicda cusub ee ICOs iyo IDOs ee la filayo bishan Juun, oo ay ku jiraan kuwa diiradda saaraya blockchain-ka iyo DeFi.

Xigasho: icobench.com

📊 5. ETFs & Maalgashiyada Hay’adaha

  • Shirkadda Trump Media waxay gudbisay codsi ETF Bitcoin ah oo loogu magac daray Truth Social Bitcoin ETF, iyadoo la kaashaneysa Crypto.com iyo Yorkville America Digital. (marketwatch.com)
  • Bangiga JPMorgan wuxuu qorsheynayaa in uu siiyo macaamiishiisa maal-gashadayaasha suuqyada iyo maareynta hantida fursad ay ku isticmaali karaan hantida crypto iyadoo si dammaanad qaad ah loo amaahinaayo.

🔗 6. Teknoolojiyadda Blockchain

  • Shirkadda Tradeweb waxay kordhineysaa dadaalladeeda ku aaddan hantida dhijitaalka ah iyada oo loo marayo iskaashi cusub oo blockchain ah, ay la yeelatay Goldman Sachs iyo BlackRock.

🌐 🤖 7. Ai & Web 3.0

  • Codename: Pepe AI: Mashruucan cusub ee AI wuxuu bartilmaameedsanayaa in uu ka faa’iideysto kororka xiisaha ee suuqyada crypto, isagoo isku daraya AI iyo teknoolojiyadda blockchain si loo gaaro koror qiimo.
  • Mashaariicda Web3 sida Pepe AI waxay isku darayaan AI iyo teknoolojiyadda blockchain si loo horumariyo adeegyo cusub oo dhijitaal ah, taasoo muujinaysa horumarka joogtada ah ee Web3.

🖼 8. NFTs

  • Shirkada Canary Capital waxay gudbisay codsi ETF cusub oo diiradda saaraya maalgashiga NFTs, gaar ahaan PENGU tokens iyo Pudgy Penguin NFTs.                    ETF-kaan ayaa noqonaya mid ka mid ah kuwa ugu horreeya ee diiradda saara NFTs, iyadoo la filayo in 80-95% laga maalgashado PENGU tokens, inta soo hartayna lagu maalgashado NFTs iyo hantida kale sida Solana iyo Ethereum. Arintaan waxay muujinaysaa horumarka iyo isbeddelka ku yimid suuqyada maalgashiga ee la xiriira NFTs.
  • Suuqa NFTs ee Ethereum waxuu sameyay koror wayn taasoo ay sabab u tahay saameynta baraha bulshada iyo xiisaha maal-gashadayaasha. tusaale, qiimaha ApeCoin (APE) ayaa kordhay 4.7% qiyaastii $1.28, iyadoo mugga ganacsiga uu kordhay 38% 24-kii saac ee la soo dhaafay, tani waxay muujinaysaa sida wararka baraha bulshada ay u saameyn karaan suuqyada NFTs.

halkaan ka baro coursada crypto

Leave a comment