">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Waa dhinanc saddaxaad u dhaxeeyo laba qof macaamilkoda marka ay wax is dhaafsanayaan, balse aan si toos ah u galin heshiiska ka dhaxeeyo labadaas qof, waxaysa sugaan amniga fududeyaan adeegyada la is dhaafsanaayo.

Third parties waxay iskugu jiraan noocyo badan, waxayna ka qayb qaataan fududaynta nolasha maalinlaha tusaaale bankiyada, maxkamadaha, hubiyo heshiiska labada qof wada saxiixanaayo, companyada isku xero ganacsiyada waa wayn iyo kuwa yar-yar.

Third party iyo middle man waxaa loo adeegsadaa labuduba in lagu qeexo cid u dhaxayso labo qof macaamilkooda, sida inay wax is dhaafsanayaan, heshiis kala saxiixanayaan, ama wax isku darsanayaan balse micno ahaan way ku klala duwanyihiin iyo qaabka ay u shaqayaan.

Middle man waa shaqsi ama koox si toos ugu dhex shaqeeyo labo dhinac si ay u fududeyaan macaamilka, waxayna faa’ido ka samayaan macaamilka dhexdiisa,’waxa markaas la is dhaafsanaayo’ mararka qaar waxay u dhaqmaan inay yihiin owners mulkiilayaasha qofka ay wax u iibinayaan, tusaale dulaaleyda, halka Third party ay yihiin dhinac saddaxaad aan si toos ugu qayb qaadan macaamilka labada qof ka dhaxeeya, balse ay u dhaqmaaan caawiyaal ama fududeyaal, waxayna xaliyaan mushkiladaha labada qof ka dhex dhaco, waxay faa’ido ka samayaan howsha ay u qabteen labadaas qof tusaale bangiyada.

Bankiyadu waxay u howl galaan labadaan qaab waxayna ku xeran tahey hadba adeega ay qabanayaan, marka ay u dhaqmayaan middle man’s waxay si toos ah u maamulayaan, una fududeynayaan, faa’idana ka sameynayaan macaamilka u dhaxeeyo labada qof waxaana ka mid ah markay bixinayaan amaahda, bankiyadu waxay maamulaan lacagaha lagu amaanaystay, si lacagta ay u shaqayso faa’idina ugu sameyaan waxay amaahiyaan shaqsiyaadka, shirkadaha ganacsiyada si ay faa’ido ugu sameyaan, bankiyadu waxay amah ka qaataan dowlada marka ay soo daabacdo lacag cusub waxayna sii daymiyaan shacabka iyagoo faa’ido ka sameynaayo waxayna u dhaxeyaan shacabka iyo dowlada, nidaamka caalamiga ah ee SWIFT system isku xero bankiyada waxuu u shaqayaan qaab middle man ah, kolka ay  bangiyadu u howlgalayaan third parties waxay ilaaliyaan macaamilka labada qof ka dhaxeeyo iyagoo aan wax faragalin ah ku samaynayn, labada qof wax isku diraayo waxay hubiyaan xaddiga qarashka la is dhaafsanaayo, waqtiga uu dhacaayo wax is dhaafsigaas, waxayna keediyaan xogta diraha iyo loo diraha, shaqada dhabta ah ee bankiyadu waa inay noqdaan dhican saddexaad lagu kalsoonyahey hubiyo macaamilka labada qof ka dhaxeyso inay wax is dhaafsadaan.

Block chain technology waxay meesha ka saartay dhamaan adeegyadii ay bankiyada qabanayeen, waxayna ka dhigtay mid sahlan qiimo jaban, laguna helaayo waqti yar, aana kaa baxayn qarash badan si aad wax u dirto ama laguu soo diro, kolkay ay bangiyadu labo qof wax is dhaafsanayaan waxay ka qaadaan fee aad u badan, waxayna qaadataa maalmo ilaa isbuucyo si ay u dhacdo kala wareejintaas, halka lacagaha ku dhisan block chain marka la is dhaafsanaayo fee yar lagaa qaado kala wareejintaasna ay ku dhacdo daqiiqado ilaa saacado wax yaabaha ay block chain kala wareegtay bankiyada kana dhigtay mid sahlan waxaa ka mid ah  hubinta macaamilka tusaael miners oo ku shaqeeyo nidaamka prof of work ayaa hubiyo waxa is dhaafsiga bitcoin iyo lacagaha isticmaalo hanaankaan, halka Validators ay ku shaqeyaan Prof of Stake hubiyaan wax isdhaafsiga lacagaha adeegsado sida Eth iyo waxii lagu duldhisay, Sol, Ada, Tron iwm.

Midda ugu muhiimsan ee technologyadaan blockchain soo kordhisay, bankiyadana ka dhigtay kuwa la dagaalamo kuna bixiyaan qarash walibo si ay u joojiyaan hanaan maaliyadeedkaan cusub ee curdunka ah waa decentralized, ‘cid dhexe oo maamusho ma lahan qof walibana xubin ayuu ka noqon karaa’ immutability, ‘hadii mar uu dhaco heshiis wax is dhaafsi cid wax ka bedel ku samayn karto ma jirto sidoo kale waxay soo kor dhisay Blockchain  transparency, ‘qof walibo waxuu arki karaa macaamilka ka dhex dhacaayo blockchainta, waana tan ugu daran bankiyada cabsi ku abuurtaya maadaama heshiisyada is dhaafsi bankiyada ay qarsoon yihiin’ distributed ledger ‘waa diiwaan baahsan oo xubin ka noqon karo qof walibo si uu qayb ugu noqdo sugida heshiisyada wax is dhaafsi’ waana nidaam maaliyadeedka la filaayo mustaqblka in uu baledo bankiyada iyo lacagaha ay dowladuhu soo saaraan.

halkaan ka baro coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment