">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Waxaa jirto laba nooc burcad caan ka ah internet-ka, taasoo qof walba ay masuuliyad ka saarantahey inuu iska ilaaliyo, wayna isku qaldaan badanaa dadka balse qormadaan ayaad ugu bogan doontaa waxa ay kala yihiin labadaas nooc iyo qaabka aad iskaga ilaalin karto.

Burcada kowaad hackers!

Hacker; midkaan waa caan oo dadka badankooda way isla yaqaanaan inkastoo ay kul kala fasiraad duwan yihiin balse si fudud waa in qof ama team hacking kugu sameeyaan iyagoo adeegsanaayo xeelad farsamo gudaha u galaan aalad aad adeegsanayso sida computer, mobile iwm iyagoo aan ogolaansho u haysan qaab sharci ah ‘Ethical’ waxaana ku hawl galo white-hat hacker iyo mid sharci daro ah ‘malicious’ waxaa ku howl gala Black hat hacker.

Waxayna u qaybsamaa ilaa saddex nooc oo kala ah white-hat hacker, Black-hat hacker iyo Grey-hat hacker.

Waa maxay white-hat hacker?

White-hat hacker waa mid ku hool gala sifo sharci ah waxuuna noqon karaa qof xubin ka ah systemka hacking lagu samay-naayo ama ka madax banaan si uu u ogaado halka ay ka jirto nuglaasho “vulnerabilities” waxaa ka mid ah Cybersecurity professionals.

Waa maxay Black-hackers?

Black-hat hacker waa burcad ku hool galo sifo sharci daro waxuuna u dhacaa system si uu u xado xogta taalo ama uu u gaysto dhibaato ‘damage’ arimo dhaqaale, shaqsiyeed, siyaasadeed owgeed.

Waa maxay Grey-hat hackers?

Grey-hat hacker’s waa kuwo ku howl gala labdii nooc aan horey u soo sheegnay balse waxa ay ku xeran tahey hadbo qaabka ay u shaqeynaayaan iyo halka uu target-kooda yahey.

Marka la joogo suuqa crypto hackers-ku waxay adeegsadaan xeelad farsamo si ay u dhacaan plaatformyada Suuqa Crypto sida Exchanges, Wallets, iyo Smart contracts.

Hackers-ka dhaco exchangyda waxay adeegsadaan xeelad farsamo iyagoo baaraayo halka uu ka nugul yahey Systemka sarif-lahaas, xadaayana hantida “asset-ka” yaalo hadii ay noqoto midka ay leeyiin maalgashiyadaasha ama kan u kaydsan Exchange-kaas “Reserve assets

Kuwa dhaca Boorsooyinka ‘wallet’s’ dhaco waxay u diraan ‘Malware, phishing links’ shaqsiyaadka u maalgashan crypto uguna kaydsan boorsooyinka si ay ula waregaan maamulka boorsadaas, ama la baxaan asset-ka u yaalo.

Sidee ugu bad-baadi kartaa in hacking laguu sameeyo?

  1. Dooro Platform aad isku hubtid amnigiisa.
  2. Ha furin link aadan aqoon oo laguu soo direy
  3. Isticmaal password adag, haka wada dhigin kuwa isku mid ah. 
  4. Addegso 2FA ‘Two factor Authenticator’ sida Googale Authenicator 
  5. Ka taxadir in aad xogtaada qof la wadaagtid.

Burcada Labaad Scammers!

Scammer, waxay isku qaldaan badanaa dadka hacker iyo Scamer balse scamer waa shaqsi ama koox xadaayo lacag, xog, hanti shaqsiyeed adeegsanaayana xeelad maskaxeed “psychological manipulation’ halka ay ka adeegsan lahaa xirfad farsamo “technical skill”.

Waxayna u kala baxaan labo qayb oo waa wayn;

  1. Common scammers waxay adeegsadaan xeelad maskaxeed iyo farsamo yar waxaana ka mid ah phishing, Ponzi schemes, investment fraud, fake give ways, and social engineering.
  2. Victim Scammers, kuwaan si ay u Scame- gareeyaan dadka uma baahno in ay adeegsadaan xeelad farsamo cagsigeeda waxay iska dhigaan qof la dhibaateeye “Victim” waxaana ka mid ah kuwa dadka fariimaha u soo diro aana lahayn ciwaan sax “Verified accounts”.

Maxay kala yihiin Common Scammers?

Common scammers waa scammer’s guud adeegsado xeelado kala duwan waxay u qaybsamaan:

Phishing Scammers; kuwaan waxay dadka u soo diraan linkiyo, fariimo Emails, si ay u dhacaan xogta hantida shaqsi ama koox ay leeyihiin.

Ponzi & Pyramid schemes; kuwaan waxay adeegsadaan xeelad maskaxeed iyagoo dadka ugu yeerayo maalgashi project ay soo sameeyeen kuna dhiiri galinaayo qof walibo in uu qof keeno “referral links’ kuna helaayo points, waana midka ugu badan lagu dhaco bulshada soomaliyeed.

Fake giveways scammers; kuwaan waxay dadka u diraan linkiyo fake ah oo la socoto fariimo waxayna kugu sheegayaan in aad ku guulaystay awaalmarin, marka aad furto linkigaasna waaba lagaa adeegtay.

Social engineering scammers; habkaan waxaa adeegsado hackerska balse waxaa jirto noocyo ka mid ah scammers oo adeegsado xeeladaan si ay u basaasaan accont-yada shaqsiyaadka baraha bulshada ay ku leeyihiin.

Marka la joogo Crypto Market Scammers-ka waa barta ugu badan ay dadka ku dhacaan, maadaama ay yartahey aqoonta loo leeyahey waxyna ugu qaraabtaan iyagoo leh noocyo waji badan sida maalgashi been abuur ah waxaana ka mid ah exchange scammers, wallet scammer, smart contract sacmers.

Sidee iskaga ilaalin kartaa in lagugu sameeyo SCAM?

  1. Ha furin link aadan aqoon ee laguu soo direy, hana ka jawaabin fariin qofka kuu soo direy aadan aqoon.
  2. Iska hubi URL-ka website aad doonayso in aad isticmaasho
  3. Isticmaalo VPN si aad xogtaada u qarsato
  4. Iska ilaali maalgashiga faa’ido jogta ah wato. “guarantee return
  5. Iska xaqiiji Smart Contract-ga project aad doonayso in aad maalgashato

ka baro halkaan Coursada Crypto Af-kaaga Hooyo

Leave a comment