">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Cryptography waa farsamo technology loo adeegsado in lagu qariyo isgaarsiinta xogta si aan loo fahmin ama loo badelin waxaa laga ilaaliyaa xogta inay ogaato cid aan loogu tala galin, waxaana la adeegsadaa in la qariyo xogta qoraalka “encryption” si dib lagu furo oo ay u noqoto mid la fahmaayo waxaa la isticmaalaa “decryption”, ula jeedka laga leeyahay waa in laga ilaaliyo qof aan loo ogalayn inuu helo macluumaadka.

Erayga cryptography asalkiisa waxaa laga keenay Greek waxuuna ka kooban yahay labo eray oo kala ah Crypto iyo Graphy oo micnahooda kala ah Crypto waa in wax la qariyo sida qoraal, numbers, cod, sawir iwm, halka Graphy uu yahay qoraal.

Si guud Cryptography waxaa loola jeedaa in la qariyo xog iyadoo laga ilaalinaayo inay ogaato cid aan loo ogalayn, loona adeegsado tool suurta galinaayo in xogtaas ay noqoto mid qarsoon.

Maxay tahay shaqada ay qabato Cryptograph?

Cryptography waxay muhiim u tahay sirnaanshaha xogta oo qof walibo oo doonaayo inuu qariyo macluumaad waxuu adeegsanayaan hanaankaan Cryptography si uu qaab amaan ah uu u gudbiyo xogtiisa una gaarto qofka uu ugu tala galay iyadoo amaan ah oo kaliya fahmi karo shaqsiga lagu tala galay.

Cryptography waxay qabataa 5 shaqo oo ka dhigayso xog walibo mid amaan ah laguna kalsoon yahay

  1. Conviviality: cryptography waxay hubisaa kaliya cidda lagu tala galay awoodna loo siiyayay in ay xogta aqriso, fahanto kana falceliso.
  2. Integrity: in xogta aan waxba laga badeli karin, xitaa hadii ay gacanta u gasho cidd seddexaad aan ahayn labada qof isku dirayso waxaa fariinta lagu xeraa Secret key “fure amaan ah” kaliya qofka la siiyay furaha sirta ayaa awood u leh inuu furo fariinta.
  3. Authentication: Cryptography waxay xaqiijisaa shaqsiyada labada qof fariinta is dhaafsanaayo inay yihiin kuwa dhabta ah tusaale qofka fariinta diraayo waxuu Public key giisu la wadagaa qofka kale si uu u furo fariinta soo gaartay qofka kale waa inuu adeegsado Private key-ga la siiyay isagoo adeegsanaayo Digital signature.
  4. Non-repudiation: Cryptography waxay ka hor tagtaa in la beeniyo fariinta xogtala diraysida kan diraayo iyo midka helaayo fariinta ula jeedkana waa in la sugo amaanka xogta.
  5. Availability: waa in la heli karo xogta qarsoon qof walibo wuu arki karaa fariinta qarsoon balse kaliya waxaa fahmi karo waxay xambaarsan tahay qofka la siiyay Private key-ga.

Sidee aye u shaqaysaa cryptography?

Cryptography waxay adeegsataa mathematical algrothim iyo keys si ay xogta ugu dhigto mid amaan ah oo qarsoon sirteedana kaliya ay fahmi karto cidda lagu tala galay, waxayna adeegsataa tilaabooyinkaan:

Waxay u bedeshaa xogta muuqata oo la aqrin karo Plain text mid aan la fahmi karin oo kaliya ay aqrin karo cid gaar ah oo lagu tala galay Cipher text waxayna adeegsataa hanaanka Encryption       waxay u bedeshaa xogtii la qariyay cipher text mid muuqato oo la fahmi karo plain text kolka ay gaarto cidda lagu tala galay waxayna isticnmaashaa Decryption.                Tusaale fariin ‘waxaan aqristaa maqaalada la soo galiyo maalin kasta website ka Gellecrypto” kolkaan waxaa la yiraahdaa fariinta qoraalkaan waa Plain text mid Decrypt ah oo la fahmi karo, si lagu dhigo mid qarsoo waxaa la adeegsadaa Encryption “A@C#NNHKTY&*%H816098MJNH” hadda fariintaan waa cipher text qof walibo wuu arki karaa balse ma fahmi karo micnaheeda kaliya waxaa ogaan karo qofka la siiyo private key xogta lagu furo.                                                                                                                       Cryptography waxay xaqiijisaa Authenticity saxnaanshaha qofka fariinta diraayo iyo midka helaayo iyadoo la adeegsanaayo Digital signature, waxay sidookale hubisaa Data integrity inaan xogta waxbo laga badeli karin waxayna ku ogaataa hash function.

Halkee ayaa loo adeegsadaa Cryptography?

Cryptography waxaa loo isticmaalaa wax kasto oo la xariiro xog hadii ay noqoto mid ay ka dhaxayso koox ama labo shaqsi, waxaa adeegsan karo qof walibo oo doonaayo inuu gudbiyo fariin qaab sir ah aan la ogaan, waxaa aad u adeegsado sirdoonada iyo ciidanka waxayna isticmaalaan codes kala duwan oo mid kasta fariin qaas ah xambaarsan.

Labada qof ay doonaayo inay is dhaafsadaan fariin sir ah waxay ku heshiin karaan qaab ay isla fahmi karaan ay fariinta isku dhaafsadaan waxayna adeegsan karaan xarfo iyo numbers u gaar ah ay isla gartaan tusaale xarafka A waxay u bedelan karaan inuu yahay xarafka Y, sidaas aye isku dhaafsanayaan fariintooda iyadoo aan cidbo fahmi karin.

Waxyaabaha loo adeegsado cryptography waxaa ka mid ah:

Secure messages in laqariyo xogta aaladaha la iskula xariiro baraha bulshada sida whats app, telegram, email iwm waxay sheegaan alaadahaan iyo kuwa la midka ah in fariimaha la is ku dhaafsado ay yihiin end-to-end Encryptions xitaa serverada kaydiyaha xogaha aan awoodin inay ogaadaan fariinta isticmaalayaasha.

Online transaction waxyaabaha la isku dhaafsado online ka gaar ahaan website yada iyo VPN-yada, website yada waxay adeegsan karaan Encryption tools ay ku qariyaan xogahooda iyo kuwa macaamiishooda si ay ugu hortagaan in lagu soo weeraro xogahooda uu la helay. “Cryptocurrency iyo Blockchain” lacagaha digitaalka ay ku cusub caalamka iyo technologiyada ay ku dhisanyihiin ee Blockchain waxaa laf dhabar u ah loona adeegsadaa oo la’aantood aysan shaqayn karin cryptography labada qof oo isku diraayo lacaga crypto xogtooda waa qarsoontahay oo ma jirto qof ogaan karto waxa ay isku dirayaan waa qarsoonyihiin oo kaliya iyaga ayaa ogaan karo, Bitcoin waxay isticmaashaa SHA 256 Algorithm waa hanaan cryptography encrypting lagu qariyo xogteeda.

Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment