Waa maxay Centralized?
Centralized waa nidaam ama platform laga maamulo meel dhexe uu leeyaahay go’aanka u dambeeyo shaqsi gaar ah ama koox kooban, qofka adeegsanaayo aan awood buuxda u lahayn inuu sidoo doono u isticmaalo
Tusaale:
Suuqyada Crypto ee maamulaan shaqsiyad gaarka ah, dowladuhuna sharciyo u dajiyeen sida: Binance, Coinbase, Bybit, OKX waxaa iska leh shirkado kuwaasoo go’aamiya adeegyada iyo siyaasadaha ay ku shaqeyaan waxayna awood u leeyihiin inay shaqsi ka xeraan Account-giisa.
Bangiyada dhexe ee dowladuhu leeyihiin iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxay bixiyaan adeegyo si gaar ah loo maamulo sida Accounts, master cards waxayna xanibaad ku soo rogi karaan shaqsi hantidiisa.
Waa maxay Decentralized?
Decentralized waa nidaam ama platforms ku shaqeeyo qaab dhexe oo cid gaar ah ma maamusho qofka adeegsanaayo waxa uu leeyahay xuriyada buuxda waxaana go’aanka qaato dhamaan inta qaybta ka eh mashruucaas, fikrada ay ku dhisantahay Cryptocurrency waa Decentralization in hantida labada qof ay is dhaafsanayaan aan cid seddexaad go’aankeeda waxbo ku lahaan.
Hanaanka maamulka dhexe “Decentralization” waxaa taageersan dadyow badan oo caalamka ku nool kuwaasoo ka cabanaayo dhibaatooyinka sacir bararka iyo xayiraada bankiyada ay sameeyaan, waana sababta lacagaha crypto iyagoo aan 20 sanno gaarin adeegsigooda sidaa caan u noqdeen
Tusaale:
- DeFi platforms maaliyada madaxa banaan ee loo adeegsado cryptocureency kuwasoo aan lahayn shirkad dhexe qofka rabo inuu adeegsado aan laga doonay wax xog ah si uu lacag Crypto ugu deensado ama ku diimayo waxaana ka mid ah Aave iyo Compound
- Suuqyada Cryptoaan cidde gaar maamulin ‘Dex’ sida Uniswap, PancakeSwap.
- Lacagta ugu horeysay ee Crypto Bitcoin, waa tusaalaha saxda ah ee Decentralization, ma jirto koox gaar ah oo joojin karto ama wax ka badeli karto Blockchainta ay ku dhisantahay xogteedana lagu keediyo.
Farqiga u dhaxeeyo Centralization v s Decentralization?

1. Maamulka
- Centralization: koox gaar ah ayuu go’aanka ka soo baxaa, waxayna awood u leeyihiin inay wax bedel sameyaan, xayiraad soo rogaan, joojiyaan shaqo socoto. Tusaale bankiyada dhexe oo maamulo lacagata dalka sida FET.
- Decentralizetion: maamuulka wuu qaybsan yahay, go’aanka waxuu ka dhexeeyaa dhamaan inta qaybta ka ah shabakada, qof walibo wuu adeegsan karaa isagoo aan cid gaar ah ugu baahnayn wax ogolaansho ah. Tusaale Bitcoin Network waxaa qayb ka ah nodes “Computers badan oo caalamka ku baahsan waxayna ku shaqeyaan nidaamka Prof of work.
2. Aaminaada
- Centralization: waxaad ku kalsoonaanaysaa oo xogtaada u dhiibaysaa sida magacaaga, emailkaaga, address-kaaga iyo wax walibo kuu gaar ah hay’ad dhexe oo madasha maamusho sida banki, shirkad ama Compay ganacsi
- Decentralizetion: adiga ayaa masuul iska ah oo wax xog ah ma bixinaysid si aad adeeg u hesho ama aad u noqoto isticmaale, waxaad aaminaysaa nidaamka laftiisa
3️. Xorriyada
- Centralization: waxaa laga xanibi karaa adeega madasha ay bixiso wadan, koox ama shaqsi gaar ah, mararka qaar waxaa loo adegsan karaa ula jeedo siyaasadeed, tusaale xayiraad ay ku soo rogaan bankiyada shaqsiyaadka.
- Decentralization: ma jirto cid gaar ah oo adeego ka xeran qof walibo adduunka ku nool wuu adeegsan karaa, waxna waa lagu soo diri karaa, wuuna ku diri karaa tusaale boorsooyinka Crypto ‘Crypto wallets’
4. Daahfurnaanta (Transparency)
- Centralization: dhamaan xogta way qarsoontahay sida wax la is dhaafsado, tirade isticmaalka, dalabka iyo waxii la midka ah waxaa maamula oo xogta nidaamiyo koox gaar ah. Tusaale bankiyada
- Decentralization: xog walibo oo madasha ka dhex dhacdo waa la arki karaa oo qof waliba waxuu awood u leeyahay inuu booqdo ogaado diwaanada la keediyo sida uu u dhacaya iibka iyo xog walibo oo looo baahdo. Tusaale Blockchain
5️. Qiimaha Adeegga
- Centralization: waxay ka qaadaan isticmaalayaasha marka ay adeegyo dalbanayaan ama ay wax is dhaafsanayaan ‘Fee’ aad qaali u ah kaasoo mararka qaar caqabad ku noqoto in uu heeshiiska inuu dhaco tusaale xawaaladaha ka shaqeeyo sarifka ama suuqyada gaarka loo leeyahay ee crypto ka shaqeeyo waxaa ka qaadaan isticmaalayaasha marka ay wax iibsanayaan fee gaaraayo (0.1–1%).
- Decentralization: suuqyada madaxa banaan ee Crypto iyo si guudbo lacagaha crypto marka wax la diraayo ama la kala sarfanaayo waxaa la bixiyaa fee aad u yar tusaale marka aad adeegsanaysid shabakada Trc-20 waxaad bixinaysaa fee dhan $0.5 ilaa 1$.
6. Khatar
- Centralizetion: Haddii hay’ada dhexe oo maamulaysi mashruuca la jabsado ama ciliad soo gaadho waxay saamaynaysaa isticmaaliyaasha waxayna kala kulmi karaan qasaaro kala duwan sida inay hantidooda ku waayaan in xogtooda ay gacanta u gasho hackers taasoo ay ku soo weerari karaan.
- Decentralization: hadii uu isticmaalaha qatar kula kulmo ama uu lagu dhaco ma jirto cid gaar ah uu caawimaad waydiisanaayo ‘Supports team’ maadaama madasha ay tahay mid daah-furan aan meel dhexe laga maamulin oo qof walibo masuul iska yahay, balse saamayn kuma yeelanayso guud ahaan mashruuca iyo isticmaalayaasha kale. Tusaale ‘nodes’ qayb ka aha shabakada blockchainta bitcoin hadii mid ka mid ah ay caqabad qabsato ama weerar hackers oo la kulmo shabakada sideeda aye u shaqaynaysaa oo hoosheeda u soconaysaa
halkaan ka baro coursada Crypto