">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ripple waxay dalbatay ruqsadda banginimo ee Mareykanka, iyadoo ku biirtay tartanka sharciyeynta ee shirkadaha crypto.

Ripple ayaa raacday dariiqa shirkadda Circle si ay u noqoto bangi rasmi ah, kadib markii Congress-ka Mareykanka uu horay u qaaday hindise sharciyeed lagu nidaaminayo shirkadaha soo saara stablecoin-yada, iyadoo lagu xakameynayo hay’adaha bangiyada qaran.

Shirkadda fintech-ga ee Ripple Labs ayaa dalbatay ruqsad banginimo oo Mareykan ah, iyada oo raacaysa tallaabadii hore ee Circle, shirkadda soo saarta stablecoin-ka USDC si ay u noqoto bangi rasmi ah, taasoo qayb ka ah dadaalka shirkadaha crypto-ga ee lagu raadinayo sharciyad buuxda oo xidhiidh dhow la leh nidaamka dhaqaalaha caalamiga ah.

Maamulaha guud ee Ripple, Brad Garlinghouse, ayaa xaqiijiyay Arbacadii in shirkaddu ay dalbanayso ruqsad bangi oo qaran oo laga helayo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Bangiyada Mareykanka (OCC), sida uu ku shaaciyay baraha bulshada, kadib warbixin kasoo baxday The Wall Street Journal.

Annagoo ka duulayna raadkeena dheer ee waafaqsanaanta sharciga, Ripple waxay dalbanaysaa ruqsad bangi qaran oo laga helo OCC,” ayuu qoray.

Garlinghouse wuxuu sheegay haddii la ansixiyo ruqsadda, in ay noqon doonto “heer cusub oo lagu kalsoonaan karo” oo lagu qiimeeyo suuqa stablecoin-yada, maadaama Ripple ay si rasmi ah ula socon doonaan hay’adaha dawladda dhexe iyo kuwa gobollada iyadoo xusid mudan in Ripple USD (RLUSD) uu horey uga diiwaangashan yahay oo uu la socdo Xafiiska Maamulka Maaliyadeed ee New York (NYDFS).

Xigasho: Brad Garlinghouse

Ripple waxay raacaysaa waddadii Circle

Tallaabada Ripple ay qaaday waxay ku soo beegantay laba maalmood kadib markii Circle oo ah shirkadda ka dambaysa USDC, stablecoin-ka labaad ee ugu weyn suuqa ay iyaduna dalbatay ruqsad bangi oo qaran si ay ula socoto kaydka lacagaha stablecoin-keeda.

Labada shirkadood ayaa qaaday tallaabooyinkan kadib markii Senetka Mareykanku uu ansixiyay hindise sharciyeedka cusub ee GENIUS Act, kaasoo nidaaminaya stablecoin-yada lagu xidhiidhiyo dollarka Mareykanka, wuxuuna dhigaya in OCC ay si gaar ah u maamusho shirkadaha waaweyn ee stablecoin-ka bixiya.

Aasaasaha iyo maamulaha guud ee Circle, Jeremy Allaire, ayaa sheegay in shirkaddiisu ay qaadaysay “tallaabooyin firfircoon” si ay ula jaanqaaddo sharciyada cusub ee Mareykanka ee khuseeya soo saarista iyo adeegsiga stablecoin-yada.

Xilligan, shirkadda keliya ee crypto ah ee haysata ruqsad bangi qaran waa Anchorage Digital.

Ripple waxay sidoo kale rabtaa akoon Fed Master ah

Garlinghouse wuxuu sidoo kale sheegay in Ripple ay dalbatay akoonka “Master Account” ee Bangiga Dhexe ee Mareykanka (Federal Reserve), kaasoo siinaya shirkadda marin toos ah oo ay ugu kaydiso kaydkeeda RLUSD gudaha nidaamka bangiyada dhexe ee Mareykanka.

Helitaanka akoonkan waxay noo oggolaan doontaa inaan si toos ah ugu kaydinno kaydka RLUSD bangiga dhexe, taasoo kordhinaysa ammaanka oo xoojinaysa kalsoonida bulshada ee stablecoin-ka RLUSD,” ayuu yidhi.

Garlinghouse wuxuu intaa ku daray in “Congress-ku uu hadda dhisayo sharciyo cadcad,” isagoo xusay in bangiyada Mareykanka ay hadda u muuqdaan kuwo la jaanqaadaya horumarka crypto.

Ripple waxay akoonkaas u marisay Standard Custody shirkad crypto kaydisa oo ay Ripple la wareegtay bishii February 2024.

XRP korodh 3% ah kadib wararka ruqsadda bangiga

XRP oo ah token-ka blockchain-ka XRP Ledger ee ay Ripple adeegso wuxuu sare u kacay 3.2% 24 saac ee la soo dhaafay, isagoo gaadhay qiime dhan $2.27 sida aan ka soo xigannay CoinGecko.

Qiimaha XRP ayaa bilaabay inuu kaco galabnimadii Arbacada kahor inta uusan gaadhin heerkii ugu sarreeyay ee $2.27, markaasoo Garlinghouse uu daabacay warka ruqsadda bangiga, kadibna waxa uu hoos uga soo dhacay qadar yar.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment