">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchainDefiCefiNFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee dhaqaalaha caalamka iyo crypto, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerarka cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen, la qabsiga crypto ee bangiyada, mashruucyada cusub ee Crypto iyo waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain

📈 1. Xaalada guud ee Suuqa  

  • Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.36T trillion waxuu hoos u dhacay 1.20% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso $92.34 Billion.
  • Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta coinka Bitcoin awood dhan 64.4% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 34.6%
  • Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 28% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga filaayo uu yahay mid  hoos u dhacaya.
  • Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa in suuqa 52% yahay taasoo ku tusinaysa mid dhexe, kalsoonida maalgashiyaasha uu yahay mid (Neutral) ah.

Xaalada 10-ka lacagood ee ugu sareeyo suuqa Crypto

  1. Bitcoin: Qiimihiisa wuxuu haatan maraya $108,603, waxuuna sare u kacay 0.39%
  2. Ethereum: Qiimaha ETH waxuu hadda joogaa $2,557, waxuuna sare u kacay 1.50% 24 saac u dambeysay
  3. USDT: waa Stablecoin ay ka dambeyso shirkada Tether, waxuuna ku jiraa kaalinta 3aad kala horaynta lacagaha crypto waxuu fdududeyaa in la isku bedesho Fiat currency iyo Cryptocurrency, waxaa soo gashay manta hanti Volume dhan 57 billyan
  4. Ripple: Qiimaha XRP waxuu marayaa $2.27, waxuuna  sare u kacay 2.21%, 24 saac u dambeysay
  5. BNB: waa Coin ay lee dahay shirkada BInance, waxuu qiimihiisa haatan marayaa $661.36 waxuuna sare u kacay 0.94% isbuucii u dambeyay
  6. Solana: Qiimaha SOL waxuu hadda suuqyada ka joogaa $152.09, iyadoo uu sare u kacay 2.45%.
  7. USDC: waa Stablecoin kale k u jiro kaalinta 7aad ee suuqa, waxaana iska leh shirkada Circle, qiimihiisa isma bedelo waa $1 mar waliba, maanta waxaa soo gashay Volume dhan 6 billion.
  8. TRON: Qiimaha Trx waxuu haatan marayaa $0.2847 waxuuna sare u kacay 0.19% toddobaadkii u dambeyay
  9. Dogecoin: Qiimaha DOGE wuxuu hadda joogaa $0.170, iyadoo uu kor u kacay 3.04%
  10. Cardano: Qiimaha Ada waxuu suuqyada ka marayaa halkii xabo $0.5851, waxuuna sare u kacay 1.46%

2. 🏛️ Xeerarka iyo Siyaasada suuqa

  • Hay’ada SEC waxay soo rogtay xeer ka kooban 75-maalmood si loo dedejiyo ansixinta ETFs-yada crypto laga bilaabo 1 July.
  • Sharciyada ay soo kala saareen China iyo UK waxuu ka digaya scam lagu sameeyo lacagahastablecoins-ka.
  • Waxaa la ansixiyay sharcigii GENIUS Act, oo lagu ilaalin doono Stablecoins taasoo ka dhigan nidaam adag oo lagula socon doono companyada crypto ee soo saaro lacagaha stablecoins-ka sida Circle iyo Tether.
  • U.S. Secret Service waxay sheegtay inay qabtay lacag sharci daro digital ah oo lagu qiyaasay $400M, iyadoo la gaashatay Coinbase iyo Tether si loo xakameeyo dembiyada ka dhaco crypto
  • Hacking iyo scams ka dhex dhacay suuqa Crypto sanadkii hore waxaa lagu dhacay lacag qiyaasteeda gaarayso $9.3B taasoo iskugu jirto mid maalgalin iyo kuwa u kaydsanaa maalqabeenada suuqa.
  • Elon Musk wuxuu aasaasay “America Party” taageeraya Bitcoin iyo fiat rant, isagoo dhiirigelinaya isku-dhafka AI/Web3
  • Saudi Arabia waxay diiwaan gelisay kordhinta 51% ee shirkadaha blockchain Q2 2025

3. 📈 ETFs & Maalgashiga hay’adaha Suuqa Saameeyo

  • Shirkadda Metaplanet waxay iibsatay 2,205 Bitcoin cusub, taasoo qiimaheeda gaarayso $240.8 milyan
  • ETF Monochrome Bitcoin oo laga leeyahay Australia waxaa u maalgashan hadda 937 BTC, qiimo dhan $155M AUD .
  • Company-ga Smarter Web laga leeyahay UK waxay ka heshay 1,000 BTC treasury, taasoo korodhay 26,242% sanadkan
  • In-flow ‘hantida soo gashay ETFs-ka Bitcoin waxuu gaaray $14.4B horaanta sanadkan, iyadoo in ka badan 135 shirkadood ay kaydinayaan BTC
  • Shirkadaha Coinbase iyo Robinhood waxay qorsheynayaan inay soo kordhiyaan saamiyada tokenized stock, taas kaynaysa isku xirnaan blockchain iyo suuqyada saamiyada
  • Waxaa la dalbay Codsiyo 31 altcoin ETFs ah kuwaasoo la rajeynaayo in mar dhaw la gudbiyo, waxaana la filayaa in qaarkood la oggolaado xilliyeedka “altcoin summer”

Xigasho: cointelegraph.com.

4. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Whales saamaynta ku leh suuqa

  • Whales ayaa iibsaday in ka badan 1,000 BTC maanta, taasoo muujineysa kalsoonida ay ku qabaan suuqa .
  • Whake wayn oo haaysto 80,000 BTC ayaa bilaabay wareejin ka dib 14 sano, waxaana gaaraysaa lacagtaas $8.6B
  • Waxaa laga soo saaray wallet 60,000 BTC taasoo la doonaayo in lagu wareejiyo Exchange-yada suuqa Crypto sida Binance iyo Coinbase

5. 🚀 Mashruucyada horumarka ku socda ee suuqa

  • Waxaa aad loo iibsanayaa mashruucyada Crypto ay ku jiro presales iyadoo mashruuca Best Wallet ay heleen WalletConnect certification
  • Celestia’s token TIA waxuu kordhay 14% maanta

6. 🔗 Technologiyada Blockchain

  • Shirkadda Mercado Bitcoin ee laga leeyahay Brazil waxay qorsheynaysaa inay ku tokenize garayso diyaaradeeda iyo hanti kale ay leedahay oo gaaraya $200 milyan iyadoo adeegsaneysa XRP Ledger (XRPL). Tani waxay tusaale u tahay sida blockchain uu u noqday mid isticmaalkiisa aad muhiim  u ah
  • Aasaasaha Ethereum Vitalik Buterin iyo Toni waxay soo jeediyeen in la kordhiyo xadka “gas limit” ee blockyada si kor loogu qaado waxtarka iyo wax-qabadka shabakadda Ethereum. Waxay tani gacan ka geysan doontaa hagaajinta awoodda wax-qabasho ee network-ka.
  • Canton Network waxay isku xirtaa bangiyo badan iyo hey’ado waaweyn oo maaliyadeed iyadoo adeegsanaysa smart contracts gaar ah (Daml) iyo ledger gaar ah. Waxa ay hadda horumarinayaan nidaamyo cross-border ah oo ku saleysan blockchain si loo mideeyo nidaamyada dhaqaalaha.

7. 🤖 AI & Web 3.0

  • Waxaa soo kordhay Ai agent kuu hagaashinaayo crypto portfolio “maalgashigaaga suuqa Crypto’  
  • AI kuu ogaanaya khiyaanada ka dhex dhaca DeFi oo la kordhiyay si loo helo nidaam amni oo waafaqsan sharciyada

8. 🖼️ NFT & DeFi

  • NFT-backed coins sida TIA ayaa hogaaminaya suuqa, iyadoo TIA korodhay maanta 14%
  • Madasha CertiK waxaa loo adeegsadaa in lagu baaro DeFi Platform’s iyo tokens-ka cusub si la iskaga ilaaliyo scammers.  

Halkaan ka baro coursada Crypto

Leave a comment