“Waxaan idinku arki doonaa $150K,” ayuu yidhi taageere Bitcoin kadib markii BTC gaadhay heer cusub oo ka sarreeya kii hore.
Dhaqaaleyahan Timothy Peterson ayaa sheegay in haddii Bitcoin aysan dib u hanan heerkan sare ee taariikhiga ah, la malayn lahaa in suuqyadu sugaan ilaa bisha October si fursad cusub u timaado.
Sida aan ka soo xigannay taageerayaasha Bitcoin, lacagtani waxay u socotaa in ay gaadho $150,000 kadib markii ay jabisay rikoorkii hore ee ahaa $112,000 Arbacadii shalay.
“Waxaan idinku arki doonaa $150K,” ayuu yidhi Kyle Reidhead, aasaasaha Milk Road, kuna qoray bartiisa X (Twitter), isagoo xiganaya qoraal uu hore u sameeyay dhammaadkii June oo uu ku muujiyay “cup and handle” oo ah jaantus suuqeed rajo leh oo tilmaamaya korodh.
Korodhka ayaa yimid kadib laba toddobaad oo isku xidhnaan suuqeed ah, taas oo ay falanqeeyayaal badani uga baqayeen in Bitcoin aysan awoodin inay jebiso heerkii hore.
Dhaqaaleyahan Timothy Peterson ayaa u sheegay Cointelegraph in haddii Bitcoin aysan gaadhin heer cusub 2-da toddobaad ee soo socda, laga yaabo inaysan mar kale fursad helin ilaa bisha October.

Tusmada cabbirta cabsida iyo damaca ee suuqa Crypto (Crypto Fear & Greed Index) ayaa kor u kacday 5 dhibcood, iyada oo gaadhay “Greed” darajo ah 71/100, taas oo muujinaysa kalsooni sare oo suuqa ka jirta.
Sidoo kale, Altcoin Season Index ee CoinMarketCap ayaa muujinaya in suuqa wali si weyn u taageerayo Bitcoin, iyadoo Bitcoin lagu qiimeeyay darajo 26/100 oo ah “xilli Bitcoin”.
Falanqeeyaha crypto Matthew Hyland ayaa sheegay in Bitcoin ay jebisay hoos u dhacii ay ku jirtay tan iyo dhammaadkii May.
“BTC waxay xaqiijisay heer sare oo cusub marka Timeframe-ka maalinlaha la joogo taasoo muujinaysa in hoos u dhacu dhammaaday,” ayuu yidhi.
“Bulls-ka (iibsadeyaasha) ayaa hadda gacanta ku haya suuqa,” ayuu raaciyay.
Sida aan ka soo xigannay TradingView, Bitcoin waxay hadda joogtaa $111,167.
Falanqeeyaha eToro, Josh Gilbert, ayaa ku yidhi Cointelegraph:
“Tani waa suuqii ugu horreeyay ee ay si buuxda uga muuqdaan hay’adaha maaliyadeed.”
“Dakhliyada adag ee ETF-yada iyo xaaladaha dhaqaale oo xasilloon ayaa sare u qaaday hanka suuqa. Laakiin waxa ugu muhiimsan waa cidda iibsanaysa – waana hay’adaha.”
Mena Theodorou, oo ah aasaasaha Coinstash, ayaa raaciyay:
“Way caddahay in korodhkani uu ka imanayo hay’ado maaliyadeed, ma aha ganacsatada yar yar.”
“Xitaa iyadoo la wajahayo hubanti la’aanta caalamka sida xiisadaha ganacsi iyo khataraha juqraafiyeed ee kordhaya – Bitcoin waxay muujisay adkaysi.”
Rikoorka cusub ee Bitcoin oo dad badan yaab geliyay
Qaar badan oo ka mid ah ganacsatada suuqyada ma filayn in BTC ay gaadho heerkan cusub.
Maalin ka hor, falanqeeyayaasha Bitfinex waxay sheegeen in ganacsatadu ay ka cabsanayaan inay iibsadaan Bitcoin marka ay ku joogto heerkan sarreeya, maadaama ay la tacaalaysay jebinta rikoodhkii hore.
Intii lagu jiray 24-kii saac ee la soo dhaafay, in ka badan $217.5 milyan oo short positions ah ayaa laga saaray suuqa(lagu qasaaray), sida aan ka soo xigannay CoinGlass.
Waxaa sidoo kale jira short positions ku kacaya $1.6 bilyan oo khatar ugu jira in laga saaro suuqa haddii BTC ay gaadho $115,000.
Santiment ayaa muujisay in dareenka ugu wanaagsan ee suuqa Bitcoin la gaadhay saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay, balse falanqeeye Brian Quinlivan ayaa ka digay in korodhka dareenka rajada ah uu marar hore horseeday hoos u dhac (sida bishii June 11-keedii iyo July 7-deedii).
Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo