NFT Marketplace waa suuq online ah oo kuu ogolaanaya inaad iibsato, iibiso, ama sameyso NFTs (Non-Fungible Tokens).
NFTs waa hanti dijitaal ah oo matasha wax gaar ah sida farshaxan (digital art), music, Metaverse, game assets, iwm ah
Suuqyadaas waxaa laga heli karaa mareegaha internetka (web platforms), waxaana lagu xiraa boorsooyin dijitaal ah ee Krypto (crypto wallets) sida MetaMask ama Trustwallet si loo iibsado, la iska iibiyo ama loo abuuro NFTs. Inta badan, NFT marketplaces ‘suuqyada NFt’ waxay isticmaalaan blockchains kala duwan sida Ethereum, Binance Smart Chain, Polygon, Solana, Tron, Arbitreum si ay u shaqeeyaan.
Noocyada NFT Marketplaces
Suuqyada NFTs-yada waxaa loo kala saaraa dhowr qaybood iyadoo ay ku xiran tahay waxa lagu kala iibsado iyo qaabka loo isticmaalo, waxayna kala yihiin:
- General NFTs Market, waa suuq laga helo karo noocyo badan oo NFT ah oo lagu dhisay Blockchains kala duwan lwaxaa lagu kala iibsado NFTs matalaya farshaxan, muusig, Gamming, hanti iwm.
- Gaming NFTs market, waa Suuqyo u gaar ah mashruucyada NFT ee matala ama ka dambeeyo gamme tusaale waxaa ka mid ah suuqyadaan Axie infinity.
- Music NFTs market, Waxay diiradda saaraan suuqyadaa mashruucyada NFT ee matala muusigga dijitaal ah.
- Metaverse NFTs Market waa suuqyada laga helo NFTs-yada matala Addunka qiyaali digitalka ah “Metaverse” waxaa dhul, dhismayaal, ama avatar loo badelaa NFT ka turjuma waxaana laga heli karaa suuqyadaan oo ka mid ka yahay Decentraland marketplace.
- Ethereum NFTs Market – waa suuqyada laga heli karo dhamaan NFT-yada loo adeegsaday samayntooda Ethereum Blockchain waxaana ka mid ah suuqyadaas OpenSea
- Solana NFT market – waa suuqyada laga helo mashaariicda NFTs-ka lagu dhisay Blockchainta Solana waxaa ka kid ah suuqyadas Magic.Eden
Suuqyada Ugu Caansan ee NFT- (2025)
Waa kuwaan 10-ka suuq ugu caansan ee laga helo NFTs
- OpenSea, waa suuqa ugu weyn ee NFTs-yada lagu kala iibsado. Waxaa laga heli karaa noocyo kala duwan NFTs matala farshaxan, muusig iyo ciyaaro. Waxay taageertaa blockchain-yada Ethereum, Polygon, iyo Base.
- Magic Eden, waa suuqa labaad ugu wayn ee lagu kala iibsado NFTs, waxaa si gaar ah looga isticmaalaa NFTs-yada ku dhisan blockchain-ka Solana. Waxay caan ku tahay suuqaan oo laga heelaa (Gaming NFTs) iyo NFT collections.
- Rarible, waa suuq furan oo qof walba ku abuuri karo kuna iibin karo NFTs cusub. sidoo kale waa suuq fudud isticmaalkiisa,waxayna taageertaa blockchain-ka Ethereum.
- Binance NFTs, Suuqaan waa qeyb ka mid ah suuq weynaha Binance, waxay isku xirtaa NFT-yada iyo isticmaalayaasha Binance waxaana loo adeegsadaa lacagta BNB. Waa suuq aad ugu wanaagsan dadka cusub kana bilaabi karaan inay iibsadaan NFT cusub.
- Foundation, waa suuq tayo sare leh oo loogu talagalay farshaxan-yaqaannada, NFTs-yada laga helo badankood waa kuwa farshaxanimo leh oo si xul ah loo daabaco.
- Blur, waa suuq lagu kala iibsado NFTs-yada waxuu caan ku yahay suuqaan volatile iyo Liquidity waxaana laga helaa NFT-yada Cusub oo markaas la mint gareeye, waxuuna taageeraa Blockchainta-ta Ethereum.
- Zora, waa suuq ay si fudud dadka arts-ka sameeyo ugu abuuri karaan NFT cusub iyagoo adeegsanayo Blockchains, suuqaan waa mid decentral ah oo cid gaar ah ma maamusho, waxuu taageeraa Blockchains-yada Etereum iyo Zora Network.
- Objkt.com, suuqaan waxuu taageeraa mashruucyada loo adeegsado samayntooda Blockchain-ta Tezos, waxuuna ka qaadaa artist-yada ‘dadka farshaxanka sameeyo’ fee aad u yar si ay NFT u abuuraan.
- Looks Rare, waxuu suuqaan siiyaa isticmaaliyaasha iska diiwaan galiyo marka ay ku dhex iibsadaan NFT, token-kiisa loo yaqaano $LooksToken si lagu dhiiri kaliyo isticmaalayaasha, waxuuna taageeraa suuqaan Blockchain-ka ethereum.
- SuperRare, wuxuu taageeraa suuqaan Blockchain-ka Ethereum, waxaana laga helaa NFT arts one-of-one midaas uu kaga duwan yahay suuqyada kale oo laga helo Collection NFTs.
Markaad NFT ka iibsanayso suuqyadaan, waxaa jiri kara “transaction fee” ama “platform fee” waa lacagta laga jaro iibkaaga aad ku iibsatay NFT ama aad iskaga iibisay,
Waa kuwan qaar ka mid ah suuqyada iyo fee-yada kala duwan ee qaadaan.
OpenSea waxuu ka qaadaa macaamiisha fee dhan 2.5%
Blur ma lahan wax fee ah oo waxaad isticmaali kartaa adigoon wax fee bixin waa (zero fee) 0%
Magic Eden. Waxuu qaadaa 2%
Foundation waxay ka qaataa isticmaalayaasha 5%
SuperRare waxuu qaadaa 15%
Tusaale qaabka ay suuqyada Fee-ga u qaadaan, Haddii aad ku iibiso NFT qiimo dhan $100 suuqa Foundation, waxaa lagaa jarayaa $5 oo ah qidmada suuqa, mararka qaar waxaa sii jiri karo gas fee.
NFT marketplaces waxay fure u yihiin dhaqaalaha dijitaalka ah iyo hal-abuurka casriga ah. Waxay dadka siinayaan fursad ay ku ganacsadaan, kusoo bandhigaan farshaxankooda, kuna ilaashadaan hantidooda dijitaalka ah. Waxaa muhiim ah in qofka isticmaalaya NFT Marketplace uu barto sida wallet-yada u shaqeeyaan, blockchain-lagu sameeyo NFT, iyo fee-yada kala duwan ee qaadaan suuqyada.
halkaan ka baro Coursada Crypto