">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

RWA waxaa laga soo gaabiyay “Real World Assets” taasoo micnaheedu yahay “Hantida Dhabta ah ee Caalamka taala, tusaale guryaha, dhulalka, dahabka, baabuurta, saamiyadda shirkadaha, iyo amaahda, kuwaasoo loo beddelayo hanti dijital ah iyada la adeegsanayo teknolojiyadda blockchain.

Marka RWA lagu sameeyo token gareeyn (tokenization), waxay u suurtagelineysaa in lagu ganacsado, loo maalgashado qaab crypto token ah, taasoo kaynaysa fursado balaadhan oo dhaqaalaha caalamka ah.

Noocyada RWA:

  • Guryaha: waa hantida ugu badan ee la token gareeyo, waxaana loo isticmaalaa Blockchain si ay dadka u maal gashadaan.
  • Dahabka iyo Macdanta: RWA waxaa ka mid ah sidoo kale dahabka oo si digital ah loogu wareejiyo blockchain iyadoo token ahaan loo sameenayo.
  • Daynta: Amaahda la bixiyo, sida deymaha ganacsiga kuwa shirkadaha, dowladaha waxay noqon karaan RWA haddii loo sameeyo dokumentiyo digital ah oo ku saleysan blockchain.
  • Saamiyadda Shirkadaha (Stocks): waxaa loo badeli karaa Tokens lagu keediyo xogtooda Blockchain-ta si loo malgashto.
  • Farshaxanka Qadiimiga ah: Farshaxanada iyo alaabaha kale ee qaaliga ah waxaa sidoo kale laga dhigi karaa RWA iyadoo loo sameynaayo Tokens lagu matalo

Waa maxay RWA Tokens?

RWA Tokens (Real World Asset Tokens) waa tokens Digital ah oo matala hanti dhab ah sida guri, dahab, bonds ama dayn waxaa lagu sameeyaa maalgashi iyadoo yoolka yahay milkiyada hantida dhabta ah waxayna ku kaydsan tahay xogtooda Blockchainta.

Waa maxay Xiriir-ka kala dhaxeeyo Blockchain iyo RWA?

Blockchain waa halka loo adeegsado RWA-Real World Asset, Marka hanti dhab ah la token gareeyo oo loo baddelo Digital, xogteeda waxaa lagu keydiyaa blockchain si ay u noqdaan kuwa Hufan Wax kasta oo ku saabsan milkiyadooda, qiimaha iyo taariikhda hantidaas waxaa loo kaydiyaa si cad oo aan la beddeli karin. Kala iibsi fudud, Blockchain waxay u sahlaysaa in hanti sida guri ama dahab looga iibsado meel kasta iyadoo la adeegsanayo Token Crypto.                        Smart Contract Qandaraasyada smart-ka ah waxay suurtageliyaan in heshiisyada hantida si toos ah loo fuliyo iyadoo aan qof dhex-dhexaadiye ah loo baahnayn.

Tusaalooyin RWA Mashruucyo loo badaley Tokens:

  • Goldfinch: Waa mashruuc RWA ah waxuuna diiradda saaraa tokenization-ka amaahda iyo saamiga shirkadaha.
  • Maple Finance: Waxay bixisaa deymo Tokens Digital ah ku saleysan RWA iyadoo la isticmaaleyso smart contracts.
  • RealT: Waxay diiradda saartaa in hantida guryaha dhabta ah laga dhigo crypto tokens Digital ah kuwaasoo loo adeesado samayntooda laguna kala iibsado Ethereum blockchain.
  • Ondo Finance: Waxay isku xirtaa RWA iyo DeFi iyadoo soo bandhigta hantiyo la token gareeyey oo ay dadku ku maal gashan karaan Crypto.

Sidee RWA Lacag Looga Sameeyaa?

  • Maalgashi Tokenized RWA ah: Dadku waxay iibsadaan token RWA ah sida guri la token gareeyay si ay u kireyaan uga helaan faa’ido ama Dahab loo badaley Token Digital si ay u maalgashtaan ugana sameeyaa faa’ido.
  • Amaahda: Ku maalgashiga mashruucyada deyn bixiyaal ah sida Maple Finance ama Goldfinch si ay ugu helaan Dulsaar (interest).
  • Token Sale: Qofka leh hanti dhab ah waxuu ku sameeyaa Tokenization si uu lacag ugu helo dadka maalgashta Token-kiisa
  • Arbitarage: Ganacsatada waxay iibsadaan RWA qiimo jaban si ay dib uga iibiyaan marka uu gaaro qiimo sarayso si ay faa’iido uga helaan.

Faa’iidooyinka RWA:

  • Hanti Dhab oo loo baddelo Digital sida guryaha, dahabka iwm ah taasoo ay dadaka si fudud ku maalgashan karaan iyagoo aan ka baqayn wax dhibaato ah maadaama hantida ay tahay Digital.
  • Maalgashiga hanti kaa fog, tusaale waxaad maalgashan kartaa guri ku yaal Mareykanka adigoo jooga Soomaaliya.
  • Hufnaan iyo Ammaan, Blockchain wuxuu bixiyaa xaqiijin sax ah oo cidda leh hantida la token gareyay waxaa xogta lagu keediyaa Block u gaar ah.
  • Helitaanka ilo dhaqaale, markii la maalgashto hanti loo baddaley Digital Token waxaa laga heli karaa faa’ido.

Khatarta ay leeyihiin RWA

  • Xeerar Adag, waddamada caalamka baddankood ma fahan sana Digital Token oo loo adeegsada Blockchain waxayna saaraan xayiraad.  
  • Qiimo Dhac, Qiimaha tokens-ka RWA sida guryaha ama dahabka waxay hoos u dhici karaan si fududud taasoo saamayn ku yeelan karo qofka maalgashtay
  • Khatarta Hacking, Haddii hanti la token gareeyay la xado ama lunto, qofku wuu waayi karaa xuquuqdiisa hantiyayeed ee Digital-ka ah.
  • Liquidity Yar, Suuqa RWA wali wuu cusub yahay, sidaa darteed helitaanka qof kaa iibsada token-kaaga way adkaan kartaa.

Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa Maalgashiga RWA Tokens?

Maalgashiga RWA (Real-World Asset Tokens). Diinta Islaamka way ogashahey balse waxaa jiro shuruuda laga rabo qofka maalgashanaayo. Waxayna yihiin shuruudahaas:

✅ Hadii hantida la token gareeyay ee tahay mid dhab oo qof la yaqaano uu leeyahay  Mulkiyadayda (sida dahab, guri iwm ah) waa xalaal oo waa la maalgashan karaa.

❌ Balse hadii hantida la token gareeyay ay tahay mid aan la aqoon mulkiyadeeda ama ay tahay daymo loo badalay tokens ama loo  adeegsado Blockchain ka shaqeyso wax diinta islaamka mamnuucday waa xaaraan in la  maalgashado

✅ Token la maalgashanaayo uu yahay mid wakil ka ah hantidaas oo daah furan qofka maalgashanaayo uu u madax banaan yahay waa xalaal maalgashigiisa

✅ maalgashaduhu waa inuu ka fogadaa Token matala hanti ku lug leh ribbo ‘Intrest’, Khamaar ama ay leedahay shirkad ka shaqaysa Khamri.

Mustaqbalka RWA

RWA waxaa loo arkaa inuu yahay mid ka mid ah isbeddelada ugu weyn ee mustaqbalka Crypto, Blockchain iyo dhaqaalaha caalamiga ah.

Markii ay bangiyada, shirkadaha iyo dowladaha ay bilaabaan inay aqbalaan fikradda ah in hantida dhabta ah la token gareeyo oo loo badelo Digital waxaa la filayaa in balaayiin dollar oo hanti ah lagu wareejin doono blockchain, taasoo ayteknolojiyaddu fududayn doonto kiraynta hantida digital-ka ah, iibka guryaha, iyo bixinta daymaha, iyadoo dhammaan ay noqonayaan kuwo caalami ah, hufan, ammaan ah, laguna kalsoonaan karo.

Ka baro Halkaan Cousada Crypto

Leave a comment