">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Maalgashiga lacagaha dhijitaalka ah (crypto) wuxuu noqday mowduuc si weyn loo hadal hayo dunida oo dhan, iyadoo malaayiin qof ay iibsadaan lacagahaas si ay u kobciyaan hantidooda. Haddii aad tahay qof cusub oo doonaya inuu fahmo sida maalgashiga crypto uu u shaqeeyo, mawduucan ayaan ku iftiiminaynaa waxyaabaha aasaasiga ah.

Aan eegno sida maalgashiga crypto uu u shaqeeyo iyo waxa bilowga ah ee muhiimka u ah qof kasta ka hor inta uusan bilaabin.

Waa Maxay Maalgashiga Crypto?

Maalgashiga crypto wuxuu ka dhigan yahay inaad lacag geliso lacagaha dhijitaalka ah adigoo rajeynaya in qiimahooda uu kor u kaco mustaqbalka. Sida maalgashiga guryaha, dahabka, ama saamiyada, waxaad rajaynaysaa faa’iido marka qiimaha hantida aad leedahay uu kordho.

Tusaale ahaan, qof iibsaday Bitcoin markay ahayd $1,000 kuna iibiyay $30,000 kadib dhowr sano wuxuu helay faa’iido dhan $29,000, dabcan innaga oo aan iska indhatirayn kidmadaha. Laakiin sidoo kale, qiimayaashu si degdeg ah ayay hoos ugu dhici karaan, sidaas darteed fahamka suuqa waa muhiim.

Maxay dadku u maalgashadaan crypto?

Waxaa jira sababo badan oo ka dambeeya xiisaha weyn ee crypto:

  1. Faa’iido Sare oo Suurtagal ah
    Lacagaha dhijitaalka ah waxay leeyihiin awood ay ugu kici karaan si degdeg ah. Maalgashadayaal badan ayaa helay 10-laab ama xitaa 100-laab faa’iido ah, markii ay hore u galeen suuqyada qaar.
  2. Suuqa oo Mar Walba Furan
    Suuqyada caadiga ah sida saamiyada waxay xiran yihiin habeenkii iyo maalmaha fasaxa, laakiin suuqyada crypto weligood waa furan yihiin 24/7.
  3. Fudeydka Gelitaanka
    Kaliya taleefan iyo internet ayaa kugu filan inaad bilowdo. Waxaad ku bilaabi kartaa xitaa adigoo isticmaalaya $10.
  4. Xorriyadda Maaliyadeed
    Maalgashiga crypto wuxuu kuu oggolaanayaa inaad maamusho hantidaada adigoon u baahnayn bangiyo ama dhexdhexaadiyeyaal kale.

Hababka ugu caansan ee loo maalgashado Crypto

Waxaa jira xeelado kala duwan oo loo isticmaalo maalgashiga crypto. Kuwa hoos ku qoran ayaa ah kuwa ugu habboon qofka bilowga ah:

  1. Iibso oo Hayso (HODL)

Tani waa istaraatijiyad caan ah oo ku habboon cidda ku cusub suuqa. Waxaad iibsataa lacag dhijitaal ah, kadibna waxaad sugaysaa in qiimaheedu kaco, muddo bilo ama sanado ah.

Tusaale: Iibso Bitcoin $10,000, hayso 3 sano, kadib iibi marka ay gaadho $30,000.

Heerka khatarta: waa dhexdhexaad ilaa khatar sare wuu noqon karaa.

Ku habboon: Maalgashadayaasha raba faa’iido mustaqbalka fog.

  1. Trading Crypto

Halka kuwa haysta ay sugaan qiimaha inuu kordho muddo dheer, Traders-ku waxay u iibsadaan oo una iibiyaan si degdeg ah si ay uga faa’iideystaan isbedbeddelka qiimaha muddada gaaban.

Noocyada Trading-ka:

Ganacsi maalmeedka (Day Trading) :- waa inaad ganacsiga gashaa isla markaana ka baxdaa maalin gudaheed.

Ganacsiga muddo dheer ah ah (Swing Trading) :- waa mid maalmo ilaa toddobaadyo aad ku jirayso trade-ka.

Ganacsi ku dhufo oo ka dhaqaaq ah (Scalping):- waa trade-yo badan oo yar yar maalin gudaheed ah.

Heerka khatarta: waa mid sare

Ku habboon: Dadka haysta waqti lehna fahan suuqeed

  1. Staking (kaydin hanti oo Abaalmarin Leh)

Lacagaha qaarkood sida Ethereum iyo Cardano waxay kuu oggolaanayaan inaad “kaydiso” lacagtaada si aad ugu hesho abaalmarin. Tani waxay la mid tahay sida adiga oo dulsaar ka helay akoon kayd bangi.

Lacagaha la stake-gareeyo: Ethereum (ETH), Cardano (ADA), Solana (SOL)

Heerka khatarta: Dhexdhexaad

Ku habboon: Maalgashadayaal raba dakhli yar oo joogto ah oo aan hawl badan lahayn

  1. Yield Farming iyo Amaah Bixinta

Maalgashadayaasha qaar waxay isticmaalaan barnaamijyada DeFi (Decentralised finance) si ay lacagtooda ugu amaahiyaan kuwa kale ugana helaan dulsaar. Yield farming waa hab aad u wareejiso lacagtaada si aad u hesho dulsaar fiican.

Faa’iidada suurtagalka ah: Ka badan dulsaarrada caadiga ah.

Heerka khatarta: waa mid aad u sarreeya (sababo la xidhiidha hallow lacag, weeraro, ama qaladaad tiknikaal ah)

Ku habboon: Isticmaalayaasga khibrad leh

Talooyin Muhiim u ah Maalgashadayaasha Bilowga ah

Maalgashiga crypto wuxuu noqon karaa mid faa’iido leh waa haddii si masuuliyad ku dheehan tahay looga shaqaysto. Waa kuwan qodobo muhiim ah oo ku anfacaya:

  1. U bilow si tartib ah

Ha gelin dhammaan kaydkaaga ama lacag aad u baahan tahay. Ku bilow lacag yar oo aad kuu baran karto khibrad, adigoon lumin wax badan.

  1. Samee cilmi baaris kuu gaar ah (DYOR)

Ha ku tiirsanaan warar aan la hubin, baraha bulshada, ama talo aan la xaqiijin. Baro mashruuca, ujeeddadiisa, kooxda ka dambeysa, taariikhda qiimaha, iyo qorshihiisa mustaqbalka.

  1. Kala geddi hantidaada

Haku tiirsanaan lacag kaliya. Maalgashi kala duwan samee si aad iskaga ilaaliso khasaare buuxa haddii hal mashruuc uu fashilmo.

  1. U diyaar garow Isbedbeddelka qiimaha

Qiimaha crypto si degdeg ah ayuu u kacaa ama u dhici karaa. Ha ku dagmin iibin degdeg ah marka qiimuhu hoos u dhaco. Samirku waa muhiim.

  1. Ka fogoow khiyaamooyinka

Haddii fursad lagu sheegay inay si sahlan ku taajiri doonto, waxaa suuragal ah inay khiyaamo tahay. Ka digtoonow bogagga been abuurka ah, fariimaha ku weydiinaya sirtaada, iyo barnaamijyada aan la garanayn.

  1. Sii Wad Barashada

Suuqa crypto si joogto ah ayuu isu beddelaa. Wax cusub ayaa soo baxa maalin kasta. Raac warbaahinta lagu kalsoon yahay, ka qayb qaado kooxo wax-barasho, oo sii horumari aqoontaada.

Ogow inta qaab ee suuqan looga shaqaysan karo ee aan ka soo hadalnay qaar xaaraan ah oo diinteennu oggolayn ayaa ku jira ee samee baadhitaan kuu gaar ah inta aad mid ka mid ah ku dhaqmin.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment