Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee suuqa waxyaabaha aan ugu hadli doono waxaa ka mid ah, crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, Ai, Web 3.0, iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.
Halkan waxaad ka aqrisan doontaa maalin walibo dhacdooyinkii uu dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto waxyaabaha ku soo kordha technologiyada Bloickchain
📈 1. Xaaladda guud ee Suuqa
- Qiimaha Guud ee Suuqa (Market Cap): Wuxuu marayaa maanta ku dhowaad $3.82 trillion waxuuna sare u kacay 1.90% halka (Volume) hantida guud ee suuqa la isku dhaafsaday 24 saac u dambaysay ay gaarayso 228.80 Billion.
- Awooda suuqa Dominance waxaa haysto maanta Ccoinka Bitcoin awood dhan 60.5% halka Altcoins ay haystaan awood dhan 40.5%
- Altcoin season Index waxuu sheegayaa in uu yahey 44% taasoo ka dhigan in damaca altcoins laga qabo ay sare u kacayaan
- Fear and Greed index halbeega lagu cabiro dareenka maalgashiyaasha waxuu sheegayaa 68% taas oo ka dhigan inuu yahey mid ay jirto damac maalgashi
- Bitcoin Qiimahiisu wuxuu haatan marayaa $~106,779.63, waxuu kor u kacay +0.07% 24 saac gudaheed.
- Qiimaha ETH waxuu sare u kacay $3, 708 waxuuna gordhay +3.54%
- Qiimaha Sol waxuu marayaa haatan $181.04
- Qiimaha XRP waxuu gaaray $3.12 maanta
2. 🏛️ Xeerarka & Sharciyeynta (Regulation)
- Dowladda Mareykanka waxay sharciyeesay lacagaha stablecoins ee Crypto
- SEC waxay joojisay baaritaankii ay ku wadday token-ka Filecoin (FIL).
- Mas’uuliyiinta South Korea waxay sheegayn inay diyaarinayaan liis rasmi ah oo cryptocurrencies la ogol yahay si loo dhamaystiro sharciyadooda.
- Dowladda Turkey waxay billowday barnaamij ay kula dagaallamayso isticmaalka crypto si sharci darrada ah.
- Dowladda Masar waxay sheegtay in ay bilaabi doonto daraasad ku saabsan suurtagalnimada sharciyeynta crypto sanadka 2026.
3. 📊 ETFs & Maalgashi Hay’ado (ETFs & Institutional Investment)
- Grayscale waxay codsatay in lagu baddelo ETF-kii hore ee ETH mid cusub
- BlackRock’s Bitcoin ETF (IBIT) waxay kordhisay hantida ay ku maalgashatay Bitcoin waxuuna gaaray $18.3B.
- Fidelity waxay shaacisay in ay kordhin hantida ku jirta Ethereum ETF ay leedahay iyadoo la filayo ogolaanshaha SEC.
- Invesco iyo Galaxy Digital waxay bilaabeen olole lagu dhiirrigelinayo maalgashiga crypto ETF-yada ee suuqa Asia.
- Hay’adda Vanguard waxay wali diidan tahay inay bixiso crypto ETFs, taasoo la yaab ku noqotay suuqa.
4. 🐋 Maalgashiga Whale-yada saamaynta ku leh suuqa
- Whale ayaa ibbsaday 5,000 BTC maanta oo u dhiganto 600,000,000 Million
- Wallet cusub waxuu helay 12,400 ETH oo si qarsoodi ah loogu wareejiyay.
- Xogta laga helay Glassnode waxay muujineysaa in whales badan ay bilaabeen kaydinta Solana iyo Toncoin.
5. 🚀 Mashaariic Horumarka ku socda ee Suuqa
- Chainlink waxay shaacisay in la bilaabay Chainlink CCIP v2 — oo diiradda saaraya isdhexgalka Web3 & Web2.
- Islamic Coin (ISLM) waxaala filayaa inuu helo cusboonaysiin weyn oo ku saabsan layer 2-ka cusub: Haqq Ethiq ee lagu dhisi doono madasha Ethereum.
- Sui Network waxay sheegtay in ay dhisayaan ecosystem loogu talagalay gaming decentralized.
- Injective Protocol waxay bilaabeen barnaamij horumarineed oo lagu taageerayo mashaariic cusub oo ku saleysan AI.
- Ton Blockchain (Telegram coin) waxay ku dhawaaqay iskaashi cusub oo la leh OpenAI si loo dhiso bots AI oo blockchain ah.
6. 🔗 Tignoolajiyada Blockchain
- Shirkadda Coinbase Cloud ayaa daahfurtay API cusub oo loogu talagalay in lagu fududeeyo helitaanka layer 2 networks.
- Ethereum waxaa laga yaabaa in uu wajahayo hard fork cusub bisha Agoosto, kaasoo wax ka beddelaya habka sharding-ka loo sameeyo.
- Polygon Labs waxay shaaciyeen Polygon 2.0 — oo leh scalability iyo zero-knowledge technology cusub.
- Binance Smart Chain (BSC) waxay bilaabay taageero rasmi ah oo loogu talagalay ERC-404 standard oo cusub ee Blockchainta Ethereum.
7. 🤖 AI & Web 3.0
- BitTensor (TAO) waxay soo bandhigtay qorshe ay ku dooneyso in ay horumariso AI Decentralized Network cusub.
- Shirkadda Fetch.AI waxay sameeysay iskaashi la gashay Bosch si loo horumariyo Web3 AI bots.
- Microsoft waxay si qarsoodi ah u maalgelisay startup Web3 AI ah oo fadhigeedu yahay Singapore.
- Ocean Protocol ayaa sheegtay inay bilaabeen network xogeed decentralized oo loogu talagalay barashada AI.
- Near Protocol waxay isku darsatay AI iyo Web3 si loo abuuro hab la isugu gudbiyo xog sir ah oo la fahmi karo.
8. 🎨 NFTs & 💸 DeFi
- OpenSea waxay bilaabay adeeg cusub oo NFT creators-ka ay si toos ah u heli karaan analytics iyo dakhli toos ah.
- Uniswap waxay sameeysay interface cusub oo aad u fudud oo loogu talagalay isticmaaleyaasha cusub ee DeFi.
- PancakeSwap waxay ku dartay hab cusub oo staking-ka lagu sameeyo iyadoo la adeegsanayo NFTs collateral ah.
- Shirkad cusub oo laga leeyahay Dubai ayaa daahfurtay suuqa NFT Islamic ah oo la jaanqaadaya shareecada Islaamka.
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency