Bitcoin Cycle waa wareega uu maro Coin-ka Bitcoin qiimihiisa- laga bilaabo sare u kaca uga sareeyo uu gaaro ebid qiimihiisa, (ATH) hoos u dhaca ugu hooseeyo uu gaaro (ATL) iyo marka uu ku jiro waqti nasasho ama xasilooni qiimeed (Accumulation).
Fahamka Bitcoin cycle waxuu ka caawinayaa maalgashiyaasha inay u maalgashtaan qaab caqliyeesan Coin-ka Bitcoin ama lacagaha kale ee Crypto iyagoo aan raaceen dareenka dadwaynaha iyo buun-buuninta Suuqa, kuna saleenayo go’aan ay qaateen iyo xog ay soo falan qayeen.
Bitcoin Cycle waxuu tilmaamaa wareega caadiga ah uu maro Coin-ka Bitcoin, kaasoo ka kooban
- Marka uu gaaro qiimaha ugu sareeyo (Suuqa Crypto uu yahay Bull Market)
- Marka uu qiimihiisa hoos u dhaca (Suuqana uu yahay Bear)
- Marka uu ku jiro marxalad Xasilooni ah qiimihiisa (Suuqa Crypto uu yahay mid dhexe)
- Marka uu sameenaayo kacaan Cusub oo qiimeed (Recovery)
Wareegaan marxaladeed uu maro Coin-ka Bitcoin waxaa sabab dhacdooyin muhiim ah ay ka mid yihiin: waqtiga uu dhaco Bitcoin Halving, kor u kaca dareenka maalgashiyaasha, marka uu soo baxo warar waa wayn oo saameeya suuqa Crypto sida Ansaixinta BitcoinETFs, canshuurista Suuqa Crypto, sharciyeenta lacagaha Crypto, Mamnuucida Bitcoin iwm ah.
Qofaka fahansan Bitcoin Cycle marnaba kama wal walaayo maalgashiga uu ku sameeyo coin-ka Bitcoin iyo lacagaha kale ee Crypto hadii uu raaco Strategyo sax ah, maadaama suuqa Crypto iyo Bitcoin ay u dhaxeeyaan Cycle (Wareeg).
Marxaladaha uu maro Bitcoin (The Cycle of Bitcoin)
Waxaa jirto Afar marxaladood uu ku wareego Bitcoin taariikhdiisa, hadii mar aad Fahanto uma baahnid inaad raadiso qof kuu sharxa sida Bitcoin loo maalgashto iyo waqtiga ku haboon in la maalgashto, waxayna kala yihiin 4-taas xilli
- Accumalation phase (xilliga aruursiga)
Waa marxaladda uuu ku jiro Coin-ka Bitcoin qiimihiisa mid xasillan oo ma jirto wax dhaq dhaqaaq xoogan uu sameeyo sida inuu sare u kaco ama hoos aad ugu dhaco, tusaale: hal biliyo ka badan waxuu qiimihiisa u dhaxeenayaa $110,000 ilaa $113,000. Waxaa markaan maalgashi ku sameeyo dad ka fahansan market-ka, waxay sameeyaan maalgashi caqliyeesan iyagoo adeegsanaya DCA-Dollar Cost Average, waxaa jirto xilligaan Cabsi iyo shaki laga qabo suuqa oo dareenka dadka waa uu hooseeyaa Fear, qiimaha Bitcoin wuu hooseeyaa oo waxa uu ka soo laabtay meel sare, waa xilliga la joogo fursada dahabiga ah ee lagu iibsado Bitcoin, kaliya waxaa ku dhiiran karo qof fahansan Suuqa Crypto iyo Cycle-ka uu samaysto Bitcoin
2. Awareness phase (xilliga ka hadalka Suuqa)
Waa marxallada ay bilaabaan dadka inay ka hadlaan guud ahaan suuqa crypto iyo si gaar Coin-ka Bitcon maalgashigiisa, waxaa xilligaan dadka ku dhiiro galiyo in la maalgashto Bitcoin influencers-yada ‘dadka caanka ee baraha bulshada wax ku soo gudbiya’ qiimaha Bitcoin waxuu bilaabaa inuu si tartiib ah sare u kaco, waxaa bilaabma inay dadka ku cusub Crypto soo galaan suuqa iyagoo sameenayo maalgashiyo
3. Euphoria phase (Xilliga xamasadda)
Waa marxallada uu suuqa kacan yahay coin-ka Bitcoin uu gaaro meeshiisa ugu saraysay All-time high, dadka aan fahansanayn suuqa iyo taariikhda Bitcoin waxay sameeyaan maalgashiyo xad dhaaf, waxaa suuqa ka hadlo qof waliba, waxay rajeeyaan dadka ku cusub Crypto inuu qiimaha sii socanaayo oo waxaa qaado FOMO, waxaa faa’iidada kala baxo waqtigaan coin-ka Bitcoin dadka sameeye early investing ‘maalgashi hore’
4. Distributaion Phase (Xilliga hoos u dhaca)
Waa marxaladda uu Coin-ka Bitcoin qiimihiisa hoos u dhaco uuna ka soo laabto meeshii ugu saraysay uu garay waxaa suuqa ka faa’iido dadkii waqti hore soo maalgashtay halka dadka ku casaba oo Bitcoin maalgashtay waqtii uu kacsanaa ee ka niyad jabaan bilawaana dhaleeceen
Qayba ka mid ah tusaalooyin Bitcoin cycle (wareeg) uu samaystay
Cycle-kii 2015 ilaa 2018
- Bitcoin waxuu ahaa mid xasillonn sannadka 2015, waxuuna u dhaxeeyay qiimihiisa $250 ilaa $490
- Bitcoin waxaa la bilaabay ka hadadkiisa sannadka 2016, oo qiimiisa waxuu sare u kacayey si tartiib ah waxuu gaaray sannadkaas bishiisa ugu dambeesay ee December $900 ilaa $1,000.
- Bitcoin waxuu gaaray qiimihiisa ugu sareeyay sannadka 2017, taasoo aheed $20,00.
- Bitcoin waxuu hoos u dhacy qiimihiisa si xad dhaaf ah sannadka 2018 waxuuna garay $5,000.
Cycle-kii 2019 ilaa 2022
- Bitcoin waxuu galay marxalad nashaso ah oo waxuu qiimihiisa ahaa mid dagan, waxaana socotay maalgashiyo hoose ay ku sameynayeen dadka fahansanaa suuqa Crypto Sannadka 2019.
- Bitcoin waxuu bilaabay inuu ka soo laabto hoos u dhicii uu ku jiray oo dadyowga caalamka waxay bilaabeen inay ka hadlaan qiimihisana sare ayuu u kacaayi Sannadka 2020
- Bitcoin waxuu sameysatay ATH cusub waxuuna gaaray qiimo ka sareeyso midkii hore $69,000 dhamaadka sannadka 2021.
- Bitcoin waxaa lagala baxay faa’iidada dadkii ku sameeyay malgashi waqtiga uu ahaa mid xasilloon, sidookale waxaa dhacay arin saameesay qiimihiisa oo aheed bur-burka Suuqii FTX, waxuuna gaaray qiimaha $15,000 dhamaadka Sannadka 2022.
Maxay tahay faa’iidada ay leedahay in la fahmo Cycle-ka uu samaysto Coin-ka Bitcoin?
Bitcoin Cycle inaad fahanto waxay kaa caawinaysaa:
- Inaad aad qaadato go’aan ka fiirsasho leh xilliga aad maalgashanayso BTC.
- Inaad ku sameyso falan qayn Cycle-dii hore uu samaystay Bitcoin
- Inaad ka Fogaato buun buuninta suuqa iyo wararka been abuurka ah
- Inaad noqoto qof isku filan oo sameeyo cilmaaris u madax baan aan samayn maalgashi ra’yi kale
- Inaad ka fogaato FOMO, xilliga uu kacsan yahay suuqa
- Inaad ka mid noqoto dadka ku sammeyo Bitcoin maalgashiga xilli hore uu hooseeyo qiimihiisa.
Halkee lagala Socdaa Xogta Bitcoin Cycle?
Waxaa jiro madalo badan kuwaasoo isku jiro websiteyo iyo Apps lagana helo xogta Bitcoin Cycle (dhamaan wareegyadii uu samaystay) inta ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:
- TradingView :- tradingview.com
- LookIntoBitcoin :- lookintobitcoin.com
- Glassnode:-glassnode.com
- CryptoQuant :-cryptoquant.com
- CoinMetrics :- coinmetrics.io
- CoinMarketCap:-coinmarketcap.com
- IntoTheBlock :- intotheblock.com
- Santiment:-santiment.net
- Messari :-messari.io
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency