Wararka Maanta ee suuqa Crypto, 21-ka August 2025

Gelle Bashir

Ku soo dhawaada wararkii ugu dambeeyay ee la xidhiidha crypto, blockchain, Defi, Cefi, NFT, AI iyo Si guud dhaqaalaha caalamka.

Halkan waxaad ka aqrisan doontaa dhacdooyinkii u dambeyay dhaqaalaha caalamka iyo crypto kuwaas oo isugu jira, waxyaabaha muhiimka waxaa ka mid ah isbadelka suuqa, xeerar cusub ay dawladuhu crypto u dajiyeen iyo la qabsiga crypto ee bangiyada iyo mashruucyada cusub ee Crypto.

1. 📈 xaalada guud ee Suuqa

Qiimaha guud ee suuqa crypto waxuu marayaa maanta $3.84 Tirilyan, waxuuna hoos u kor u kacay 0.71%.

- Advertisement -

Fear and Greed Index: Toolka lagu cabiro kalsoonida maalgashiyaasha ay ku qabaan suuqa waxuu sheygayaa inuu yahey (50), Tani waxay tilmaamaysaa in dareenka dadku ay ka qabaan suuqa yahay mid u janjeedha dhinaca damaca.

In ka badan $334.95 million ayaa lagu qasaaray suuqa 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo $199.97 billion ay ka yimaadeen dad hoos u galay suuqa (Short positions).

Xigasho:- Coinglass

Bitcoin (BTC): Qiimaha lagu kala iibsanaayo ayaa hoos u dhacay waxuuna gaadhay $113,541, hoos u dhac ah 0.02% ayay sameysay maanta.

Ethereum (ETH): Qiimaha Ethereum waxa uu kor u kacay 2.27% 24-kii saac ee u dambeeyay waxa uuna hadda marayaa $4,288.77.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

XRP: Waxaa kor u kacay qiimahiisa qiyaastii 1.36% Waxaana hada suuqyada lagu kala iibsanayaa qiimo ah $2.91.

Solana:- Qiimaha Coinka Sol ayaa maanta ku jira kor u kac ah 2.36% waxuuna marayaa qiimihiisa hadda $185.15.

  1. 🏛 Xeerarka Sharciyeed iyo Siyaasada Suuq

Maraykanka iyo Midowga Yurub ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ku saabsan heshiiska ganacsi.

  • Midowga Yurub ayaa ka joojiyay canshuuraha badeecadaha Mareykanka
  • Maraykanka ayaa ku xaddiday canshuuraha gaadiidka iyo tiknoolajiyada EU ilaa 15%
  • Maraykanka ayaa iibsan doona $750B tamar ah oo ka timaada EU.
  • EU oo ku maalgasahan doonta $600 Mareykanka inta laga gaadhayo 2028-ka.

3. 🔁 Exchange Inflow & Outflow

    Maalinkii shalay ee 20-ka August, 2025-ka waxaa Exchanges-yada soo galay Bitcoin dhan 30,415 BTC oo u dhiganta qiime ahaan $3.47 billion, waxaana ka baxay 29,882 BTC oo u dhiganta $3.4 billion, Tani waxay ka turjumaysaa in dhaqdhaqaaq aad u weyn inuu jiro suuquna ku jiro xaalad Bitcoin suuqa ku soo qulqulayso.

    1. 🐋 Dhaq-dhaqaaqa Maalgashedeyaasha

    Kooxda Ming Shing ee Hong Kong ayaa sheegtay in ay heleen in ka badan $482M si ay ugu iibsadaan 4,250 $BTC.

    Bitcoin ganacsatadii ugu horraan heshay (OG) oo haystay 14,837 $BTC ($1.69B) ayaa iibiyay 660 $BTC, wuxuuna furay trade long ah oo $ETH ah oo qiimahoodu gaadhayo $295M, isagoo adeegsanaya afar wallet iyo leverage 10x iyo 3x kala ah.

    Mataanaha Winklevoss ayaa ugu deeqay 188 $BTC oo qiimahoodu yahay $21M taageerada Trump, iyagoo taageeraya ajandaha Madaxweyne Trump ee la xidhiidha crypto, ka hor doorashooyinka dhexe ee Mareykanka.

    1. 🚀 Mashruucyada Horumarineed ee Crypto ku socda

    Hantida la taaban karo ee la Tokenize-gareeyay (RWA) ee Ethereum ayaa kordhay qiyaastii 20 jeer tan iyo January 2024.

    Aasaasaha Coinbase ayaa sheegay in dhammaan dhaqaalaha adduunka Blockchain laga maamuli doono.

    1. 📊 Maalgashiga ETF-yada iyo Hay’adaha Suuqa crypto.

    Qiyaastii $315.9M oo $BTC ah iyo $240.2M oo $ETH ah ayaa la iibiyay August 20-keedii.

    BlackRock spot Ethereum ETF ayaa iibiyay 63,280 $ETH oo qiimahoodu yahay $257.8M August 20-keedii.

    1. ☢ Xogta dhaca crypto

    Boorso (Wallet) leedahay dowladda Mareykanku ayaa heshay 76.56 $ETH oo qiimahoodu yahay $332K kana timid Coinbase, taas oo la filayo inay la xidhiidho weerarkii Uranium Finance ee dhacay April 2021-kii.

    Dowladdu waxay bishii February 2025-ka la wareegtay hanti dhan $31M oo laga qabtay jabsi ka dhacay DeFi.

    1. 🪙 Stablecoin

    Xubin Fed ka tirsan oo Waller lagu magacaabo ayaa ugu yeedhay DeFi iyo stablecoinswax aan cabsi lahayn,” isaga oo ku boorriyay jiheryayaasha siyaasadda iyo bangiyada inay soo dhaweeyaan hal-abuurka crypto maadaama uu horseedi doono marxaladda xigta ee hal-abuurka nidaamka lacag-bixinta Mareykanka.

    Metamask waxay soo bandhigtay stablecoin-keedii ugu horreeyay ee gaar ay u leedahay waxayna ku magacawday $mUSD.

    WLFI ayaa soo saartay $205M oo USD1 ah, taasoo kordhisay tiradeeda ilaa $2.4B.

    1. 🔗Teknooloojiyadda Blockchain

    Justin Sun ayaa sheegay in bulshada Tron ay hagaajin doonto khidmadaha shabakadda iyadoo TRX iyo kharashyada macaamilka korayaan, si shabakaddu u ahaato mid suuqa ku sii jirta.

    Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

    Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

    Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

    Crypto Trading Mastery: From A to Z

    A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

    Share This Article
    Leave a Comment