Solana waa mid ka mid ah blockchain-yada ugu xawaaraha iyo awoodda badan ee ka jira adduunka maanta. Tan iyo markii la bilaabay sannadkii 2020, Solana waxay kasbatay sumcad weyn ay ku heshay xawaareheeda sare, kharashkeeda yar, iyo scalability-ga xooggan. Sanadkan 2025, kooxda Solana (Solana Labs) waxay wadaan update cusub oo weyn kaas oo lagu sheegay inuu beddeli doono qaabka ay u shaqeyso shabakadda guud ahaan — laga bilaabo qaab-dhismeedka nodes ilaa sida loo maamulo dapps (decentralized applications).
Update-kan cusub waxaa lagu magacaabay “Solana v2 Core Update”, waxaana ay ujeeddadiisu tahay in uu hagaajiyo waxqabadka, ammaanka, iyo isku-xirnaanta Solana la leedahay ecosystem-yada kale sida Ethereum, Polygon iyo Sui Network.
Taariikh Kooban: Sidee ay Solana Ku Bilaabatay?
Solana waxaa aasaasay Anatoly Yakovenko, oo hore uga soo shaqeeyay Qualcomm (shirkad caan ah oo sameysa chips-ka mobilada). Ujeeddadiisu waxay ahayd in la abuuro blockchain awood u leh inuu qabto in ka badan 50,000 transactions ilbiriqsikii – taas oo aad uga sarreysa Bitcoin iyo Ethereum.
Fikradda Solana waxay ku dhisantay hal mabda’ lagu magacaabo Proof of History (PoH) – taas oo ah hab lagu xaqiijiyo waqtiga (timestamps) ee transactions-ka, iyada oo aan la sugin in block hore la dhammaystiro. Taas ayaa sababtay in Solana noqoto blockchain aad u degdeg badan waxtarna leh.
Maxaa Ka Cusub Update-ka Solana ee soo wado?
Kooxda Solana Labs waxay shaaciyeen dhowr isbeddel muhiim ah oo ay ku jirto update-ka cusub. Qaar ka mid ah kuwa ugu muhiimsan waa kuwaan:
🔸 Firedancer Client – Xalka Xawaaraha Cusub
Firedancer waa client cusub oo Solana ah oo ay sameysay shirkadda Jump Crypto. Waa mid ka mid ah isbeddelada ugu weyn ee taariikhda Solana, sababtoo ah wuxuu kordhinayaa waxqabadka ilaa 1 milyan transactions per second (TPS) — taas oo la micno ah in Solana ay noqon karto blockchain-ka ugu dhaqso badan dunida. Firedancer wuxuu ka madax-bannaan yahay client-kii hore (Solana Labs Client), taas oo kordhinaysa decentralization iyo resilience (iska caabbinta cilladaha). Haddii mid ka mid ah clients-ka uu dhibaato yeesho, kan kale wuu sii shaqayn karaa.
🔸 Validator Upgrades – Ammaanka iyo Xaqiijinta macaamiilada
Update-kan cusub wuxuu keenayaa nidaam cusub oo validators-ka lagu hagaajinayo. Waxaa lagu darayaa (auto-rebalancing staking system), kaas oo hubinaya in validator-yada yaryar ay helaan fursado siman marka la barbar dhigo kuwa waaweyn. Tani waxay kor u qaadaysaa decentralization-ka waxayna yarey-naysaa khatarta ah in shabakaddu ay ku tiirsanaato tiro yar oo nodes awood leh.
🔸 Fee Markets 2.0 – Xakameynta Qiimaha Gas-ka
Waxaa la soo kordhiyay Fee Markets 2.0, kaas oo yareynaya isbeddelka weyn ee ku yimaada kharashaadka (transaction fees). Halkii qiimuhu si lama filaan ah u kici lahaa marka shabakaddu mashquul noqoto, Fee Market-kan cusub wuxuu u qeybinayaa blocks-ka qaybo kala duwan si traffic-ka si siman loo kala firdhiyo. Tani waxay u sahlaysaa dapps iyo NFT marketplaces inay si joogto ah u shaqeeyaan xitaa marka ay ka jirto shabakad mashquul badan.
🔸 Cross-Chain Bridges iyo Compatibility
Solana waxay ka shaqeynaysaa in ay lahaato xiriiro rasmi ah blockchain-yada kale, sida Ethereum iyo Sui Network, iyada oo la adeegsanayo Wormhole 2.0 Protocol. Tani waxay u oggolaan doontaa isticmaaleyaasha inay si fudud u wareejiyaan hantidooda (assets) iyagoo aan u baahnayn CEX (Centralized Exchange).
Maxuu Update-kan Uga Dhigan yahay Horumarka Ecosystem-ka Solana?
Update-kaan cusb waxuu fursad badan siinayaa horumariyaasha Blockchain-ta Solana inay si fudud wax ugu dul dhisi karaan sida meme tokens, DeFi palatforms, DApss iyo iwm ah. Sidoo kale waxuu fududeyn donaa adeegsiga mashruucyada iyo madalada ku dul-dhisan shabakada Solana waxaana ka mid ah:
🌐 Dapps iyo DeFi
Horumarinta xawaaraha iyo kharashka yar waxay ka dhigan tahay in DeFi applications ay heli doonaan isticmaalayaal badan. Taasoo keenayso Shabakado sida Marinade Finance, Jupiter iyo Raydium ay u bixin doonaan transactions aad u degdeg badan oo kharashkoodu yar yahay.
🎮 Gaming iyo Metaverse
Solana sida horey lagu dhisay ecosystem-keeda ciyaaro blockchain ah sida Star Atlas iyo Aurory, Update-ka cusub wuxuu kordhinayaa awoodda xawaaraha iyo 3D rendering ee ciyaaraha, taas oo keenaysa in gaming on-chain uu noqdo mid deg-deg badan.
🖼️ NFTs iyo Marketplace-ka
Suqa NFTs ee Solana sida Magic Eden iyo Tensor waxay sidoo kale ka faa’iideysan doonaan habkaan cusub ee Fee Markets 2.0. Isbeddelkaan wuxuu yareyn doonaa congestion-ka iyo error-ka inta lagu jiro “minting events” waaweyn, taas oo ahayd dhibaatada ugu weyn ee hore.
Saamaynta uu Update-kaan ku yeean karo Maalgashiyaasha lacagta Sol?
Horaanta sannadkaan, qiimaha SOL token (lacagta Sol) waxuu ahaa mid hooseeyo aan la-heen dhaqaaq xooan laakiin wararka la xiriira update-kan cusub waxuu horseeday ilaa 40% koror qiimaha suuqa lacagta SOL bishii Sebtembar 2025. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha waxay saadaalinayaan in haddii Firedancer iyo Fee Markets 2.0 ay si rasmi ah u shaqeeyaan, lacagta Sol ay gaari karto qiimo dhan $300 ilaa $400 kahor dhammaadka 2025.
Waxaa la filayaa in update-kan uu soo jiidan doono maalgashiyo cusub oo ka imaanaya shirkadaha Web3 iyo fintech, maadaama Solana hadda ay u muuqato mid ka mid ah blockchains-ka ugu waxtarka badan dunida digital-ka ah.
Update-ka cusub ee Solana — gaar ahaan Firedancer Client, Fee Markets 2.0, iyo Validator Optimization — waa tallaabo weyn oo muujinaysa in Solana ay rabto in ay noqoto “blockchain-ka hogaamiyo lacagaha Digitl-ka eh (Cryptocurrency) mustaqbalka.
Haddii wax walba u socdaan sidii la qorsheeyay, sannadaha soo socda Solana waxay noqon kartaa mid si buuxda xasilloon, degdeg badan, isla markaana ka mid ah shabakadaha ugu saameynta badan ee Web3.
Waxa keliya ee hadda la sugayo waa in la arko goorta update-kan si rasmi ah loo sii daayo, iyo sida uu u beddeli doono habka loo arko blockchain-ka casriga ah.
Halkaan ka baro Cryptocurrency Course