Guddoomiyaha Federal Reserve (FED) ee Maraykanka, Jerome Powell, ayaa hadal cad u jeediyay suuqyada maaliyada isagoo sheegay “in go’aanka ku saabsan hoos u dhigidda heerka ribada ee bisha December uusan ahayn mid la hubo ama horey loo go’aamiyay”. Hadalkan wuxuu si weyn u saameeyay suuqyada maaliyadda, gaar ahaan suuqa lacagaha qalaad (Forex) saamiyada, deynta, iyo kan lacagaha dijitaalka ah (Crypto), kuwaas oo dhammaantood si dhow ula socda talaabo kasta ee FED qaado.
Intii lagu jiray shirkii warbaahineed ee toddobaadkan, Guddoomiyaha FED Jerome Powell wuxuu ka hadlay xaaladda dhaqaale ee dalka Maraykan, isagoo tilmaamay in inkasta oo hoos u dhac laga dareemayo sicir-bararka (inflation), haddana FED wali waxay u baahan tahay caddeymo xooggan oo muujinaya in sicir-bararku si joogto ah ugu soo laabtay heerka bartilmaameedka ah ee 2% ka hor inta aan la bilaabin hoos u dhigidda ribada.
Powell wuxuu yiri:
“Weli go’aan kama aanan gaarin meel aan ku kalsoonahay in sicir-bararka si buuxda hoos ugu soo laabtay. Sidaas darteed, in la yiraahdo hoos u dhigidda ribada ee December waa mid la hubo, waa arrin aanan aqbalayn.”
Hadalkan ayaa si toos ah u saameeyay suuqyada oo hore u filayay in FED ay bilaabi doonto hoos u dhigid ribo dhammaadka sanadka 2025, kaddib markii dhaqaalaha uu muujiyay calaamado jilicsanaan ah.
Suuqyada Maaliyadda oo Ka Jawaabay
Markii hadalka Powell uu soo baxay, suuqyada saamiyada (Stock Markets) sida S&P 500 iyo Nasdaq ayaa hoos u dhacay, iyadoo maalgeliyayaashu ay dib u qiimeeyeen rajadoodii ku aaddan hoos u dhigidda ribada. Isla mar ahaantaana, doolarka Maraykanka (USD) ayaa xoogaystay, maadaama hadalka Powell uu muujiyay in heerarka ribada hadda jirta ay sii jiri karaan muddo dheer.
Suuqa deynta (Bond Market) wuxuu sidoo kale muujiyay isbeddel degdeg ah – heerka dulsaarka Treasury-ga 10ka-sano ayaa kor u kacay, taas oo muujinaysa in maalgeliyayaashu ay hadda filayaan in FED sii hayso siyaasaddeeda adag ee muddoada dheer.
Dhanka kale, Bitcoin iyo lacagaha kale ee crypto ayay arintaan saameeysay, iyadoo qiimaha Bitcoin uu si kooban hoos u dhacay ka hor inta uusan dib u soo-laaban. Taas waxay muujinaysaa in suuqyada dhijitaalka ah ay aad ula xariiraan wararka FED, maadaama ribadu si toos ah u saameyso dareenka maalgelinta iyo heerka halista (risk appetite).
Maxay Tahay Ujeeddada FED ee Sii Haynta Heerarka Ribada “Dulsaarka”?
FED waxay isticmaashaa ribada si ay u xakameyso sicir-bararka. Marka dhaqaalaha uu sareyo ama sicir-bararku kordho, waxay kor u qaadaa ribada si ay hoos ugu dhigato kharashayada iyo amaahda. Laakiin marka dhaqaalaha uu daciifo, FED waxay hoos u dhigtaa ribada si ay u dhiirrigeliso maalgelinta iyo isticmaalka.
Powell wuxuu caddeeyay in:
Inkasta oo sicir-bararka uu hoos u dhacay marka la barbardhigo sanadkii hore, Haddana waxaa jira khatar ah in uu mar kale kaco haddii FED ay si degdeg ah u dhinto heerka ribada.
Sidaa darteed, Powell wuxuu yiri: “in go’aanka hoos u dhigidda ribadu u baahan tahay caddayn aan muran lahayn oo muujinaysa in dhaqaaluhu si deggan ugu socda jihada ay doonayaan”.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha suuqyada ayaa sheegay in Powell uu isku dayayo inuu suuqyada “dejiyo,” si aysan u filan go’aan degdeg ah oo FED qaadeyso.
Lindsey Piegza, oo ah khabiirad ka tirsan Stifel Financial, waxay tiri:
“Powell wuxuu rabaa in suuqyadu fahmaan in FED aysan weli ku jirin marxalad ay si toos ah ugu talagashay hoos u dhigid ribo. Waxaa wali jirta shaqo badan oo la qabanayo.”
Dhanka kale, Goldman Sachs iyo JP Morgan waxay sii hayaan saadaashooda ah in hoos u dhigidda ribada ugu horraysa ay dhici karto March ama May 2026, haddii xogta dhaqaalaha ay sii muujiso hoos u dhac joogto ah oo sicir-bararka ah.
Saamaynta Shacabka iyo Ganacsiyada gudaha maraykan
Marka heerka ribadu sareyso:
Amaahda guryaha (mortgage) iyo amaahda ganacsiga waxay noqdaan kuwo qaali ah, taasoo hoos u dhigta awoodda dadka iyo shirkadaha ee kharashka.
Laakiin waxay sidoo kale xakameysaa sicir-bararka, iyadoo yareynaysa kororka qiimaha badeecooyinka iyo adeegyada.
Haddii FED ay go’aansato in aysan hoos u dhigin ribada December, waxay ka dhigan tahay in:
Dadka doonaya amaah guri ama gaari ay sii wadi doonaan bixinta dulsaarka sare,
Shirkadaha yaryar ee doonaya maalgelin cusub ay heli doonaan kharashyo sare,
Laakiin sidoo kale waxaa jiri kara degganaansho qiimaha oo dheeraad ah 2026 haddii siyaasaddan ay shaqeyso.
Saamaynta Caalamiga ah – Suuqyada Yurub, Aasiya, iyo Afrika
Marka FED ay ku sii hayso ribada heer sare:
Doolarka Maraykanka ayaa xoogaysta, taasoo saameyn ku yeelata lacagaha kale sida Euro, Yen, iyo Pound.
Dalalka soo koraya (Developing countries) sida kuwa Afrika iyo Aasiya ayaa la kulma cadaadis dhaqaale, maadaama deynta lagu leeyahay doolarka ay noqoto mid qaali ah aysan iska bixin Karin.
Tusaale ahaan, dalal badan oo Afrika ah oo leh deyn doolar ah ayaa arka qiimaha deyntooda oo kor u kacaya, taasoo ka dhigaysa mid adag in ay dib u bixiyaan. Tani waxay keentaa in dhaqaalahoodu uu daciifo.
Powell wuxuu caddeeyay in FED ay si buuxda ugu tiirsan tahay xogta ka hor inta aysan go’aan gaarin. Taas macnaheedu waa in tirakoobka cusub ee shaqo abuurka, sicir-bararka, iyo wax-soosaarka GDP ay door weyn ka ciyaari doonaan go’aanka la qaadan doono bisha December.
Waxaa la filayaa in FED ay si dhow u eegto:
- CPI (Consumer Price Index) – heerka sicir-bararka macaamiisha,
- PCE (Personal Consumption Expenditure) – cabirka ay FED si gaar ah u tixgeliso,
- Unemployment rate oo muujinaysa xoogga suuqa shaqada.
Haddii xogtaasi ay muujiso hoos u dhac joogto ah, markaas waxaa suuragal ah in FED ay bilowdo hoos u dhigid ribo sanadka dambe. Laakiin haddii ay sii jirto cadaadis sicir-barar, Powell iyo guddigiisu waxay sii wadi doonaan “go’aan adkeysi leh.”


