Coinbase oo iibsatay 2,722 Bitcoin 3-Bilood Gudahood

Jacfar
By Jacfar

Shirkadda caanka ah ee Coinbase, oo ah mid ka mid ah suuqayada ugu waaweyn ee lagu kala iibsado lacagaha dhijitaalka ah (cryptocurrencies), waxay mar kale soo jiidatay indhaha warbaahinta kadib markii CEO-ga shirkadda, Brian Armstrong, uu shaaciyay in Coinbase ay iibsatay 2,722 Bitcoin intii lagu jiray saddexda bilood ee rubuca saddexaad (Q3) sanadkan 2025. Wuxuuna sheegay inay Tnai Tahay Tallaabo Istiraatiiji ah.

Tallaabadan ayaa timid xilli suuqa Bitcoin uu marayo marxalad dhexe oo koritaan hoose ah, halka dalabka shirkadaha maaliyadeed iyo maal-gashadayaasha waaweyn uu sii kordhayo. Waxay sidoo kale muujinaysaa in Coinbase aysan ku ekaan doonin inay tahay madal lagu kala iibsado crypto, balse ay u dhaqaaqayso dhanka maalgashiga tooska ah iyo xoojinta kaydka strategy Bitcoin.

Xogta Rasmi-ga ah ee shirkada Coinbase Soo Bandhigtay

Sida uu Armstrong ku sheegay qoraal uu ku baahiyay barta Twitter (X), Coinbase waxay intii u dhaxeysay July ilaa September 2025, si rasmi ah u iibsatay 2,722 Bitcoin (BTC) — taas oo qiimaheedu markaas ahaa in ka badan $190 milyan iyadoo lagu saleynayo qiimaha Bitcoin waqtigaas oo ku dhowaa $110,000 halkii BTC.

- Advertisement -

Armstrong wuxuu yiri:

Waxaan aaminsanahay in Bitcoin uu yahay hantida dijitaalka ah ee ugu badbaado badan mustaqbalka fog. Iibsashada 2,722 BTC waa qayb ka mid ah istiraatiijiyaddeena in aan dhisno keyd adag oo dijitaal oo la mid ah sida dahabka loogu tiirsan yahay dhaqaalaha caalamka.”

Tani waa markii ugu hreesay ee Coinbase si rasmi ah u shaaciso in ay si toos ah u iibsatay Bitcoin, iyadoo tan iyo 2021 aysan war rasmi ah kasoo bixin iibsasho noocan ah.

Sababaha Ka Dambeeya Go’aanka Coinbase

Waxaa jira dhowr sababood oo muhiim ah oo keentay in Coinbase ay talaabadan qaado:

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now
  • Xoojinta kalsoonida suuqa: Coinbase waxay dooneysaa inay u muujiso maal-gashadayaasha in ay aamminsan tahay mustaqbalka Bitcoin iyo blockchain-ka, taas oo kor u qaadaysa sumcadda shirkadda.
  • Ka jawaabidda isbeddelka suuqa: Sanadkan, shirkado waaweyn sida Strategy iyo Nations Holdings waxay kordhiyeen kaydkooda Bitcoin, taasoo abuuraysa tartan ku saabsan cidda noqon doonta hay’adda ugu weyn ee haysata BTC-ga ugu badan.
  • Dhisidda hantida shirkadda: Maadaama Coinbase ay leedahay dakhliga ugu badan ee ka yimaada ganacsiga crypto, waxay rabtaa in qayb ka mid ah faa’iidooyinkeeda lagu xoojiyo kaydka Bitcoin halkii lacagta fiat ah (USD) lagu kaydin lahaa.

Aragtiyaha Khubarada ay ka bixiyeen

Khabiirada dhaqaalaha iyo kuwa blockchain-ka ka faalooda waxay si weyn u falanqeeyn go’aanka Coinbase. Qaar waxay ku tilmaamayeen “tallaabo dhiirran oo kalsooni muujinaysa,” halka qaar kalena ay sheegeen “in ay muujinayso isbeddel ballaaran oo suuqyada maaliyadeed ay k doonayaan maalgashiga hantida dijitaalka ah”.

Dr. Linda Chen, oo ah falanqeeye suuqa crypto kuna sugan Singapore, waxay tiri:

Marka madal weyn sida Coinbase ay iibsato Bitcoin, waxay calaamad u tahay in ay sii kordheyso kalsoonida shirkadaha ee crypto. Tani waxay u dhowdahay sidii dahabkii digital-ka ee qarnigaan cusub.

Qiimaha Bitcoin ayaa markii la shaaciyay warkaan kor u kacay ku dhowaad 3% saacado gudahood, iyadoo suuqa uu si wanaagsan uga falceliyay.

Coinbase ma aha kaliya madal lagu kala iibsado Bitcoin, balse waa shirkad isku daraysa teknoolojiyadda blockchain, adeegyada maaliyadeed, iyo ilaalinta hantida dhijitaalka ah.

Tallaabadaan cusub waxay muujinayaan sida shirkaddu u rabto inay u wareegto dhanka “institutional invesment” — taas oo macnaheedu yahay in shirkadaha waaweyn ay bilaabayaan inay si joogto ah u dhisaan kaydka Bitcoin, halkii ay uga ganacsan lahaayeen si degdeg ah.

Armstrong wuxuu ku daray hadalkiisa in Coinbase ay sidoo kale qorsheyneyso:

“Inay kordhiso maalgelinta Ethereum (ETH) iyo Solana (SOL), ayna sii ballaarin doonto adeegyada custody ee loogu talagalay shirkadaha iyo dowladaha”.

“Sidoo kale inay horumariso isticmaalka Coinbase Wallet iyo Base Network, oo ah shabakadda ay iyadu maamusho”.

Isbarbardhiga maalgashi: Coinbase vs Strategy

Marka la eego xaddiga Bitcoin ee kala haysataan, Coinbase wali uma dhowa Strategy, taas oo haysata in ka badan 250,000 BTC. Si kastaba ha ahaatee, Coinbase waxay leedahay faa’iido kale — waxay haysaa lacag caddaan ah iyo crypto kale oo kala duwan oo ka badan $6 bilyan, taas oo siinaysa awood dhaqaale oo ay ku sii kordhiso maalgelinta BTC mustaqbalka.

Haddii Coinbase ay sii waddo qorshahaan cusub, waxay noqon kartaa mid ka mid ah hay’adaha ugu waaweyn ee Bitcoin haysata dunida, gaar ahaan marka la eego kalsoonida iyo sharcinimada ay ku leedahay Mareykanka.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment