Apple oo Soo Saartay iPhone-kii Ugu Horreeyay ee Foldable ah – iPhone Duo oo Lagu Iibinayo $1,999

Gelle Bashir

Apple ayaa si rasmi ah u soo bandhigtay iPhone 18 Pro, iPhone 18 Pro Max iyo iPhone Duo, iyadoo sanadkan keentay mid ka mid ah isbeddelladii ugu waaweynaa ee iPhone-ka lagu sameeyo muddo dheer. Waxa indhaha ugu badan soo jiitay iPhone Duo, oo ah iPhone-kii ugu horreeyay ee Apple ee leh foldable design.

iPhone Duo: iPhone-kii ugu horreeyay ee Foldable ah

iPhone Duo ayaa ah sheekada ugu weyn ee Apple sanadkan. Telefoonku marka uu xiran yahay wuxuu leeyahay 5.4-inch outer display, laakiin marka la furo wuxuu isu beddelayaa 7.6-inch inner display — waana display-ga ugu weyn ee abid lagu sameeyo iPhone.

Shaashadda weyn waxaa loogu talagalay waxyaabo ay ka mid yihiin daawashada content-ka, gaming iyo multitasking, waxaana suuragal ah in laba apps isku mar dhinac-dhinac loo isticmaalo. Apple waxay sidoo kale sheegtay in iPhone Duo uu taageeri doono Apple Pencil dabayaaqada sanadkan.

Duo waxaa ku shaqaynaya A20 Pro chip, waxaana lagu daray dual-battery architecture iyo vapor-chamber cooling system si loo hagaajiyo performance-ka iyo battery efficiency-ga. Marka la furo, Apple waxay sheegtay inuu yahay iPhone-kii ugu khafiifsanaa ee ay samayso.

Dhanka camera-da, iPhone Duo wuxuu leeyahay 48MP Dual Fusion camera system, halka software-kiisuna yahay iOS 27, oo si gaar ah loogu habeeyay foldable design-ka iyo qaababka kala duwan ee telefoonka loo isticmaali karo.

Maxaa ku cusub iPhone 18 Pro iyo Pro Max?

iPhone 18 Pro iyo iPhone 18 Pro Max labaduba waxay helayaan A20 Pro chip, kaas oo lagu sameeyay 2-nanometer process, iyadoo Apple ay xoogga saartay performance, graphics iyo awoodda on-device AI.

Camera-da ayaa sidoo kale heshay upgrade weyn. Waxaa ku jira 48MP Fusion Main camera with variable aperture. Variable aperture-ku wuxuu camera-da u oggolaanayaa inay si fiican ula qabsato xaaladaha iftiinka, isla markaana user-ku uu control dheeraad ah ku yeesho depth of field iyo low-light photography.

Apple waxay sidoo kale dib u habayn ku samaysay Dynamic Island, iyadoo hadda lagu soo bandhigi karo ilaa saddex Live Activities isku mar. Storage-kuna wuxuu gaari karaa ilaa 2TB.

iPhone 18 Pro Max wuxuu gaar ahaan helay battery upgrade weyn, waxaana Apple sheegtay inuu gaari karo ilaa 45 saacadood oo video playback ah.

- Available -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now

Midabada cusub

iPhone 18 Pro iyo Pro Max waxaa lagu heli doonaa afar colors: Black, Silver, Glacier iyo Burgundy, iyadoo Burgundy uu yahay midabka cusub ee sanadkan.

iPhone Duo-na wuxuu leeyahay laba color oo kala ah Star White iyo Night Sky.

Qiimaha iPhone-yada cusub

Qiimaha iPhone 18 Pro wuxuu ka bilaabanayaa $1,199, halka iPhone 18 Pro Max uu ka bilaabanayo $1,299. Labadan model ayaa $100 ka qaalisan starting price-kii jiilkii hore.

Laakiin iPhone Duo ayaa noqday kan ugu qaalisan saddexda cusub, isagoo ka bilaabanaya $1,999. Waxa uu sidoo kale bixinayaa storage gaari kara ilaa 2TB.

Goorma ayaa la iibsan karaa?

iPhone 18 Pro iyo Pro Max pre-order-koodu wuxuu bilaabanayaa 12-ka September 2026, halka iibka rasmiga ahi bilaabanayo 18-ka September.

iPhone Duo pre-order-kiisu wuxuu bilaabanayaa 16-ka October, waxaana si rasmi ah suuqa looga heli doonaa 23-ka October 2026.

Apple oo gashay suuqa Foldable-ka

Soo saarista iPhone Duo waxay Apple si rasmi ah u gelinaysaa foldable smartphone market, oo Samsung iyo shirkado kale ay sannado badan ku jireen. Samsung ayaa durba bilaawday campaign ay kaga jawaabayso imaanshaha Apple, taas oo muujinaysa in tartanka foldable phones-ku uu hadda yeelan karo weji cusub.

Apple waxay Duo u dhigtay wax ka badan telefoon laablaabma oo keliya. Display-ga weyn, multitasking, Apple Pencil support, A20 Pro iyo iOS 27 waxay muujinayaan in shirkaddu isku dayayso inay isku keento iPhone portability iyo khibrad u dhow tablet-ka.

Qiimaha $1,999 ayaa laga yaabaa inuu noqdo caqabadda ugu weyn, laakiin su’aasha hadda taagan ayaa ah: iPhone Duo ma noqon doonaa device-ka foldable phones-ka ka dhiga mainstream?

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article