Bitcoin $250k ma gaadhi kartaa sannadkan?

Suleyman Tubeec

Guddoomiyaha BitMine Tom Lee ayaa yidhi “maalmaha ugu fiican ee Bitcoin weli way soo socdaan,” balse wuxuu u muuqdaa inuu ka laabtay saadaashiisii hore ee ahayd in Bitcoin ay gaadhi doonto $250,000 dhammaadka 2025-ka.

Guddoomiyaha BitMine Tom Lee wuxuu u muuqdaa inuu jilciyay saadaashiisii si weyn loo faafiyay ee ahayd $250,000 dhammaadka sanadkan, isagoo hadda kaliya siinaya “malaha” in Bitcoin ay dib u hanan karto heerkeedii ugu sarreeyay ee Oktoobar ee $125,100 ka hor dhammaadka sanadkan.

Waxaan u maleynayaa inay weli aad u suuragal tahay in Bitcoin ay ka sare marto $100,000 ka hor dhammaadka sanadkan, xitaa laga yaabo inay gaadho heer sare oo cusub,” ayuu Lee ku yidhi wareysi uu siiyay CNBC Arbacadii.

Tani waxay u muuqataa markii ugu horreysay ee Lee si guud u jilciyo saadaashiisii Bitcoin ee dhammaadka sanadkan oo ahayd $250,000, taas oo uu markii ugu horreysay sheegay horraantii 2024, isla markaana uu ku celcelinayay ilaa horraantii Oktoobar.

Saadaasha Lee waxa ay ahayd mid ka mid ah kuwa ugu rajada wanaagsan. Maamulayaasha kale ee shirkadda Kiribto, oo ay ku jiraan madaxa Galaxy Digital Mike Novogratz, ayaa ka digay bilawgii Oktoobar in “waxyaabo waalli ah” ay u baahan tahay inay dhacaan si Bitcoin ay u gaadho heerkaas.

Bitcoin ayaa hoos u dhacday 1.85% 12-kii bilood ee lasoo dhaafay. Xigasho: CoinMarketCap

Haddana, Lee wuxuu sheegay in qaar ka mid ah maalmaha ugu xoogan ee Bitcoin ay weli dhici karaan ka hor dhammaadka sannadkan.

Weli waxaan aaminsanahay in qaar ka mid ah maalmahaas ugu fiican ay dhici doonaan ka hor dhammaadka sanadkan,” ayuu yidhi, iyadoo 35 maalmood ay ka hadhsan yihiin dhammaadka 2025-ka.

Maalgashadayaasha Bitcoin waa inay ka daalin saadaasha wacan iyo niyad wanaagga

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Lee wuxuu tilmaamay dabeecadda Bitcoin ee ah in inta badan faa’iidada badankeed la helo tiro yar oo maalmo ah sannad kasta, isagoo xusay in hantidu badanaa “sameyso dhaqaaqa weyn” oo keliya 10 maalmood sannadkii.

Fikraddan waxaa si ballaadhan ula wadaaga madaxda shirkadaha Kiribto. Madaxa Bitwise Hunter Horsley wuxuu X ku yidhi Febraayo 2024-kii in inkasta oo aan la saadaalin karin goorta maalmahaas imaanayaan, haddana seegiddooda taariikh ahaan waxay la mid tahay in laga maqnaado dhammaan faa’iidada Bitcoin.

Xigasho: PlanC

Sannadkii 2024, 10kii maalmood ee ugu xoogganaa Bitcoin waxay bixiyeen 52% faa’idada laga helay Bitcoin sannadkaas, halka 355-ka maalmood ee kale ay soo saareen celcelis ahaan -15%.

Bitcoin waxay ku jiray hoos-u-dhac tan iyo Oktoobar 10-keedii, iyadoo uu sababtay $19 bilyan oo khasaare ku yimid suuqa Kiribto kadib markii Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay 100% canshuur lagu soo rogi doono badeecadaha Shiinaha.

Waxay kaliya dib ugu soo laabatay heerka $90,000 Arbacadii kadib markii ay lix maalmood oo isku xigta ka hooseysay.

Tani way dhacday inkasta oo Noofambar ay ahayd bisha ugu xooggan celcelis ahaan Bitcoin tan iyo 2013-kii, sida aan ka xigannay CoinGlass.

Dhanka kale, dhaqaale-yaqaanka Timothy Peterson ayaa Isniintii sheegay in meesha ugu hooseysa Bitcoin ay hore u dhacday, ama ay dhici doonto toddobaadkan.

Lee saadaashiisa mar waa uu saxay marna waa uu qaldamay

Haddii Bitcoin ay ku guuldareysato inay gaadho saadaasha Lee, tani ma noqonayso markii ugu horreysay ee mid ka mid ah saadaashiisa ay fashilanto.

Janaayo 2018-kii, Lee wuxuu sheegay in Bitcoin ay gaadhi karto ilaa $125,000 marka la gaadho 2022, balse waxay qaadatay saddex sano oo kale si loo gaadho heerkaas, iyadoo kaliya la gaadhay Oktoobartii sanadkan.

Si kastaba ha ahaatee, Lee waxa uu sidoo kale sameeyay saadaalo sax ah.

Bishii Luulyo 2017-kii, Lee wuxuu saadaaliyay in Bitcoin ay gaadhi karto ugu yaraan $20,000 marka la gaadho 2022, halka aragti rajo leh oo dheeri ah ay ku gaadhi karto ayuu yidhi qiime gaadhaya $55,000 isla muddadaas.

Bitcoin waxay gaadhay $20,000 December 2020 iyo $55,000 March 2021, sida ku cad xogta CoinMarketCap.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article