Bitcoin (BTC) waa lacagta ugu caansan uguna qiimaha badan suuqa lacagaha dhijitaalka ah (Cryptocurrency). Tan iyo markii la sameeyay sannadkii 2009-kii, qiimaha Bitcoin wuxuu soo maray kor u kacyo iyo hoos u dhacyo waaweyn, taas oo mar walba soo jiidata xiisaha maalgashadayaasha, warbaahinta, khubarada dhaqaalaha iyo Dadka Caadiga ah. Su’aasha ugu weyn ee hada la is-waydiinaayo ayaa ah: “Immisaa ayuu noqon doonaa qiimaha Bitcoin dhamaadka sannadkaan?” iyadoo sannadkii hore dhamaadkiisa xiliyadaan oo kale uu gaaray Bitcoin halkii ugu saraysay ebid qiimihiisa oo aheed $100,000 ka dib guusha doorashada madaxweynaha maraykanka Trump 05tii-November.
Sanad kasta dhamaadkiisa, khubaro, ganacsato waaweyn, iyo shirkado maaliyadeed ayaa bixiya saadaal ku saabsan halka uu u socdo qiimaha Bitcoin. Qaarkood waa kuwo aad u rajo fiican (bullish), halka kuwa kalena ay yihiin kuwo ka sheea qiimo dhaca (bearish).

Qiimaha Bitcoin hadda (Xigasho: Bitbbo)
Xaaladda Suuqa Bitcoin ee sanadkaan
Sanadkan 2025 waxa uu ku soo beegmay xilli aad muhiim ugu ah Bitcoin. Waxaa dhawaan dhacay halving-kii afraad (April 2024), kaas oo yareeyay tirada Bitcoin cusub ee lagu sii daayo suuqa. Taariikh ahaan, dhacdada halving-ka waxay inta badan horseeddaa koror weyn oo qiimo ah, maadaama Supply Bitcoin suuqa yimaado uu yaraad halka Demand-ka iyo dadka la qabsado Bitcoin ee sii kordhaan.
Qaybta hore ee sanadkan (Quarter one), Bitcoin wuxuu maray heerar kala duwan oo qiimo ah. Bishii Maarso wuxuu ka sarre maray $110,000 markii ugu horreysay, taas oo noqotay rikoor taariikhi ah, waxaana hadda (Oktoobar 2025) qiimihiisu yahay inta u dhaxayso 115,000– $122,000. Tani waxay keentay in khubaro badan ay isku-dayaan saadaasha dhamaadka sannadkaan qiimaha Bitcoin.
Qaar ka mid ah Khubarada suuqa ka bixiyay Saadaasha Qiimaha Bitcoin – Dhamaadka 2025
- Cathie Wood (ARK Invest)
Cathie Wood, oo ah madaxa shirkadda maalgashiga ARK Invest, waa qof ka mid ah dadka ugu caansan ee saadaaliya Bitcoin. Marar badan ayee saadaalisay waxayna sheegtay in Bitcoin uu noqon karo “Dahabka Dijitaalka ah”
Saadaasheeda 2025: waxay ku qiyaastay in Bitcoin uu gaari karo $200,000 – $250,000 kahor dhamaadka sanadkan, iyadoo sabab uga dhigaysa halving-ka iyo maalgelinta shirkadaha waaweyn.
- Michael Saylor (MicroStrategy)
Michael Saylor waa maamulaha shirkadda Strategy, taas oo ah shirkadda ugu weyn ee maalgashata Bitcoin muddo dheer.
Saadaashiisu waa mid aad u rajo fiican, wuxuu sheegay in Bitcoin uu gaari doono qiimihiisa $250,000+ dhamaadka 2025 iyo horaanta 2026, sababtoo ah waxa uu aaminsan yahay in Bitcoin uu yahay “keydka ugu fiican ee hanti” (best store of value).
- Robert Kiyosaki (Rich Dad Poor Dad)
Robert Kiyosaki waa qoraaga (Buuga Abaaa Saboolka iyo Aabaha Hodanka) waxuu taageeraa lacahaha Digitaal-ka Cryptocurrency gaar ahaan taageero xoogan Bitcoin.
Wuxuu sheegay in Bitcoin uu gaari karo $130,000 dhamaadka 2025 iyo $150,000 horaanta 2026, waxuuna Sababta ugu dhigay Dollar-ka oo qiimo dhaca, (sicir barar) iyo dadka oo u wareegaya Bitcoin iyo dahab-ka.
- Peter Brandt (Khabiir Falanqaya Suuqayada Digital-ka)
Peter Brandt waa ganacsade muddo dheer crypto maalgashan jiray oo caan ku ah saadaalinta Coinka Bitcoin.
Saadaasha dhamaadka 2025, Wuxuu sheegay in Bitcoin uu gaarayo $120,000 – $140,000, waxa uu ku saleynayaa qaabka “chart pattern” ee uu soo bandhigay Bitcoin.
- Bloomberg Intelligence
Shirkadda Bloomberg, oo ka mid ah kuwa ugu weyn ee falanqeeya dhaqaalaha caalamka, waxay sheegtay:
Saadaasha dhamaadka 2025, Qiimaha Bitcoin wuxuu u dhowaan karaa $180,000 – $200,000, haddii suuqa sii ahaado mid firfircoon oo aanay dhicin qal-qal siyaasadeed ama sharciyo xiyiraad lagu soo rogo lacagaha Digital-ka ee Crypto.
Saadaalo Hore oo Guuleystay
Waxaa jira saadaalo hore oo sax noqday kuwasoo dhiirrigeliyay dad badan maalgashi ku sameeyay Bitcoin, waxaa ka mid ah:
- PlanB iyo Model-kiisa Stock-to-Flow (S2F)
Sanadkii 2020-kii, PlanB wuxuu saadaaliyay in Bitcoin uu ka gudbi doono $50,000 kadib halving-kii dhamadka 2020. Saadaashiisu waxay noqotay run, iyadoo bishii Marso 2021 Bitcoin gaadhay $62,000. - Tyler iyo Cameron Winklevoss (Gemini Founders)
Labadan walaalo ah ee aasaasay Suuqa wayn ee Gemini waxay saadaaliyeen in Bitcoin uu noqon doono “dahabka cusub” (The New Gold) uu dhaafi doono $50,000. Saadaashooda waxay run noqotay sannadkii 2021-dhamaadkisa. - Mike Novogratz (Galaxy Digital)
Sanadkii 2017, Novogratz (Aas-aasha Galaxy Digital) wuxuu saadaaliyay in Bitcoin uu gaari doono $10,000 kahor dhammaadka sannadkaas, wuxay run noqotay saadaashiisa bishii December 2017.

Qiimaha Bitcoin dhamaadka Sannadkii 2021 (Xigasho: Trading View)
Maxaa Sababi Kara in Saadaashu Run Noqoto ama Fashilanto?
Qiimaha Bitcoin waa mid ku xiran arrimo badan , ma ahan kaliya saadaal. Waxaa ka mid ah:
- Halving & Supply: Yaraynta tirada Bitcoin cusub ayaa mar walba dhiirrigelisa qiimahana kordhiso.
- Maalgelinta Shirkadaha: Shirkadaha waaweyn sida Tesla, MicroStrategy, iyo ETFs cusub waxay saameyn weyn ku leeyihiin qiimaha.
- Xeerarka Dawladaha: Haddii Maraykanka, Yurub, ama Shiinaha ay si cad u sharciyeeyaan ama u diidaan Bitcoin, waxay saamayn toos ah ku leedahay Qiimihiisa.
- Xaaladda Dhaqaalaha Adduunka: Haddii sicir-bararka (inflation) sareeyo ama dhaqaalaha caalamka hoos u dhaco, dadka badankood waxay u wareegaan Bitcoin sidii keyd ammaan ah, taasoo kor u qaado qiimihiisa.
Dhamaadka sannadkan 2025, saadaalaha khubarada intooda badan waxay isku raaceen in Bitcoin uu gaari doono heer sare (qiimihiisa) oo u dhexeeya $150,000 ilaa $200,000. Qaarkood sida Michael Saylor iyo Cathie Wood waxay aaminsan yihiin in xitaa uu dhaafi karo $250,000.
Hase-yeeshee, waa muhiim in la ogaado in Bitcoin uu yahay mid aan la saadaalin karin si buuxda, maadaama uu ku xiran yahay xaaladaha siyaasadeed, dhaqaalaha caalamiga ah, iyo arrimo farsamo. Si kastaba, taariikhda hore iyo saadaalaha guuleystay waxay-na barayaan in Bitcoin mar walba leeyahay awood uu ku dhaafo filashada.
Qof walba oo maalgashi sameynaya waa inuu ogaadaa khatarta ku jirta Saadaasha, isla markaana uu ku saleyaa malgashigiisa cilmi iyo qorshe cad, ma aha oo kaliya saadaal.
Halkaan ka baro Cryptocurrency Course