Dhamaadka Sanadkan 2025, BlackRock — oo ah maamulaha hantiyeedka ugu weyn aduunka — ayaa tallaabo kale oo muhiim ah u qaaday dhanka suuqa cryptocurrency, iyadoo ka shaqeynaysa ETF cusub oo “staked” ah. Tani waxay calaamad u tahay isbeddel weyn maalgashiyaasha halkii ay heli lahaayeen kaliya qiimaha ETH (sida ETF-yadii hore), hadda waxay heli doonaan lacag kordhin (yield) iyada oo la isticmaalayo nidaamka “staking” — taas oo ka dhigeysa maal-gelinta ETH mid ka ka faa’iido badan sidii hore.
ETF-ga cusub waxa lagu magac daray iShares Staked Ethereum Trust (oo loo soo gaabiyo “ETHB”).
Warbixinnadu waxay sheegayaan in ETF-gan cusub uu qorshaynayo in 70% ilaa 90% hantidiisa ETH la “stake-gareeyo” iyadoo inta kale la hayn doono sidii reserve si looga jawaabo baahida iibka iyo bixista (liquidity suuqa).
Waa maxay “Staked ETH ETF”?
Farqiga u dhaxeeyo ETF-ga caadiga ah iyo “Staked” ETF
- ETF-yada caadiga ah ee cryptocurrencies (sida qaar horey loo sameeyey) waxay siin jireen maal-geliyeyaasha kaliya qiimaha ETH (sida saamiga ETH) — taas oo micnaheedu yahay haddii ETH korodho ama hoos u dhaco, saamigu wuu saamaynayaa.
- Laakiin, ETF “staked” wuxuu ku darayaa fursad dheeraad ah: “staking rewards” — taasi oo ah in qayb ka mid ah ETH la xiro (locked) si loogu adeego shabakadda Ethereum, taas beddelkeedana maal-geliyeyaashu ay helaan dakhli (yield).
Sida lagu qorshaynayo ETF-gaa cusub, maal-geliyeyaashu maku qasbanaan doonaan in ay fahmaan ama ay maareeyaan nidaamka farsamada ee staking-ka: BlackRock ayaa la kaashan doonta adeeg-bixiyeyaasha staking (third-party staking providers), iyadoo khatarta “slashing” ama khaladaadka farsamo la yarayn doono.
Maxaa cusub oo ay soo kordhin doontaa “iShares Staked Ethereum Trust”?
- ETF-kaan waxa uu isku darayaa qiimaha ETH iyo dakhli joogto ah — taas oo ah fursad soo jiidasho leh, gaar ahaan maal-geliyeyaasha raadinaya “income-generating” crypto assets.
- Maadaama EFT-yada caadiga ah ay ku saleysnyihiin kaliya qiimaha ETH, “staked ETH ETF” wuxuu bixinayaa xulasho cusub oo ku habboon maal-geliyeyaasha daneynaya “long-term holding iyo yield oppurtunity”.
- Sidoo kale, ETF-yadan waxay fududeynayaan in crypto ee ku dhex milanto nidaamyada maaliyadeed ee dhaqan (traditional finance), taasoo ka dhigaysa in dad badan oo aan aqoon buuxda u lahayn crypto ay si sahlan u maal-gelin karaan ETH iyagoo helaya yield aan ka baqayn khataraha Boorsooyinka Crypto “wallets”
Maxaa Sababay In BlackRock ee hadda ka shaqayso arintaan?
Waxaa jira dhowr sababood oo BlackRock dhiira-galiyay in ay hadda soo bandhigto ETF “Staked ku salaysan” waxaana ka mid ah:
- Isbeddel sharci cusub ee suuqa Kiribto
Sanadihii hore, hay’adda qaabilsan sharciyeenta dhaqaalaha ee Maraykanka sida SEC, waxay culays badan saari jireen ETF-yada ku salaysan kiribto iyagoo u arkaayi khataro maaliyad sharciyeed, Tusaale SEC waxay diidanayd inay ansixiso ETF-yada BTC, ETH iyo SOL muddo billo ah halka ETF-ka XRP loo diiday in la ansixiyo iyadoo markii dambe la ogalaaday.
Laakiin hadda, SEC wax badan ayaa iska badalay, ka dib doorashadii maraykan ee November-2024 uu ku guulaystay xisbiga Jamhuuriga oo u sharaxnaa Donal Trump kaas aad u taageersan Kiribto, waxaa la oggolaaday ETF-yo badan waxaana loo fududeeyay hay’adaha waaweyn sida BlackRock in ay sameyn karaan ETFs iyagoo raacaya sharciga.
- Xiisaha sii kordhaya ee “Yield-generating” Crypto
Shabakadda Ethereum waxaa si isdaba joog ah u kordhaya tirada ETH ee la stake gareeyo — taas oo muujinaysa in maal-geliyeyaashu rabaan in ay ka faa’idaystaan labadaba koror qiimaha iyo dakhliga joogtada ah. ETF-yada staking-ka waxay siinayaan hay’adaha iyo maal-geliyeyaasha waaweyn fursad ay si fudud ugu galaan habkan, iyadoon loo baahnayn aqoon qota dheer.
BlackRock, iyadoo leh taariikh dheer iyo kalsooni caalami ah, waxay u aragtay arintaa fursad istiraatiiji ah — in ay noqoto midii ugu horaysay ee soo kordhiso Saami ETF ku saleysan Staking.
Maxay tani kaga dhigan tahay Suuqa Crypto gaar ahaan Coin-ka Ethereum & Maal-geliyeyaashiisa?
Warbixinnada iyo falanqaynta suuqa waxay muujinayaan in ETF-kaan uu noqon doono mid calaamad u ah isbeddel ballaaran oo ku wajahan suuqa crypto iyo koror qiime la filaayo Coin-ka ETH.
Marka ETF-kaan Staking-ka ku salaysan la ansixiyo, waxaa suurtogal ah in maal-geliyeyaasha waaweyn ay bilaabaan inay u wareegaan Kiribtada sidii il dakhli joogto ah, taasoo kordhin karta dalabka ETH — taasina waxaa laga yaabaa inay saameyn togan ku yeelato qiimaha ETH muddo dhexe iyo mid dheer labaduba.
Sidoo kale, tan waxay aas-aas u noqon kartaa jiheyn cusub, in Kiribtooyinka loo arko maalgashi rasmi ah (institutional investment), iyadoo la adeegsanayo habab sharci iyo hufanaan.
Dhanka kale — maal-geliyeyaasha cusub waxay heli doonaan hab fudud oo ay ku galaan crypto kana qayb-qaataan Staking iyadoo aan loo baahnayn in ay fahmaan wallets, private keys, validators, iwm.


