Sanadihii u dambeeyay, dunida waxaa kusoo badanayay dalal ka niyad-jabay nidaamka maaliyadeed ee caalamka oo uu Maraykanku si weyn u maamulo, gaar ahaan ku tiirsanaanta doolarka oo ah lacagta lugu isticmaalka badan yahay ganacsiga caalamiga ah. Si arrintaas loo beddelo, ururka BRICS—oo ka kooban Brazil, Russia, India, China iyo South Africa—ayaa qaaday talaabo lagu tilmaamay mid furi doonto albaab cusub, taas oo ah in ay daah-furaan lacag cusub oo ku xeran dahab-ka (Gold-Backed Currency).
Talaabadan, oo muddo dheer ay qorsheenayeen, waxay noqotay mid si rasmi ah la doonaayo in la dhaqan galiyo, iyada oo ujeedadu tahay in BRICS ay sameystaan nidaam maaliyadeed oo u gaar ah oo ka madax-bannaan doolarka. Waxay si toos ah ula loolami doontaa nidaamka lacagaha fiat-ka ah ee maanta dunida ka jira.
Muxuu yahay Urur-ka BRICS?
Ururka BRICS waxaa loo aasaasay si dalalka soo koraya ay u helaan awood dheeri ah oo ay kula tartamaan waddamada reer galbeedka, gaar ahaan Ururka G7 ay ku midaysan yihiin waddamada Maraykanka, Boqortooyada Ingriiska, Faransiiska, Jarmalka Talyaaniga Kanada iyo Jabaan.
Balse sanadihii u dambeeyay ururkaan cududdooda dhaqaale ayaa si weyn u kordhay markii China ay gashay kaalinta 2-aad waddanka ugu dhaqaalaha wayn caalamka.
Waxaa intaas dheer, inay ku biirayaan dadal saamayn wayn ku leh caalamka sida Saudi Arabia, UAE, Egypt, Iran, Ethiopia, Argentina (waxay ku dhawaaqayn in ay ku biireen), halka kuwo kale sida Turkey Bangladesh, Belarus, Cuba, Malaysia, Nigeria iyo Venezuela (ay qorsheenayaan ku biiristiisa).
Maxay tahay Lacagta dahab ku salaysan?
Lacagta dahab lagu xiray (Gold-backed currency) waa lacag:
- Uusan qiimaheedu ku xirneyn suuqa caalamka kaliya
- La hubo in ay ku xiran tahay dahab dhab ah oo kayd ahaan u yaalla
- Qiimaheeda aan si fudud hoos ugu dhici karin maadaama dahabku leeyahay qiime jireed oo aan lumin
Tusaale ahaan, haddii dowlad bixiso lacag qiimeheedu yahay $100 oo gold-backed ah, waxaa khasab ah in kayd ahaan ay u hayso dahab ka qiimo badan lacagtaas. Taasi waxay lacagta ka dhigaysaa mid la isku halleyn karo oo aan si fudud u burburin.
Muxuu BRICS u doortay Lacag Dahab ku salaysan?
Sababaha ugu waa weyn ee u doorteen waa:
- Ka madax-bannaanida doolarka
Doolarku wuxuu noqday mid dunida ka taliya 80-kii sano ee la soo dhaafay BRICS waxay rabaan: In aysan ku tiirsanaan nidaamka SWIFT, in aysan saameyn ku yeelan cunaqabataynta Maraykanka iyo in ay yareeyaan kharashaadka ganacsiga caalamiga ah
- In ay helaan lacag adag oo qiimaheedu aan si fudud u lumi karin
Dalka Russia waxuu aaminsan yihiin in doolarka uu noqday “lacag warqad ah” oo aan wax dhab ah ku xiranayn. Dahabku wuxuu leeyahay Qiime cimri-dheer, Deganaansho iyo Kalsooni caalami ah
- In ay helaan nidaam maaliyadeed oo ay iyagu maamulaan
Waxay rabaan in ay abuuraan “BRICS Financial System” oo ka madax-bannaan IMF & World Bank.
Sidee aye u shaqayn doontaa Lacagtaaan Cusub ee BRICS qorsheynayso?
BRICS waxay u qorsheenaysaa nidaamka:
1. Lacagta cusub waxaa lagu xiri doona dahab uu leeyahay waddan kasta oo xubnaha ka Ururka.
Dal kasta wuxuu bixin doonaa keyd dahab ah oo go’an.
2. Lacagta waxaa lagu wada isticmaali karaa:
- Ganacsiga caalamiga ah
- Bixinta tamarta (oil, gas)
- Shirkadaha BRICS
- Sarrifka maaliyadeed
3. Ma noqon doonto lacag suuqa gudaha loo isticmaalo
Sida: Real (Brazil), Ruble (Russia), Yuan (China) iyo Rupee (India)
Balse waxay noqon doontaa lacag ganacsi oo caalami ah, kaliya u eg: SDR (IMF) hanaankii Euro markii hore lagu bilaabay
Saameynta Dunida ku yeelan karta arintaan
- Dhimista Awoodda Doolarka
Haddii BRICS ay ku guulaysato:
- Qayb weyn oo ganacsiga saliidda ayaa laga wareejin doonaa doolarka.
- Dalal badan oo Afrika & Asia ah ayaa ku biiri kara nidaamka.
Taasi waxay dhaawici kartaa doolarka oo maanta ku tiirsantahay dunidu oo idil.
- Kororka Qiimaha Dahabka
Marka lacag dahab ku salaysan la soo saaro:
- Dalalka caalamka ayaa bilaabi doona in ay urursadaan dahab badan
- Baahida dahabku kor ayay u kacaysaa
- Qiimaha suuqa wuxuu kordhi karaa 20% ilaa 50%
- Khalkhal ku yimaada suuqyada maaliyadda reer galbeedka
Waxaa Gaar ahaan hoos u dhici doono:
- Bond-yada Maraykanka
- Suuqa lacagaha (Forex)
- Bangiyada caalamiga ah ee Reer-galbeedka
- Saameynta ay ku yeelan karto Suuqa Kiribto
Daah-furka lacag dahab ku saleysan oo ay BRICS wadaan waxay saameyn toos iyo mid dadbanba ku yeelan kartaa suuqa Crypto-ga:
- Kororka kalsoonida Bitcoin (BTC)
Bitcoin marar badan waxaa loogu yeeraa “Digital Gold”. Haddii dunidu u wareegto lacag dahab ku saleysan, waxay sii xoojinaysaa fikradda ah in dadku raadinayaan hanti aan fiat ku xirnayn. Taasi waxay kordhin kartaa baahida Bitcoin, maadaama u uku xaddidan yahay (21 million) isla markaana uusan ku xirnayn dowlad gaar ah.
- Is-beddel ku yimaada nidaamka lacag dirista (Payments)
Haddii BRICS ay dhistaan nidaam maaliyadeed ka madax-bannaan SWIFT, waxaa laga yaabaa in:- Blockchain & crypto loo adeegsado xawaareyn iyo amni
- Dalal badan ay u adeegsadaan crypto xalka ganacsiga caalamiga ah
- Kordhinta sharciyeynta (Regulation)
Reer-galbeedku waxay u arki doonaan Crypto:- Halista nidaamkooda maaliyadeed ama fursad ay kula tartamaan BRICS
Taasoo keeni karta sharciyo cusub oo saameeya suuqa Crypto-ga, gaar ahaan US & Europe.
Mustaqbalka: BRICS ma beddeli doontaa nidaamka uu maanta Doolarka hogaamiyo?

Su’aashan ‘Jawaabteedu” waa mid dunida oo idil ka doodayso.
Jawaabta xaqiiqda u dhow waa:
Haa, laakiin……
Doolarku wuxuu leeyahay awood 80 sano soo jirtay.
BRICS currency-na waa wax hadda cusub.
Laakiin waxaa la iska indha-tiri karin Ganacsiga caalamiga wuxuu wajahaya is- beddel weyn
Lacagaha ku saleysan dahabka ayaa socoto ka doodistooda caalamka, Reer galbeedku awoodii dhaqaale way sii yaraanaysaa.
Dunida waxay geli doontaa nidaam multipolar ah (oo lagu tilmaamay rising east vs declining west).


