Circle iyo Bybit oo galay heshiis cusub.

Jacfar
By Jacfar

Horaanta Sanadkaan Cusub ee 2026-da, shirkadda Circle — oo ah soo saaraha stablecoin-ka USDC — iyo exchange-ka weyn ee Bybit, waxay si rasmi ah ugu dhawaaqeen heshiis istiraatiji ah. Ujeedada heshiiskan waxa uu yahay in USDC si balaadhan loogu baahiyo nidaamka Bybit, taasoo ka dhigan in dadka isticmaala crypto ay heli doonaan fursado cusub oo ay ku isticmaalayaan USDC — ha ahaato ganacsi, kayd, ama macaamil lacageed.

Waa maxay USDC iyo sababta heshiiskani u yahay mid muhiim ah waqtigaan?

USDC waa “stablecoin” — lacag dijitaal ah oo qiimaheedu ku xiran yahay doolarka Mareykanka (1 USDC = 1 USD). Circle ayaa masuul ka ah oo soo saarista USDC iyada oo hubinaysa in lacag kastaa ay ka dambayso “reserves” (kayd la hubo), taas oo ka dhigaysa mid “regulated” — sharciyadaysan oo la isku halayn karo.

Stablecoin-ka noocan oo kale ah wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan: sida sicir xasilloon, fududeynta kala iibsiga caalamiga ah, iyo in dadka isticmaala crypto ama ka ganacsada ay dhaqso ugu gudbiyaan lacag xawilaada qiimo jaban. Heshiiska Circle iyo Bybit wuxuu noqonayaa tallaabo muhiim ah oo USDC ka dhigasyso mid meelo badan loo adeegsado.

Muxuu heshiiska Circle & Bybit ka kooban yahay?

Marka heshiiska la eego, waxa uu u egayahya in la qorsheynaayo dhowr arrimood ay doonayaan inay labada shirkadood ka wada shaqeyaan:

  • Ballaarinta liquidity-ga USDC — Bybit waxay kor u qaadi doontaa tirada iyo hufnaanta USDC ee lagu kala iibsado suuqa (spot) iyo derivatives (futures/perpetuals), taas oo ka dhigaysa in USDC si fudud loo heli karo loona isticmaali karo gudaha Bybit.
  • Adeegsiga USDC meelo kala duwan — Ma aha oo kaliya iibsiga iyo iibinta crypto: Bybit waxay qorsheyneysaa in USDC laga dhigo mid lagu isticmaalo kaydsiga (savings), adeegyada lacag bixinta (payments), adeegyo “card / rewards”, iyo in deposit/withdrawal-ka laga dhex sameeyo si dhaqso leh.
  • Fiat on-/off-ramp — Circle waxay keeni doontaa infrastrucuture-ka u oggolaanaya in lacagaha caadiga ah (fiat) si sahlan loogu beddelo USDC, loona sameeyo deposit/withdrawal, taas oo ka dhigaysa isticmaalka USDC mid fudud, gaar ahaan suuqa Bybit.
  • Iskaashi istiraatiji & teknoolojiyadeed — Bybit ayaa sidoo kale qorshaynayso inay qeyb ka noqoto tijaabinta “public testnet” shabakadda cusub ee Circle, oo loo yaqaan Arc — block-chain taasoo labada shirkadood ay doonayaan horumarinta mustaqbalka nidaamka maaliyada dijitaalka ah.

Sidaas daraaddeed, heshiiskani ma aha mid ku kooban kaliya ganacsi; waa ballan-qaad dhinacyo badan taabanaya oo ku wajahan ballaarinta isticmaalka USDC Caalamka.

Ujeeddooyinka Circle iyo Bybit: Maxay raadinayaan?

Ujeeddada Circle

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99 - $22.99Get It Now
  • In USDC laga dhigo mid caalami ah oo laga isticmaalo meelo ka baxsan nidaamka gaar ah ee exchange-yada u yaalla Maraykanka, gaar ahaan suuqyada caalamka.
  • In la yareeyo ku-tiirsanaanta (dependency) uu USDC ku leeyahay nidaamka exchange-yo gaarka ah (tusaale Coinbase).  
  • In la hormariyo hannaanka farsamo (infrastructure) ee lacagaha dijitaalka ah, sida deposits/withdrawals, liquidity, iyo adeegyo kale oo maaliyadeed — si USDC u noqdo lacag si dhab ah loo adeegsan karo.

Ujeeddada Bybit

  • In la xoojiyo sumcadda Bybit sidii suuqa crypto oo la aamini karo, sharciyaysan, isla markaana bixiya adeegyo ballaaran: ganacsi, kayd, lacag-bixin, iwm — una furan isticmaaleyaal caalami ah.
  • In si dhaqso leh loo siiyo isticmaaleyaasha suurtogalnimada ay ku isticmaalaan stablecoin sharciyadaysan, taas oo ka dhigaysa Bybit mid soo jiidasho leh, oo ku habboon isticmaaleyaasha dooneya degganaansho.
  • In la ballaariyo adeegyada Bybit sida “savings, payments, card rewards,” taas oo ka dhigaysa in Bybit aysan ahayn kaliya meel lagu ganacsado crypto, balse ay tahay nidaam dhammeystiran oo dhaqaale dijitaal ah.

Saameynta suurtagalka ah — Maxay tani uga dhigan tahay suuqa crypto?

  1. Kordhinta adeegsiga USDC calami ah
    Heshiiskan waxa uu furi karaa albaab cusub oo USDC looga isticmaali karo qaybo ka mid ah caalamka oo horey aan u haysan fursado la mid ah kuwa Maraykanka. Isticmaaleyaasha Bybit adduunka oo dhan ayaa heli doona fursad ay ku kaydsadaan, ku adeegsadaan ama ku wareejiyaan USDC si sahlan.
  2. Hufnaan iyo sharciyad sare
    Maaddaama Bybit uu helay liisanka “Virtual Asset Platform Operator” ee UAE (iyo ballaarinta sharciyada Yurub iwm), isticmaalka USDC iyadoo la raacayo xeerarka sharciyada caalamiga ah ayaa noqonaya mid suurtogal ah — taasi oo kor u qaadaysa kalsoonida isticmaaleyaasha iyo maalgeliyeyaasha.
  3. Beddelka stablecoin-ka caadiga ah (USDT)
    Suuqa stablecoin-ka, oo ilaa hadda aad ugu tiirsanaa USDT (stablecoin-ka ugu weyn by market cap), ayaa laga yaabaa in tartan dhab ah uu ka dhex bilaabmo USDC iyo USDT. Haddii USDC si weyn u fido, waxaad la arki karaa isticmaal ballaaran oo stablecoin-yada sharciyaysan ah.
  4. Dhaqan-maaliyadeed dijitaal oo koraya
    Iyadoo USDC laga helayo adeegyo kala duwan — ganacsi, kayd, lacag-bixin, iwm — waxaa macquul ah in cryptocurrency iyo stablecoin ay noqdaan qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah. Tan waxay fursad siin kartaa qof walba, xitaa dadka aan haysan bangi, inay ka qeyb qaataan dhaqaale caalami ah.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article