Circle (USDC) oo ka hormaray koritaanka suuqa Tether (USDT) Sanadkii Labaad.

Jacfar
By Jacfar

Dunida lacagaha dijitaalka ah (cryptocurrency) waxa ay maraysaa marxalad isbeddel weyn leh, gaar ahaan qaybta (Sector) loo yaqaan stablecoins.

Stablecoins-ku waa nooc ka mid ah cryptocurrencies-ka oo qiimahoodu ku xiran yahay lacag dhab ah sida Dollarka Mareykanka (USD), Euro ama hanti kale oo xasilloon. Ujeeddadoodu waa in ay yareeyaan khatarta sicir-kaca iyo hoos-u-dhaca degdegga ah ee inta badan lala xiriiriyo cryptocurrency-ada sida Bitcoin ama Ethereum.

Labada stablecoin ee ugu waaweyn Cryptocurrency maanta waa USDT (Tether) iyo USDC (Circle). Sanado badan, USDT ayaa hoggaaminayay suuqa stablecoins-ka marka laga eego isticmaal, liquidity iyo suuq-kasbasho. Si kastaba ha ahaatee, xogihii iyo warbixinadii ugu dambeeyay ee laga helay Glassnode iyo Coinglass waxay muujinayaan in Circle’s USDC uu ka hormaray koritaanka dhanka kobaca isticmaalka iyo tirada macaamiisha cusub (Transaction volume & Wallet growth), Tether’s USDT sanadkii labaad oo xiriir ah, arrin si weyn u beddeli karta jihada mustaqbalka Suuqa kiribto iyo stablecoins-ka.

Maqaalkan waxa aynu si qoto dheer ugu falanqayn doonaa:

- Advertisement -
  • Waa maxay USDC iyo USDT?
  • Sababaha keenay in USDC kaga hormaro koritaanka Suuqa USDT
  • Doorka sharciyeynta (regulation) iyo kalsoonida
  • Saamaynta ay ku leeyihiin bangiyada, hay’adaha maaliyadeed iyo DeFi
  • Maxay arintaan dhigan tahay mustaqbalka Suuqa Kiribto iyo Maalgashiyaash?

Ka hor inta aan u gelin xogta rasmiga ah, waxaa muhiim ah inaan kala saarno laba erey oo inta badan dadka ku jahwareeraan Market Cap (Qiimaha guud ee suuqa) iyo Transaction Volume/Growth (Mugga kala iibsiga iyo Kobaca).

  • Market Cap (Halka Tether ku horeyso): Tani waa tirada guud ee lacagtaas suuqa ku jirta. Tether (USDT) ayaa weli ah boqorka dhankan, iyadoo haysata balaayiin dollar oo wareegaysa, inta badanna waxaa loo adeegsadaa in lagu kala iibsado lacagaha kale (Trading pairs) ee suuqyada waaweyn sida Binance.
  • Transaction Volume & Growth (Halka USDC ku horeyso): Tani waa inta jeer ee lacagta la isticmaalo, tirada jeebabka (wallets) cusub ee la sameeyay, iyo sida ay dadku ugu adeegsanayaan lacag bixinta dhabta ah (payments). Halkan ayay USDC kaga adkaatay USDT sanadkii labaad oo xariir ah.

Sida ay qortay Yahoo Finance iyo falanqeeyayaasha xogta Visa, USDC waxay noqotay lacagta ay doorbidayaan hay’adaha maaliyadeed, ganacsiga caalamiga ah, iyo nidaamyada cusub ee Web3, taasoo keentay in kobaceedu uu aad ugu dheereeyo marka loo eego USDT.

Waa Maxay Stablecoins? USDT vs USDC.

Stablecoins waa lacag dijitaal ah oo loogu talagalay in ay lahaato qiime deggan. Inta badan stablecoins-ku waxa ay ku xiran yihiin Dollarka Mareykanka, waa inuu u dhigmo 1 stablecoin = $1 USD.

Stablecoins-ku waxay laf-dhabar u yihiin ganacsiga Kiribto, Lacag lagu kala wareego exchanges-ka, Aasaaska DeFi (Decentralized Finance) iyo Xalka lacag-dirista caalamiga ah (remittances)

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

Tether (USDT): Hoggaamiyihii hore ee Suuqa

USDT, waa Stablecoin-ka ugu wayn Suuqa kiribto waxaa maamusho shirkadda Tether Limited, waana stablecoin-kii ugu horreeyay uguna isticmaalka badan ilaa hadda.

Si kastaba ha ahaatee, USDT hadda waxa uu wajahay dhaliilo waaweyn oo la xiriira:

  • Daah-furnaan la’aan (transparency)
  • Su’aalo ku saabsan hantida dhab ahaan u kaydsan
  • Cadaadis sharciyeed oo ka yimid dowlado iyo hay’ado maaliyadeed

Inkasta oo USDT uu weli yahay stablecoin-ka ugu weyn marka la eego market cap-ka, haddana kalsoonida isticmaaleyaasha iyo hay’adaha maaliyadeed ayaa marar badan hoos u dhacda.

Circle (USDC) Koritaanka Degdegga ah

USDC waa stablecoin ay wada maamulaan Circle iyo Coinbase. Waxaa lagu amaanaa inuu yahay

  • Mid daah-furnaan buuxda ah
  • U hoggaansan sharciyada (compliance)
  • Kalsooni ay ku leeyihiin bangiyada iyo hay’adaha maaliyadeed

USDC waxa uu si joogto ah u soo bandhigaa warbixino cad-cad oo muujinaya in token kasta oo USDC ah uu leeyahay dollar dhab ah oo ka dambeeyo.

USDC Oo Ka Hormaray USDT: Maxaa Sababay?

Sanadkii labaad oo xiriir ah, USDC ayaa ka hormaray USDT marka la eego koritaanka isticmaalka iyo qaadashada (adoption). Sababaha arrintan keenay waxaa ugu wayn:

1. Daah-Furnaan Iyo Kalsooni

Circle waxa ay si joogto ah u soo saartaa warbixino ay sameeyaan shirkado xisaab-hubin (auditors) oo madax-bannaan. Tani waxa ay kor u qaadday kalsoonida:

Tether, dhinaceeda, waxa ay marar badan wajahday su’aalo la xiriira hufnaanta hantideeda.

2. Sharciyeynta (Regulation)

Marka sharciyada crypto-ga la adkeeyo, gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub, hay’adaha waaweyn waxa ay door bidaan stablecoin:

USDC waxa uu noqday stablecoin-ka ay inta badan doortaan hay’adaha doonaya in ay si sharci ah u galaan kiribto iyo blockchain-ka.

3. Isticmaalka DeFi iyo Web3

USDC waxa uu noqday stablecoin-ka lagu isticmaalka badan yahay DeFi protocols sida lending iyo borrowing, NFT marketplaces iyo Web3 applications

Sababta ugu weyn waa kalsooni iyo xasillooni, taas oo muhiim u ah smart contracts-ka.

4. Taageerada Bangiyada iyo Shirkadaha Waaweyn

Circle waxa ay la shaqaysaa bangiyo iyo hay’ado waaweyn oo caalami ah. Tani waxa ay ka dhigtay USDC. Mid si fudud loogu isticmaalo lacag-bixinno iyo mid ku habboon shirkadaha doonaya Kiribto payments

USDT inta badan waxa uu ku xooggan yahay suuqyada ganacsatada kiribto, halka USDC uu si ballaaran lagu adeegsado isticmaalka ganacsiga rasmiga ah.

Saamaynta Isbeddelkan ee Suuqa Kirbto ku yeelan karo

Koritaanka USDC iyo hoos u dhaca saamiga USDT (inkasta oo uu weli yahay xooga suuqa) waxa ay keenaysaa isbeddello dhowr ah:

1. Stablecoins oo noqonaya nidaam maaliyadeed rasmi ah

USDC waxa uu muujinayaa in stablecoins-ku aysan ahayn kaliya ganacsi kiribto, balse ay noqon karaan adeeg bangiyeed, xal lacag-diris iyo aasaaska lacagaha dijitaalka ah ku xiran Blockchain ee mustaqbalka

2. Cadaadis Ku Kordhaya Tether

Tether waxa ay wajahayaa cadaadis ah in ay kor u qaaddo daah-furnaanta iyo in ay la jaan-qaaddo sharciyada cusub

Haddii aysan sidaas samayn, USDT waxa laga yaabaa in uu lumiyo hoggaankiisa mustaqbalka fog.

3. Saamaynta DeFi iyo CBDCs

USDC waxa uu si dhow ula jaan-qaadi karaa:

  • CBDCs (Central Bank Digital Currencies)
  • DeFi nidaamsan (regulated DeFi)

Tani waxa ay u gogol xaareysaa mustaqbal ay stablecoins-ku noqdaan buundo u dhaxaysa bangiyada caadiga ah iyo blockchain-ka.

Mustaqbalka Stablecoins: Yaa Hoggaamin Doona?

Inkasta oo USDT uu weli yahay stablecoin-ka ugu weyn Kiribto maanta, haddana. USDC ayaa ah kan lagu isticmaalka badan yahay, Kalsoonida hay’adaha ay ku qabaan ay sarayso iyo Sharciyada cusub mid la jaan-qaadi karo.

Haddii isbeddelkan sii socdo, waxaa suuragal ah in USDC mustaqbalka dhow uu noqdo stablecoin-ka ugu saameynta badan dunida kiribto.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article