Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Encryptio iyo decryption waa labo hab oo muhiim u ah amaanka xogta “Data security” gaar ahaan marka la diraayo ama la keydinaayo xogta si qarsoodi ah, waxaa loo isticmaalaa meelo badan ay ka mid tahay cryptocurrency.

Waa maxay Encryption?

Encryption waa hab xogta loo qariyo si aysan u fahmin cid aan fasax u la hayn, waxaa loo baahan yahay Fure (key) si muujiyo markii ay gaarto cidda loogu tala galay.

U jeedadada laga leeyahay waa in la ilaaliyo sir ahaanshaha xogta marka la diraayo ama la keedinaayo iyo in cid kasta aan haysan furaha saxda ah aysan xogta wax ka bedeli karin.

Tusaale

Hadii aad rabto inaad dirto fariin sir ah aad ugu tala shagay cid gaar ah oo qoraalkeedu yahay “fariintaan waa kugu sir cidna hala wadaagin”. Waxaad ku sameynaysaa Encryption si aad ugu badesho qaab aan la aqrin Karin waxayna noqonaysaa sidan: “Xk#@q95mnBt4dnbt6PcA12%ynY”kaliya waxaa fariintaan fahmi karo oo aqrin karo qoraalkeeda cida haaysato Secret key furaha sirta ah oo lagu qariyay xogta.

Waa maxay Decryption?

Decryption waa hab loo adeegsado in laga dhigo xogta qarsaneed mid muuqato oo la aqrin karo lana soo celiyo qaabkeeda hore iyadoo la isticmaalaayo furaha sirta lagu qariyay xogta “private key”

Tusaale:

Hadii aad hesho fariin encrypted ah oo xogteeda la qariyay waxaad ku samaynaysaa Decrypted adigoo adeegsanaayo private key gaar ah, waxaa Decryption ku samaynaynaa fariintii hore aan qarinay oo aheed “fariintaan waa kugu sir cidna hala wadaagin” markii la encrypt gareeyay waxay noqotay sidan “Xk#@q95mnBt4dnbt6PcA12%ynY” si aan hadda decrypted ugu dhigno aan u soo celino qaabkeeda hore waxaa loo baahan yahay Secret key ‘furaha xogta lagu qariyay iyo toolka loo adeegsaday marka la helo waxaa la soo celin karaa qoraalka xogta hore oo asalka aheed.

Noocyada Encryption ka

Si guud encryption waxaa loo qaybiyaa ilaa 5 nooc oo kala ah:

  • symmetric encryption
  • Asymmetric encryption
  • Hybrid encryption
  • hashing encryption
  • Quantum encryption

Note: waxaa ugu muhiimsan oo la adeegsadaa symmetric iyo Asymmetric encryption

Waa maxay Symmetric encryption ?

Symmetric Encryption waa hab la adeegsado si loo qariyo xogta iyadoo la isticmaalayo hal fure “one key” kaasoo xogta qoraalka lagu qariyo laguna soo bandhigo, waxaa ka mid ah Algorithm encryption la adeegsado AES-Advanced Standard Encryption iyo DES.

Waa maxay Asymmetric encryption ?

Asymmetric encryption waa hab kale oo la isticmaalo si xog loo qariyo lana soo bandhigo waxaana la adeegsadaa laba fure (Public key iyo Private Key).

Public key waa furaha muuqda ee loo isticmaalo in xogta lagu diro halka private key uu yahay furaha sirta ee xogta lagu qariyo.

Asymmetric encryption waxaa loo isticmaalaa cryptocurrency gaar ahaan boorsooyinka (crypto wallets) qofka si uu u helo lacag crypto waxuu dirayaa Public key-giisa halka prive key oo ku ilaalsanayo hantida ugu kaydsan boorsada.

Meelaha loo isticmaalo Encryption iyo Decryption?

Labaduba waxaa loo adeegsadaa wax walibo oo la xariiro qarinta xogta iyo soo muujinta xogta, waxayna ku xeran tahay hadba waxa loo adeegsanaayo ulajeedada laga leeyahay, Meelaha ugu muhiimsan ee hadda loo isticmaalo waxaa ka mid ah  

  • Lacagaha Cryptocurrency : waxaa xogtooda lagu qariyaa Cryptography
  • Platforms social mediaha : ee la iskula xariiro sida whats app, marka aad qorto fariin waxaa encrypt gareenaayo Algrothimka whats app marka ay gaarto qofka ay ku socotay fariintaas si Automatic ah aye u furmaysaa Decrypt.  
  • VPN Connections : Marka aad adeegsanayso VPNs dhamaan xogtaada internetka sida IP address kaaga waxaa laga dhigayaa mid qarsoon oo xog walibo kugu saabsan cid ma ogaan karto.

Sidee lacagaha crypto u adeegsadaan hanaanka Encryption iyo Decryption?

Lacagaha digitaalka ee crypto sida Bitcoin ama Ether waxay isticmaalaan Cryptography key si loo qariyo qaab amaan ah lacagta la isku diraayo xogteeda.

Marka aad doonayso inaad qof u dirto lacag crypto waxuu kuu soo dirayaa address-kiisa oo ah public key u ogalaanaayo inay soo gaarto transaction ka, private key –giisuna waxuu awood u leeyhaya marka ay soo gaarto lacagtaas xogteeda inuu furi karo si ay ugu muuqato.

Marka transaction dhaco waxaa samaysmo Hashing iyo Digital signature, marka qofka lacag crypto diro waxaa samaysmo saxiix digital ah Digital signature.

Halkaan ka baro cryptocurrency Course

Leave a comment