">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Shirkadda Strategy ayaa hoggaamineysa shirkadaha waaweyn iyadoo mas’uul ka ah 77% kor u kaca hantida Bitcoin ee ganacsiyada ilaa hadda sanadkan, sida aan ka soo xigannay shirkadda maalgelinta Bitcoin ee River.

Cilmi-baadhis cusub ayaa muujisay in shirkadaha iyo ganacsiyada ay yihiin iibsadayaasha ugu weyn ee Bitcoin marka loo eego ETF-yada iyo maalgashadayaasha yaryar. Strategy, oo uu leeyahay Michael Saylor, ayaa sanadkan iibsatay Bitcoin ka badan inta cid kasta oo kale ay iibsatay, iyadoo korodhka guud ee haynta Bitcoin ee shirkadaha uu gaarayo 157,000 BTC oo u dhiganta qiyaastii $16 bilyan marka loo eego qiimaha hadda ay joogto Bitcoin.

River ayaa ku sheegtay barteeda X (Twitter) May 12-keedii in Strategy kaliya aysan ahayn shirkadda kaliya ee Bitcoin iibsata: “Waxaan arkeynaa shirkado ka socda dhammaan qaybaha ganacsiyada oo is diiwaangelinaya. Waxay la jaanqaadayaan Bitcoin si uu mustaqbalkoodu isu beddeli.”

Ka dib shirkadaha, kooxda labaad ee iibsata Bitcoin waa ETF-yada, kuwaas oo kordhiyay haysashadooda 49,000 BTC ($5 bilyan), halka dowladaha ay kordhiyeen 19,000 BTC. Ganacsatada yaryar iyo shakhsiyaadka ayaa dhanka kale hoos u dhigay hayntooda 247,000 BTC sanadkan, sida ay sheegtay warbixintu.

River waxay sidoo kale sheegtay in lahaanshaha Bitcoin ee ganacsiyada uu kor u kacay 154% tan iyo 2024. Warbixintu waxay u kala saartay qaybaha warshadaha sidaan:-

Shirkadaha maaliyadda iyo maalgelinta: 35.7%

Shirkadaha tiknoolajiyada: 16.8%

Shirkadaha la-talinta iyo xirfadlayaasha: 16.5%

Inta kale: guryaha, hay’adaha aan macaash doonka ahayn, ganacsiga iyo warshadaha, daryeelka caafimaadka, tamarta, beeraha, iyo gaadiidka.

Iibsiyo waaweyn ayaa dhawaan dhacay: Strategy waxay iibsatay 13,390 BTC oo qiimiheedy yahay $1.34 bilyan, halka Metaplanet ay ku dartay jeebkeeda 1,241 BTC, taasoo ka dhigaysa keydkeeda mid ka badan kan El Salvador.

Shirkado cusub oo Bitcoin iibsigeeda bilaabay 2025-ka waxaa ka mid ah: Rumble, shirkadda dhismaha ee Ming Shing ee Hong Kong, iyo HK Asia Holdings Limited.

Bitwise ayaa sheegtay in ugu yaraan 12 shirkadood oo dadweynuhu leeyihiin ay markii ugu horreysay iibsadeen Bitcoin rubuc-sannadkii ⁰ugu horreeyay ee 2025, iyadoo haynta Bitcoin ee shirkadaha dadweynuhu leeyihiin ay korodhay 16% muddadaas, in ka badan 95,000 BTC ayaa lagu daray kaydka shirkadaha.

Bitcoin ma noqonayaa mid hoos u dhacda qiimo ahaan (deflationary)?


Iibsashada badan ee shirkadaha ayaa cadaadis saaraya tirada Bitcoin-ta maadaama tiradu xaddidan tahay, waxaana la heli karaa kaliya 450 Bitcoin maalintii oo ay soo saaraan kuwa bitcoin-ta qoda(Miners).

Agaasimaha guud ee CryptoQuant, Ki Young Ju, ayaa sheegay in Strategy ay iibsato Bitcoin si ka dheereysa wax-soosaarka Qodayaasha Bitcoin(Miners), taasoo siinaysa Bitcoin heer hoos u dhac sanadle ah oo ah -2.3%.

Dhanka kale, qoraaga Adam Livingston ayaa yiri Strategy waxay si dadban u kala baraysaa tirada Bitcoin iyada oo baahi(rabitaan iibsi) badan ku abuuraysa suuq tirada shayga la iibsanayo xaddidan yahay.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Leave a comment