Dhaqaalaha dunida casriga ah waxaa ugu muhiimsan xiriirka ganacsi ee u dhexeeya Maraykanka iyo Shiinaha — labadan dal oo ah kuwa si rasmi ah loogu tiriya kuwa ugu awoodda badan Caalamka dhanka dhaqaalaha, teknoolojiyadda, iyo saameynta siyaasadeed.
Muddo sanado ah, xiriirka ganacsi ee labadaan dal waxa uu ahaa mid marba marxalad taagan — mar kala shaki leh, mar tartan ah, iyo mar dagaal suuqeed. Laakiin hadda, warbixin rasmi ah oo kasoo baxday Xafiiska xogayaha Maaliyadda ee Maraykanka, Mrs. Bessent, wuxuu sheegay in Maraykanka iyo Shiinaha ay qorsheynayaan in ay saxiixdaan heshiis ganacsi oo cusub Isbuucaan.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in heshiiskan uu noqon doono “mid dib u furaya bog cusub oo kalsooni iyo iskaashi dhaqaale ah,” kaas oo lagu doonayo in lagu xoojiyo is-fahamka labada quwadood ee muddo dheer isku qabtay canshuuraha iyo xayiraadaha ganacsiga.
Maxaa keena in Maraykanka iyo Shiinaha ay isku qabtaan ganacsiga?
Heshiiskaan cusub kama imanayo meel madhan. Xusuusnow in xiriirka ganacsi ee labada dal uu xumaa tan iyo 2018-kii, markaasoo dowladda maraykan uu madaxweyne ka ahaa Donald Trump, ay billowday dagaalkii ganacsi ee ugu weynaa taariikhda casriga ah.
Maraykanku waxa uu markaas kordhiyay canshuuraha la saaraayo badeecooyin Shiine oo qiimahoodu gaarayay boqolaal bilyan oo doolar, halka Shiinuhuna uu si isku mid ah uga jawaabay isagoo xayiraad saaray badeecooyin Maraykan ah. Natiijada, labaduba waxay ku waayeen kumanaan bilyan oo doolar oo fursado ganacsi ah, halka shirkado badan oo caalami ah ay dareemeen jahwareer iyo qiimo koror.
Si kastaba ha ahaatee, heshiiska hadda la filayo waxa uu muujinayaa in labada dhinac ay og yihiin in iskaashigu ka muhiimsan yahay khilaafka.
Hadalka Mrs. Bessent: “Iskaashiga Dhaqaale waa Halbeeg Cusub oo Nabadda Caalamka ah”
Intii lagu jiray shir jaraa’id oo ay ku qabatay Washington, Scott Bessent, Xogayaha Maaliyadda ee Maraykanka, waxuu sheegay in wada hadalladii ugu dambeeyay ee dhex maray mas’uuliyiinta labada dal ay ahaayeen “kuwa wax ku ool ah oo natiijo fiican laga gaaray.”
Waxuu yiri:
“Maraykanka iyo Shiinaha waxay isku raaceen in aan la sii wadin dagaal ganacsi, balse la abuuro nidaam ganacsi oo is-dhexgal iyo caddaalad ku dhisan. Saxiixa heshiiska toddobaadka soo socda wuxuu noqonayaa tallaabo taariikhi ah oo aan rajeynayo inay horseedi doonto xasillooni dhaqaale oo caalami ah.”
Hadalkan wuxuu si weyn u saameeyay suuqyada caalamka, gaar ahaan suuqyada saamiyada, Crypto iyo kan lacagaha qalaad (forex markets) halkaas oo qiimaha yuan-ka Shiinaha iyo doolarka Maraykanka uu si degdeg ah u muujiyay dhaqdhaqaaq xoogan.
Maxaa noqon Doonaa Heshiiskaan Cusub?
Sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay, heshiiska cusub waxa uu diiradda saari doonaa dhowr qodob oo muhiim ah:
- Canshuuraha Ganacsiga (Tariffs): Dib u eegis iyo yareyn lagu sameynayo canshuuraha la saaray badeecooyinka labada dal.
- Tignoolajiyada iyo Ai “garaadka macmalka ah”: Heshiisyo cusub oo lagu ilaalinayo xuquuqda tiknoolajiyada iyo in la yareeyo tuhunka ku saabsan “data spying” xatooyada xogta.
- Iskaashiga Tamarta iyo Cimilada: Mashruucyo wadajir ah oo lagu yareynayo wasakheynta deegaanka, gaar ahaan dhanka warshadaha culus.
- Maaliyadda Dijitaalka ah: Shuruudo cusub oo lagu maamulayo ganacsiga e-commerce iyo lacagaha dijitaalka ah ee labada waddan dhex mara.
- Xoojinta Maalgashiga: Fursado cusub oo shirkadaha labada dhinac ay si xor ah ugu maalgashan karaan suuqyada kale.
Qodobadan ayaa ah kuwo ugu muhiimsan oo si weyn u saameyn kara mustaqbalka dhaqaalaha dunida, maadaama labada dal ay yihiin kuwa ugu saameynta badan ganacsiga caalamiga ah.
Suuqyada iyo Shirkadaha Ganacsatada oo Rajo wayn muujiyay
Marka wararka heshiiska cusub soo baxeen, shirkadaha waaweyn ee Maraykanka sida Apple, Tesla, iyo Intel ayaa si dhakhso leh u muujiyay taageero. Sababtu waa in shirkadahan ay si weyn ugu tiirsan yihiin warshadaha Shiinaha ee soo saara qalabka elektarooniga.
Dhanka kale, shirkadaha laga leeyahay waddanka China sida Huawei, BYD, iyo Alibaba ayaa sidoo kale koror ku yimid saamiyadooda gudaha suuqyada Shanghai iyo Hong Kong. Tani waxay muujineysaa in kalsoonida ganacsi ay si tartiib ah u soo laabanayso.
Waxaa sidoo kale la arkay in qiimaha saliidda iyo dahabka uu kor u kacay kadib markii suuqyadu dareemeen in heshiiskan uu keeni karo degganaansho dhaqaale oo caalami ah.
Saamaynta Heshiiskaan: Ma keeni doonaa “Global Reset” Dhaqaale xasiloon?
Khubarada dhaqaalaha ee caalamka waxay u arkaan heshiiskan mid beddeli kara jihada dhaqaalaha adduunka ee sanadihii dambe la daalaa dhacayay.
Waxay tilmaamayaan in haddii Maraykanka iyo Shiinaha ay si dhab ah u hirgeliyaan qodobada heshiiska, ay suuragal tahay in:
- Qiimaha badeecooyinka caalamka uu dego (maadaama kharashka dhoofinta iyo soo dejinta uu yaraado).
- Suurtogalnimada recesion (hoos u dhac dhaqaale) ee Maraykanka ay yaraato.
- Shirkadaha tiknoolajiyada iyo warshadaha ay helaan suuqyo xor ah oo cusub.
- Dollar-ka iyo Yuan-ka waxay heli doonaan degganaansho, taas oo saameyn togan ku yeelan doonta lacagaha kale ee caalamka.
Dhanka siyaasadda, heshiiskan wuxuu calaamad u noqon karaa dib u soo noolaynta xiriirka Washington iyo Beijing, kadib sanado hadal adag iyo tartan siyaasadeed u dhexeeye.
Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha siyaasadda caalamka waxay aaminsan yihiin in Maraykanku uu doonayo in uu iska yareeyo cadaadiska dagaalka ganacsi si uu xoogga u saaro arrimo kale sida tartanka teknoolojiyadda gaar ahaan AI iyo isbeddelka cimilada. Dhanka kale, Shiinaha waxa uu doonayaa in uu soo jiito maalgashiyo dibadeed oo badan si uu u xoojiyo dhaqaalihiisa oo hoos u dhacay sanadihii COVID-19 kadib.
Ma noqon doonaa Mustaqbalka heshiiskaan mid waara?
In kasta oo wararka ay yihiin kuwo rajo leh, haddana su’aasha taagan waa: Ma noqon doonaa heshiiskan mid hirgala muddo dheer?
Taariikhda labada dal waxay na-tusinaysaan in heshiisyo badan ay hore galayn balse uu burburay kadib markii is-aaminaaddu yaraatay. Sidaas awgeed, hirgelinta heshiiskan waxay ku xirnaan doontaa sida labada dhinac u fulin doonaan ballanqaadyada — gaar ahaan dhanka xuquuqda ganacsatada iyo ilaalinta tiknoolajiyada.
Haddii heshiiskan si rasmi ah loo saxiixo toddobaadka soo socda, waxa uu noqon doonaa mid taariikhi ah — oo calaamad u noqonaya in dunidu gashay marxalad cusub oo ganacsi iyo is-faham dhaqaale ah.
Maraykanka iyo Shiinaha — oo ah labada awood ee ugu dhaqaale xoogan Caalamka — haddii ay heshiiyaan, waxay macnaheedu tahay in dhaqaalaha adduunka uu heli karo xasillooni, kalsooni, iyo horumar waara.
Sida uu yiri Xogayaha Maaliyada Maraykan Mr. Bessent:
“Marka labada dal ee ugu awoodda badan dunida ay is-fahmaan, dunida oo dhan way faa’iideysaa.”
Maalmaha soo socda ayaa noqon doona kuwo go’aaminaya mustaqbalka ganacsiga caalamka.


