Warbixin cusub oo kasoo baxday shirkadda falanqeynta xogta suuqyada ee Santiment ayaa muujisay kala duwanaansho ballaadhan ee u dhexeeya dhaqdhaqaaqa maalgashadayaasha waaweyn ee Bitcoin iyo kuwa yaryarka ah. Falanqaynta xogtaasi waxay muujisay in maalgashadayaasha waaweyn ee suuqyada sida “whales-ka” ay si joogto ah u urursanayaan Bitcoin, halka shaqsiyaadka jeebkooda ay lacag yar ku jirto xaalad iibin joogto ah ay galeen. Waxaa la isweydiin karaa: maxay tani ka dhigan tahay? Ma waxay calaamad u tahay kor u kac dhow ama hoos u dhac suurtagal ah?
Urursashada Waaweynka ee BTC oo Sare U Kacday
Warbixintu waxay sheegtay in maalgeliyeyaasha haysta inta u dhaxaysa 10 ilaa 10,000 BTC ay muddo lix toddobaad ah — laga bilaabo March 26keedii ilaa horraanta May 2025 — urursadeen qiyaastii 81,338 Bitcoin, taasoo u dhiganta kor u kac dhan 0.61% marka loo eego wadarta guud ee ay hore u haysteen. Santiment waxay tilmaantay in ururintan joogtada ahi ay muujinayso kalsooni sare oo ay qabaan maalgashadayaasha waaweyn oo ku saabsan suurtogalnimada in qiimaha Bitcoin uu gaaro heerka la filayo ee $100,000.
Daneeyayaashan waa kuwa ugu saamaynta badan suuqa crypto, waxaana dhaq-dhaqaaqyadooda laga dheehan karaa xasillooni iyo istiraatiijiyad fog. Haddii ay urursanayaan, tani waxay astaan u noqon kartaa in ay filayaan qiimo sare oo muhiim ah.
Maalgashadayaasha Yaryar oo Bilaabay Iibin
Dhanka kale, akoonnada yaryar ee haysta wax ka yar 0.1 BTC (qiyaastii ka yar $10,000) ayaa muddadaas iibiyay 290 Bitcoin, taasoo muujinaysa daciifnimo ama kalsooni la’aan ka jirta qaybta retail-ka. Santiment waxay tilmaantay in iibkaas uu u muuqdo mid ay sabab u tahay cabsi ama caajis, iyadoo suuqu in muddo ahba xasiloon yahay oo uusan kor u kicin si degdeg ah.
“Marka akoonnada waaweyn ay si tartiib ah u urursadaan halka kuwa yaryar ay iibinayaan, waa astaanta ugu cad ee kor u kac muddo-dheer ah laga filan karo,” ayey Santiment ku tidhi qoraalkeeda ay ku baahisay baraha bulshada 6-da May.
Heerarka Qiimaha Bitcoin
Tan iyo 26-kii March2025, qiimaha Bitcoin wuxuu u dhexeeyay inta u dhaxaysa $76,273 iyo $96,870, iyadoo waqtiga aan daabacnay warbixintan uu qiimuhu joogo $96,360, sida aan ka soo xigannay CoinMarketCap. Waxa la og yahay in qiimaha Bitcoin uusan wali gaadhin heerka muhiimka ah ee $100,000 tan iyo 1-dii February 2025, markii uu hoos uga dhacay kadib markii Madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay canshuuro cusub.

Qiimaha BTC ay joogto waqtiga aan soo qorayno maqaalka xigasho:- CoinMarketCap
Tani waxay sidoo kale sababatay dib u dhac iyo xasillooni dheraad ah oo ku timid suuqa, taasoo keentay in maalgeliyeyaasha yaryar ay niyad jabaan, halka kuwa waaweyn ay fursad u arkaan inay sii urursadaan.
ETF-yada Bitcoin oo Helaya Maalgelin Xooggan
Warbixintu sidoo kale waxay xustay in ETF-yada Bitcoin ee suuqyada(spot ETFs) gaar ahaan kuwa Mareykanka ay uruursadeen $4.41 bilyan tan iyo 26-ka March. Tani waxay caddeyn u tahay in maalgelin ballaadhan ay wali ku socoto Bitcoin, gaar ahaan iyada oo loo marayo aaladaha maalgashiga ee sharciyeysan.
ETF-yadu waxay u oggolaanayaan maalgashadayaasha (sida hay’adaha maaliyadeed iyo ganacsatada caadiga ah) in ay si fudud oo sharciyeysan u maalgashadaan Bitcoin, taasoo sare u qaadaysa kalsoonida guud ee suuqyada.
Xaaladda Guud ee Suuqa: Bitcoin Weli suuqa way hoggaaminaysaa
Marka la eego TradingView, saamiga Bitcoin ee guud ahaan suuqa crypto (market dominance) ayaa gaaray 65% — heerkii ugu sarreeyay tan iyo January 2021. Tani waxay caddeyn u tahay in maalgelinta badan ee hadda socota ay si toos ah ugu wajahantahay Bitcoin, halkii ay altcoins kale u leexan lahayd.
Sida laga helay CoinMarketCap, index-ka “Altcoin Season” wuxuu wali muujinayaa “Bitcoin Season”, taasoo tilmaamaysa in suuqgu wali ku jiro marxalad uu xoogga saarayo Bitcoin, halkii laga sugayay wareeg cusub oo altcoins ah.
Aragtiyada Falanqeeyayaasha: Kor u kac Mise hoos u dhac?
Falanqeeyayaal badan ayaa saadaalinaya in Bitcoin ay gaari karto heerar cusub oo taariikhi ah dhamaadka bisha June, haddii ay sii haysato heerka muhiimka ah ee $95,000. Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaasha shirkadda Bitfinex ayaa ka digaya in haddii Bitcoin uu hoos uga dhaco $95,000, uu wajihi karo hoos u dhac kale oo daran.
Tani waxay ka dhigaysaa heerarka hadda jira kuwo “go’aamiye ah”, halkaas oo suuqgu u baahan yahay in uu si cad u muujiyo jihada uu qaadayo.
Our Courses
- Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
- Forex Trading A-Z Af-soomaali
- Website Design WordPress.
- Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
- Dropshipping Mastery Course
- Somali alibaba Online Course
- MongoDB No-SQL Database
- Ultimate react JS course
- HTML and CSS beginner to advanced Course
- Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
- Facebook Ads (Digital Marketing).
- Somali Alibaba Online Course.
- Git and Github Course
- Modern Javascript master Course
- Graphic Design Course.
- Basic Computer and Office Mastery.
- Premiere Pro (Video Editing).
- Python for beginners
- Blogging & Monetisation(WordPress).
- E-commerce Course.
- Tailwind CSS modern Course.
Our Services
- Website Design
- Business Consulting
- Digital Marketing