Waa maxay AI Coins?
Ai Coins waa nooc ka mid ah lacagaha Digital-ka (Cryptocurrencies) waxaana loo adeegsadaa in lagu taageero ama lagu meel galiyo adeegayada Madal Ai tusaale mashruuc doonaayo inuu ka shaqeeyo Ai ama lagu sameeyo tokens Ai ah sida Virtual Protocol, waxaa sidoo kale lagu helaa qaab free ah hadii laga qayb qaato madal bixiso adeeg Ai sida samaynta sawiraan macmal ah, hadii ay Crypto ku soo biirto dadkii madashaas Accounts ku lahaa waxay heli karaan Token free ah.
Ai waxay ka caawisaa technologiyada Blockchain inay noqoto xogta lagu keediyo mid hufan oo si fudud loo heli karo waxaana Mustaqbalka la rajeenayaa labadaan technlogiyadeed inay nidaamka maaliyadda wax badan ka badeli doonaan
Sidee ayey u Shaqeeyaan AI Coins?
Ai coins waxaa loo adeegsadaa in lagu bixiyo adeeg madal AI ku dhisan Blockchain ama lagu qayb qaato mashruuc Crypto tusaale sida Ai coins loo isticmaal:
Madal Ai ku dhisan Blockchin ayaa doonaysaa inaad ka hesho adeeg ay bixiso tusaale in ay kuu sameeyo sawir sida ChatGPT oo kale, marka ay kuu qabato shaqadaas waxaad bixinaysaa Token Crypto ah halkii aad ka bixin laheed lacag caadi ah adigoo isticmaalayo master card kaaga, marka aad bixiso lacagata xogtaada waxaa lagu keedinayaa Blockchain, barnamijyada waa kuwa decentralized oo majirto cid maamusha iyo Server dhexe oo keediyo xogta isticmaalayaasha.
10-ka Lacagood Ugu Caansan Ai “AI Coins”
Waa kuwan 10-ka ugu caansan Ai Coins
1. Singularity NET (AGIX)
2. Fetch.ai (FET)
3. Render (RNDR)
4. Ocean Protocol (OCEAN)
5. The Graph (GRT)
6. Numerai (NMR)
7. Cortex (CTXC)
8. Velas (VLX)
9. DeepBrain Chain (DBC)
10. IExec RLC (RLC)
Sidee Loo Maalgashtaa AI Coins?

Waa kuwan talaabooyinka ugu muhiimsan looga baahan yahay qofka raba inuu maalgashado Ai Coins.
Tallaabada 1aad: Baro Aasaaska Crypto, AI iyo Blockchain
Kahor intaadan bilaabin maalgashan Ai coins, Waa muhiim in aad fahanto:
– Waa maxay cryptocurrency? Waa Maxay Blockchain?, Waa maxay Ai?
– Sidee buu u shaqeeyaa blockchain?
– Maxaa loo adeegsadaa lacagaha Ai “Ai Coins?
– Maxay tahay xariirka ka dhaxeeyo Ai iyo Blockchain?
Tallaabada 2: Samee Baaritaan kuu gaar ah (Do Your Own Research – DYOR)
– Ha ku deg-degin iibsashada mashruuc Ai coin. Balse is waydii Su’aalahaan
– Mashruucani muxuu xalinayaa?
– Kooxda ka dambeysa mashruuca miyay khibrad u leeyihiin Ai?
– Yaa maalgeliyay?
– Sidee ayay community-ga taageersan mashruuca u maalgashtaan?
– Blockchain-ta uu adeegsado waa noocee?
Tallaabada 3: ka samayso Account Suuqa Crypto
Waxaad u baahan tahay in aad iska diiwaangeliso suuqyada crypto laga helo Ai Coins sida:
- Binance
- KuCoin
- Coinbase
- OKX
- Gate.io
- Bybit
- Lbank
Markaad ka samaysato Account bilaaw maalgashigaaga Ai coins
Tallaabada 4aad: ku ilaalso Lacagta Ai aad maalgashatay Boorso digital ah “Wallet”
Samayso wallet taageero lacagta Ai kuu maalgashan tusaale hadii uu ku dhisan yahay Ethereum Blockchain waxaad u baahan tahay MetaMask Wallet, hadii lagu sameeyay Binance Smart Chain waxaad ku kaydsanaysaa Trust Wallet.
Tilaabada 5aad: Kala-Qaybi Maalgashigaaga (Diversification)
Ha gelinin lacagtaada oo dhan hal Ai coins.
Tusaale: samee sidaan:
– 30% AGIX
– 25% FET
– 20% RNDR
– 15% OCEAN
– 10% DBC
Tilaabada 6aad: La Soco Wararka Suuqa iyo Horumarka Mashruuca uu sameeyaanyo
Waxaad u baahan tahay inaad adeegsato platform’s laga helo wararka suuqa Waa kuwaan 5-ta laga helo wararka u dameeye ee Suuqa Crypto
- Gelle Crypto:- waxaad ka helaysaa wararka suuqa Crypto iyo Aqoontiisa iyadoo Somali ah maalin waliba
- Coin telegraph
- Bitcoin Magazine
- Blockchain News
- Crypto News
Tilaabada 7aad: la Soco maalgashigaaga oo adeegso madalaha laga helo xogaha lacagaha Crypto iyo falanqaynta Suuqa waxaa si gaar ah u la socon karaa Sector Ai Coins
Waa kuwaan 5-ta ugu caansan ee lagu adeegsiga badan yahay
- CoinMarketCap
- CoinGecko
- Token Metrics
- Trading View
- Crypto Bubble
Maxay diinta Islaamka ka qabtaa maalgashiga Ai Coins?
In lagu sameeyo Maalgashi Ai Coin ay leedhay madal bixiso adeego ku salaysan Ai waxuu noqon karaa mid banaan hadii mashruuca Ai uu leeyahay hadaf sax ah uuna bixiyo adeeg ay ogashay shareecada Islaamka loo adeegsado Coin-ka uu leeyahay wax aan ku shaqo laheen ribo, qamaar ama aan lagu taageerin mashruucyo ka shaqeeyo wax Diinta Islaamka ogalayn.
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency