">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Weerar Madaxweyne ku qaada madax-bannaanida Fed-ka waxay gelin kartaa suuqyada crypto xaalad cusub — waxaana suuragal ah inay ku soo celiso suuqa bartii asalka u ahayd bilawga cryptocurrency.

Bilihii la soo dhaafay waxaa jiray fal soo noqnoqday oo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa qaadayey tallaabooyin dhaawacaya dhaqaalaha Mareykanka, taasoo keentay in suuqyada caalamku ay hoos u dhacaan. Markaas Trump wuxuu u jeedsaday Jerome Powell, Guddoomiyaha Federal Reserve, isaga oo ka dalbanaya inuu hoos u dhigo Federal Funds Rate — heerka dulsaarka. Powell oo aan jixinjix lahayn ayaa ugu jawaabay, “Maya”.

Trump wuxuu doonayaa in heerka dulsaarka la dhimo sababtoo ah arrintaas waxay dhaqaalaha Maraykanka siisaa kicitaan maaliyadeed oo degdeg ah, taasoo kor u qaadaysa suuqyada caalamiga ah.

Trump wuxuu aaminsan yahay in tani ay ka dhigi doonto mid guulaysta oo muuqda. Dhanka kale, Powell wuxuu doonayaa inuu raaco tallaabooyinka adag ee cilmiga dhaqaalaha si uu si taxaddar leh u ilaaliyo labada ujeeddo ee Fed-ka oo kala ah badbaadinta shaqo-abuurka iyo xasilinta qiimaha badeecadaha.

Sidoo kale, Powell wuxuu doonayaa inuu ilaaliyo madax-bannaanida Fed-ka oo ka madaxbannaan cadaadiska siyaasadeed, sidoo kalena uu dhowro sumcadda madax-bannaanida Fed-ka. Haddii suuqyada maaliyadeed ay aaminaan in madax-bannaanidii bangiga dhexe ee Mareykanka la burburiyey, waxaa adkaan karta in Mareykanku iibiyo Treasury Bills-kiisa (deynta qaran ee Maraykanka).

Taasi waxay keeni kartaa dhibaato weyn sababtoo ah dowladda Mareykanka waxay horeyba loogu lahaa deyn aad u badan oo gaadhaysa $30 trillion, taasoo ay tahay inay si joogto ah u celiso7.

Haddii ay khasab ku noqoto inay deynta dib u maalgeliso iyadoo sicir barar sare ku jirta sababtoo ah suuqyada oo aaminayn dowladda, markaas qayb aad u weyn oo GDP-ga ah ayaa lagu bixin doonaa kaliya ribada deymaha.

Taas ayaa inoo keentay xaaladda hadda jirta. Toddobaadkii hore, Trump marar badan ayuu muujiyey inuu doonayo inuu ceydhiyo Powell, taasoo suuqyada si xun u saameysay. Isniintii, Trump wuxuu keenay burbur suuqeed isagoo Powell ku tilmaamay “qof guul-darreystay” boggiisa Truth Social.

Sida warbixinnadu sheegayaan, Wasiirka Maaliyadda ee Maraykanka Scott Bessent ayaa ka walaacsanaa khatarta ay leedahay in la eryo Powell, wuxuuna la hadlay Trump. Ilaa hadda, Trump wuxuu u muuqdaa inuu ka laabtay qorshihiisii, isagoo Talaadadii sheegay inuusan eryi doonin Guddoomiyaha Fed-ka.

Sawir Trump iyo Powell 2017 xigasho: Trouw

Si kastaba ha ahaatee, hannaankan wuxuu u muuqdaa mid isu beddelay jaahwareer, waxayna dadyowga la socda suuqa maaliyadeed si taxaddar leh u sugayaan waxa xiga. Taas waxay dhalinaysaa su’aal ah Haddii Trump ugu dambeyn u hoggaansamo dareenkiisa hoose oo uu eryo Powell, maxaa dhici doona? Gaar ahaan, maxay noqon doontaa saameynta arrintaasi ku yeelan doonto warshadaha cryptada?

Kala dirista Fed-ka

Waxaa mudan in la xuso in madaxweynuhu uusan si fudud u eryi karin Guddoomiyaha Fed-ka. Qodobka 10aad ee Federal Reserve Act ee 1913 la dhigay wuxuu sheegayaa in “xubin kasta uu xilka hayo muddo afar iyo toban sano ah laga bilaabo dhammaadka xilligii ka horeeyey, haddii uusan madaxweynaha eryin sababo cad awgeed.”

Luqaddan waxaa laga yaabaa inay u muuqato mid madmadow ku jiro, balse maxkamadda sare ee Maraykanka waxay 1935kii kiiskii Humphrey’s Executor v. United States ku go’aamisay in dastuurka uusan siin madaxweynaha awood aan xadidnayn oo ku saabsan eryidda, sidaas darteed awoodda madaxweynaha ee eryidda waxaa xaddidaya sharciga.

Go’aankan wuxuu xaqiijiyay fikradda ah “hay’adaha madax-bannaan,” inkasta oo ay ku jiraan faraca fulinta ee dowladda, haddana haystaan awood madax-bannaan.hay’ado badan ayaa leh astaantan, sida SEC, Commodity Futures Trading Commission iyo Federal Trade Commission, laakiin Fed-ka ayaa ah kuwa ugu muhiimsan.

Suuqa crypto iyo suuqyad kale ee caalamiga ahba waxbaa karsamaya ee bal aan sugno waxa miiska la inoo soo saaro!

Our Courses

  • Cryptocurrency Course bilaw ilaa dhamaad.
  • Forex Trading A-Z Af-soomaali
  • Website Design WordPress.
  • Cisco Certified Network Associate (CCNA 200-301)
  • Dropshipping Mastery Course
  • Somali alibaba Online Course
  • MongoDB No-SQL Database
  • Ultimate react JS course
  • HTML and CSS beginner to advanced Course
  • Video Editing in CapCut Desktop + Mobile.
  • Facebook Ads (Digital Marketing).
  • Somali Alibaba Online Course.
  • Git and Github Course
  • Modern Javascript master Course
  • Graphic Design Course.
  • Basic Computer and Office  Mastery.
  • Premiere Pro (Video Editing).
  • Python for beginners
  • Blogging & Monetisation(WordPress).
  • E-commerce Course.
  • Tailwind CSS modern Course.
Our Services
  • Website Design
  • Business Consulting
  • Digital Marketing

Leave a comment