Meme coins waa lacago ka mid ah lacagaha cryptocurrencies-ka, kuwaasoo ujeedkooda ama ujeedka loo curiyay ay tahay madadaalo.
Meme coins-ku badanaa waxay ku salaysan yihiin hal-ku-dhigyo (memes – sida magacooda ka muuqataba), ama dhacdooyin caan ka noqda internet-ka dhexdeeda.
Meme coins-ku waa qayb ka mid ah lacagaha loo yaqaan cryptocurrencies-ka, waxaana ugu caansan Dogecoin.
Lacagahaas waxaa inta badan loo isticmaalaa hab maalgashi, waxaana badanaa maalgashata bulsho taageersan aragtida uu ku dhisan yahay meme coin-ku, bulshadaasoo ku kulanta ama ku xidhan baraha bulshada.
In kasta oo meme coins ay leeyihiin faa’iidooyin iyo madadaalo, haddana waxaa jira khataro iyo caqabado la xiriira, oo mararka qaar ama badanaa ka baaxad weyn faa’iidada.
Qiimaha meme coins-yada ayaa si aad ah isu bed-bedela, taasoo maalgashiga ka dhigaysa mid aad u khatar badan.
Intaa waxaa dheer, meme coins-ku badanaa ama gabi ahaantood ma lahan wax qiimo dhab ah, halka qaarkood kalena laga yaabo inay lahayn hormar ama jidhitaan waara, taasoo muujinaysa khataraha ay meme coins-ku la sii gaar yihiin.
Akhristoow, wakhti xaadirkan waxaad awoodaa inaad wax 10 daqiiqo ka yar aad ku curiso meme coin, waa hadii aad xoogaa aqoon durugsan u leedahay sida ay u shaqeeyaan tokens-yada, iyo si guud cryptocurrency.
Hagaag, hadii aad xiisaynaysid barashada cryptocurrency bilaw ilaa dhamaad, oo ay faham yari kaa haystato ama si guud aad tahay qof aan gabi ahaantiiba aqoon u lahayn, waxaynu kuu diyaarinay koorso kaa haqab tiraysa baahidaa ah aqoon yarida.
Koorsadani waxaynu ugu talagalnay qof kasta oo bilaw ku ah, ama dhexdhexaad ku ah lacagahan loo yaqaan “cryptocurrency”, isla mar ahaantaana doonaya inuu suuqan ku soo biiro, oo uu maalgashto, ama ugu yaraan uu faham buuxda ka qaato.
Koorsadani waxay kuu ballan qaadaysaa barashada iyo hormarinta aqoontaada maaliyadeed, gaar ahaan “cryptocurrency”, iyadoo dhisaysa xirfadahaaga iyo farsamooyinkaaga, isla mar ahaantaana ku baraysa wax kasta oo ku saabsan “cryptocurrency”, bilaw ilaa dhamaad.
Xooji oo dhis aqoontaada maaliyadeed, gaar ahaan lacagahan loo yaqaan “cryptocurrency”, oo ku soo biir koorsadeenan la magac baxday “crypto bilaw ilaa dhamaad, af:somali”.
Booqo website-keena ah “gellecrypto.com”, oo halkaa iska diiwaan gali, ama nagala soo xidhiidh whatsapp numberkeenan ah +252-90-432-1044, oo bilaw safarkaaga cusub ee ku aadan barashada cryptocurrency.