">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Cryprography waa field wayn ee loo adeegsado qarinta siraha xogta waxayna lee dahay qaybo kala duwan, qayb waliba waxay ku xeran tahay qaabka loo adeegsado iyo xogta la doonaayo in lagu qariyo.

Qaybaha ugu muhiimsan Cryptography ahna kuwa ugu caansan ee la adeegsado waxaa kamid ah:

  1. Symmetric key Cryptography waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Secret key, waxaa la isticmaalaa qaybtaan hal fure kaasoo loo adeegsado in lagu qariyo laguna soo bandhigo xogta, labada qof ay is dhaaafsanaayo fariinta sirta ah waxay kaliya adeegsadaan hal fure “One private key” waxaa la adeegsadaa Algorithms iyo Mathematical complex si loo qariyo xogta loona ilaalsho amnigeeda, algorithms-yada la adeegsado waxay kala yihiin AES- Advanced Encryption Standard, waa nidaam casri ah lagu qariyo fariinta xogta iyadoo hal fure la isticmaalaayo waxaa adeegsado plattforms waa wayn sida Whats app iyo Messenger. DES- Data Encryption Standard waxaa loo adeegsadaa in lagu qariyo xogaha Database yada gaar ahaan Bulk Data, xogaha waa wayn. 3DES-Triple DES waxay la mid tahay habka DES balse marka la isticmaalaayo VPNs ka waxaa xogta qariyo nidaamkan 3DES ka. RC4 waa hab kale oo loo isticmaalo hanaankaan Encryption in lagu qariyo siraha fariimaha iyadoo hal fure la adeegsanaayo, xogaha WIFi-yada iyo IP Addresska waxaa lagu qariyaa xogtooda hanaankaan.
  2. Asymmetric Cryptography waa qaybta lagu adeegsiga badan yahay cryptography loona isticmaalo cryptocurrency waxay leedahay qaybtaan labo fure Public key iyo Private Key, furaha Public waxaa lagu qariyaa xogta Encrypted halka furaha Private lagu bandhigo Decrypt xogta si aan loo ogaan fariinta ay xambaarsantahay, waxay qaybtaan leedahay hanaan Algrothims u gaar ah taasoo suurta galiso in siraha xogta lagu qariyo waxaa ka mid ah Riverst shimir Adleman loo soo gaabiyo RSA waxaa adeegsada website-yada si loo hubiyo in xogta ka dhaxeeso isticmaalaha iyo server-ka lagu keediyo xogaha isticmaalayaasha ay tahay mid secure ‘amni’ ah aan hackers soo weerari karin.  ECC-Elliptic Curve Cryptography, waa hanaan algorithm kale oo ka tirsan Asymmetric cryptography waxaa isticmaala cryptocurrency gaar ahaan Wallets ‘Boorsooyinka crypto’ oo marka qof cusub iska diwaan galiyo waxay siiyaan labo fure oo kala ah Public key iyo private key, furaha Public waa midka aad dad kale u share garayso si ay Crypto kugu soo diraan halka furaha kale aad ku maamulato boorsadaada digitaalka, hadii lagaa ogaado waa side adigoo uu kaa lumay furaha aad ku furan laheed qasnadaada oo qofkii helo waxuu awood u leeyahy inuu furto. DSA-Digital signature algorithm waxaa loo isticmaalaa saxiixyada dijitaalka gaar ahaan marka wallet-yada laga diraayo crypto waxay adeegsadaan DSA algrothim si ay hubiyaan qofka diraayo lacagta inuu yahay qofka iska leh wallet-kaas.
  3. Hash function, waa qayb cusub oo ku soo koradhay Field-ka Crpytography gaar ahaan modern cryptography waana in la qariyo xog waliba iyadoo loo badelaayo Fixed size, cabir go’an aan wax laga badeli karin tusaale xog gaaban magac Bitcoin ama xog dhamaystiran sida document ka kooban 10 page iyo ka badan markad adeegsato algrothim tool si aad ugu qariso xogta, sida SHA-256 waxuu kuu soo bandhigayaa xogtii oo la qariyay taasoo ka kooban 64 charrector iskugu jidho xarfo iyo numbers, waxaa ka mid ah algrothims-ka loo adeegsado SHA-2 family oo ka kooban SHA-256, SHA-512, SHA-3, MD5 iyo RIPMED.
  4. Hybrid Cryptography, waxay qaybtaan isku dartaa Symmetric Key iyo ASymmetric key Cryptography taasoo ka dhigayso xogta mid amaan sare leh maadaamo la adeegsanaayo labada hannan cryptography ugu caansan oo markii xogta lagu sameeyo encryption suurta gal ma noqonayso in waxyar laga ogaado maadaama la isticmaalay saddex fure labo private key iyo hal Public key, waxaa adeegsado hanaankaan website-yada si xogtooda ay u noqoto mid qarsoon aan la jabin karin habkaan SSL/TLS protocol ee loo sameeyo website-yada waxay ka caawiyaan in isticmaalayaasha xogtooda ay noqoto mid encrypted ah sida user iyo password-yada ay ku galaan mareegta, Blockchain-ada waxay adeegsadaan hybrid Cryptography waxaa ka mid ah kuwa adeegsada Bitcoin Blockchain< Ethereum Blockchain, Zcash, polkdot, Algorand, Avalanche iyo  Oasis Network.
  5. Quantum Cryptography, waa qayb cusub oo ka awood badan kuwa ka horeeya waxay ku dhisan tahay qaybtaan quantum computing oo ah nooc cusub computers oo la rajeynaayo mustaqbalka inay soo baxaan kuwaasoo hadda tijaabadooda socoto waxay adeegsadaan hanaanka Qubits oo ah 0 iyo 1 hal amar wada aqbali karaan halka computerada aynu maanta adeegsano ay ku shaqeyaan Bit oo ah 0 ama 1 inay midkood aqbalaan, marka quantum cryptography way ka amaan sareen doontaa qaybahaan kale oo xaogta lagu qariyo waxay noqon doontaa mid aan la jibin karin iyadana waxaa lagu ogaan karaa xogo kale oo qarsoon encryption.   

Halkaan ka baro coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad

Leave a comment