Waa Maxay DeX-Decentralized Excahnge?
Decentralised Exchange: waa suuqyo aan lahayn cid dhexe oo maamusho ‘central authority’ taasoo sahleyso in isticmaalayaasha si toos u kala iibsan karaan lacagahooda digitalka ee crypto “peer-to-peer”, waana suuq furan oo qofka isaga ayaa masuul iska eh, mana haboono inay isticmaalaan dadka ku cusub suuqaan, maxaa yeelay waxa ay u baahn yihiin aqoon iyo xirfad aad u sarayso, wayna adagtahey hadii suuqaan wax lagaaga dhaco ama ay wax kaa qaldamaan in la ogaado oo laguu soo celiyo.
Si uu qofka u isticmaalo suuqyadaan uma baahno inuu buuxiyo wax sharci ah sida ‘KYC’ oo xogtiisa shaqsiyeed maba loo baahno, waana suuqyada dhabta ah ee crypto lagu tala galay, maadaamo crypto ay tahey ‘Decentralised’ lacago ka madax banaan cid dhexe, ‘middleman’ sida banki ama dowlad labada qof wax isdhaafsanaayo.
Waxaa muhiim ah qofka doonaayo inuu isticmaalo suuqyadaan inuu yaqaano qaabka ay u shaqeeyaan Smart contract- yada,walllet-ska iyo chains-ka kala duwan maadaama qofka wixiisa isaga maamulkeeda u madax banaan yahey mana jirto meel dhexe wax lagu kaydinaayo oo labada qof wax is dhaafsanaayo waxaa fududeynaayo liquidity provider qof walibana waxa uu doonaayo in uu suuqa ku galo waxay ugu kaydsantahey ‘wallet’ boorsadiisa ku xeran Dex-ga ‘suuqa uu isticmalaayo sida Uniswap’.
Suuqyadaan Dex-ga waxay u shaqeeyaan labo qaab oo kala ah AMM-Automated Market Maker iyo Order Book Dex,
Dex-yada adeegsado hanaanka ‘AMM’, waxay u sahlaan in isticmaalayaashu ay dhigtaan lacagahooda ‘liquidity pools’ si ganacsiga u fududaado labada qof tokens is dhaafsanaayo, waxaana la yiraahdaa qofka buyer-ka ay dhiganaayo lacagta si uu token u helo ‘liquidity provider’. Waxaa ka mid eh suuqyadaan Uniswap, Panckswap iyo SushiSwap.
Dex-yada isticmaalo ‘Order book Dex’ waxay u shaqeyaan qaabka suuqyada caadiga ah sida Binance iyo Coinbase, waana in isticmaalayaashu ay dalab wada dhigtaan ‘buyers & sellers’. Waxaana ka mid ah suuqyadaan DYdX, IDEX.
Faa’idooyinka iyo Qasaaraha ay lee suuqyadaan Dex-ka
Faaidooyinkooda waxaa ka mid ah
- Waxaad ka haleysaa coins-ka cusub inta aysan imaan suuqyada Cex, hadii aad iibsato project macquul ‘use case’ leh ka hor inta aan la kayn suuqyada la maamulo sida Binance uu tago qiimo sare waxaad ka helaysaa faa’ido badan sida inuu kuu sameeyo 50x,70x ilaa 100x.
- Waxaad u madax banaantahey maamulida hantidaada, suuqyadaan waxay ku siinayaan xoriyad buuxdo kumana waydiinayaan xogtaada shaqsiyeed.
- Waxaa aad u sareeyo amnigooda, qofka aqoonta buuxe u leh suuqayadaan laguma dhici karo, mana jirto hanti kaydsan oo hackers soo weeraraan.
Qasaaroyinkiisa waxaa ka mid
- Way adagtahey in la isticmaalo, suuqyadaan dadka ku cusub crypto uma sahlano inay adeegsadaan maxa yeelay hadii ay wax kaa qaldamaan ma jirto cid ay u raadsanayaan qof aan fahansanayn sida ay u shaqeyaan chains-ka, Smart contractiyada, iyo wallet way ku adagtahey inuu isticmaalo.
- Feegooda oo aad qaali u ah, suuqyadaan waxay leeyihiin fee aad u badan gaar ahaan, gaar ahaan Dex-yada ku dhisan Ethereum.
- Dhaq-dhaqaaqa ganacsigooda uma sareeyo sida suuqyada caadiga ah, maadaama aysan jirin ‘asset’ hanti gaydsan oo labada qof si toos wax isku dhaafsanaayo waxay u baahanyihiin liquidity pool.
10- ka Exchange ugu fiican suuqyada Dex-ga
- Uniswap, suuqaan waxaa iska leh Ethruim, waxuuna taageraa dhamaan tokens lagu dul dhiso Ethrium Network ‘ERC-20’ waxuuna leeyahey liquidty sare.
- PancakeSwap (CAKE), Waxaa iska leh suuqaan Binance, waxuunaa taageera tokens-ka lagu dul dhiso Bep-20 ‘BSC’ feega uu qaadana wuu ka yaryahey Dex-yada hoos tago Ether.
- Curve Finance (CRV), suuqaan waxuu taageraa in lagu kala badesho stable coins-yada sida USDT iyo USDC, waxuuna leeyahey Slipage aad u hooseeyo, waaxana u adeegsan kartaa in aad SWAP dhahdo coins-ka ‘isku kala badeshato.
- SushiSwap (SUSHI), waa suuq ka faracmay Uniswap, waxa uuna bixiyaa adeegyo dheeraad ah sida Staking iyo yield farming waana xaaraan, waxuuna taageeraa tokens ku dhisan ERC-20.
- 1inch, waa suuq ‘Dex aggregator ah’ waxuuna isku xeraa suuqyada ‘Defi-Decentralized finaance’ waxaana laga helaa tokens badan, waxaa loo adeegsan karaa ‘Cross-chain SWAP’.
- Raydium, waxuu ku dhisan suuqaan Block chainta Solana waxuuna bixiyaa fursado badan marka la isticmaalaayo suuqaan waxuu leeyahey liquidity aad u sareyso oo way fududahey in token la isku dhaafsado waxuuna taageeraa dhamaan tokens-yada lagu dhiso block-chainta Solana.
- Jupitor, waa suuq kale oo ku dhisan solana Block chain waxuuna isku xeraa suuqyada Dex-siga ku dhisan shabakada Solana Blockchain marka la isticmaalaayo suuqaan waxaa muhiim ah in lagu xero wallet ay solana taagerto sida phantom.
- Orca, waa suuq kale ku dhisan Block chainta Solana dadka rabo in ay isticmaalaan suuqyada Dex-ka midkaan ayaa u fudud isticmaalkiisa waxa uuna qaadaa fee yar.
- ThorChain (RUNE), waa suuq loo adeegsado in lagu kala badesho asset hanti kala duwan isticmaalayaasha suuqaan waxay awood u leeyihiin inay u adeegsadaan Cross chain kala bedashada Coins iyo Token Blockchains kala duwan ku dhisan sida Eth, BTC, Sol, LTC, iyagoo aan u baahaneyn Wrapped token token matelaayo shayga aad wax ku badalaneysid tusaale WBTC.
- Dydx, waa suuq ku dhisan Ethereum Block chain layer 2, waxaana loo adeegsadaa perpertual contract, margin trading iyo yield farming waana xaaraan in laga ganacsado suuqaan.
Halkaan ka aqriso qaybtii 1aad: https://gellecrypto.com/waa-maxay-crypto-exchanges-centralized-exchange-vs-decentralised-exchange/
Halkaan ka baro Coursada Crypto bilaaw ilaa dhamaad