Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Ripple Labs, oo ah mid ka mid ah hormuudka tiknoolajiyadda lacagaha dhijitaalka ah (blockchain payments), ayaa ku dhawaaqday iskaashi muhiim ah oo ay la sameysatay Bahrain Fintech Bay, si ay u taageerto kobaca iyo horumarka ecosystem-ka hantida dhijitaalka ah ee dalka Bahrain. Tallaabadan cusub waxay ujeedadeedu tahay in la xoojiyo hal-abuurka iyo horumarinta adeegyada maaliyadeed ee ku dhisan blockchain-ka, taasoo ka dhigaysa dalka Bahrain xarun muhiim u ah fintech gobolka Khaliijka ah.

Muxuu yahay ujeedada iskaashigaan ay galeen Ripple iyo Bahrain Fintech Bay?

Iskaashigan ayaa lagu sheegay inuu diiradda saarayo dhowr qodob oo muhiim ah:

  1. Kobcinta hal-abuurka – In la abuuro jawi fududeynaya in shirkadaha iyo hal-abuurayaasha fintech ay horumariyaan xalal cusub oo ku saleysan blockchain iyagoo adeegsanaya Riple Bockchain.
  2. Tababaro iyo cilmi-baaris – Ripple waxay wada shaqeyn la samayn doontaa machadyada waxbarasho iyo hay’adaha dowladda Bahrain si loo bixiyo aqoon iyo xirfado ku saabsan isticmaalka hantida dhijitaalka ah.
  3. Xoojinta nidaamka sharciyeed ee crypto – Bahrain ayaa horey u ahayd mid ka mid ah dalalkii ugu horeeya ee Khaliijka dejiyo sharciyo cad-cad oo ku saabsan hantida dhijitaalka ah (Cryptocurency), waxaana iskaashigan lagu xoojin doonaa nidaamkaas.

Mas’uuliyiinta Ripple waxay sheegeen in iskaashigan uu qayb ka yahay dadaalka shirkadda ee lagu ballaarinayo adeegyada blockchain-ka ee caalamka, gaar ahaan Bariga Dhexe, halkaas oo daneyn xoog leh laga muujinayo teknoolojiyadda lacagaha dhijitaalka ah.

Hashiiskaan ka hor waxaa jiray heshiis hore ay wada-galeen Dowlada Imaaraat-ka Carabta iyo Ripple Labs kaas oo ku kacaayi hanti ka badan 100 billion.

Xaaladda suuqa qiimaha XRP oo hoos u dhacay 6% bishii la soo dhaafay

Inkasta oo warka iskaashigan uu yahay mid wanaagsan, haddana qiimaha XRP – oo ah hantida dhijitaalka ah ee Ripple – ayaa la kulmay hoos u dhac qiyaastii 6% ah bishii la soo dhaafay.
Warbixinnada suuqa ayaa muujinaya in maalgashadayaal waaweyn (whales) ay iibinayaan in ka badan 440 milyan oo XRP tokens ah, taasoo keentay cabsi laga qabo in qiimaha uu si hoos u dhaco haddii cadaadiska iibka uu sii socdo.

Falanqaynta khubarada suuqa: Laba aragti oo is-khilaafsan

Khubarada falanqeeya suuqa Kiribta-ga ayaa isku khilaafsan halka uu gaari karo qiimaha XRP Token

  • Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha suuqa waxay saadaalinayaan in XRP uu mar kale gaari doono aagga muhiimka ah ee taageerada qiimaha ee ku dhow $2.72, taasoo haddii uu gaaro laga yaabo inay keento hoos u dhac dheeraad ah.
  • Dhanka kale, falanqeeyayaal ayaa rumeysan in XRP uu leeyahay awood uu ku gaaro koror cusub, gaar ahaan haddii iskaashiga Ripple iyo Bahrain uu dhaqan-galo. Saadaashaasi waxay tilmaamaysaa in XRP uu gaari karo rekoodh cusub oo ka sarreeya $4 bilaha soo socda.

Maxuu iskaashigaan kaga dhigan yahay mustaqbalka Ripple iyo Token-keeda XRP?

Iskaashiga Ripple iyo Bahrain Fintech Bay wuxuu calaamad u yahay in Ripple ay sii ballaarinayso saameynteeda caalamka, gaar ahaan suuqyada Carabta iyo Bariga Dhexe.
Haddii mashruucani uu guuleysto, waxa uu noqon karaa tusaale ay dalal kale raacaan, taas oo kordhin karta kalsoonida iyo isticmaalka tiknoolajiyadda Ripple ee xawilaadaha caalamiga ah.

Dhanka kale, suuqyada Kiribti-ga ayaa weli ah kuwo aad u kacsan (volatile), sidaa darteed qiimaha XRP wuxuu ku xirnaan doonaa dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

  • heerka kalsoonida maalgashadayaasha,
  • wararka iskaashiyada cusub,
  • iyo xaaladaha guud ee suuqa crypto.

Halkaan ka baron Coursada Cryptocurrency

Leave a comment