Saameynta heerka ribada oo hoos u dhaca ku leeyahay Bitcoin

Suleyman Tubeec

Sicir-bararka, wareegyada dhaqaale (Macro cycles) iyo labada door ee Bitcoin

Sicir-bararku wuxuu udub-dhexaad u yahay wareegyada dhaqaale ee casrigan. Markuu sicir-bararka sarreeyo, bangiyada dhexe waxay kordhiyaan dulsaarka, lacagaha ayay adkeeyaan, taasoo maalgashadayaasha ku riixda hantida ammaanka badan inay maalgashadaan. Markuu sicir-bararku hoos u dhaco, qulqulka lacagtu wuu kordhaa, rabitaanka khatartu loo badheedhana wuu soo laabtaa, suuqyaduna waxay dib ugu noqdaan koboc.

Xaaladdan, Bitcoin waxay ku leedahay laba door:

  1. Kayd qiime (store of value): oo ay taageerayaan tiradeeda go’an iyo jadwalkeeda soo saarista ama qodista (Mining) oo aan isbeddelin.
  2. Hanti tiknoolojiyadeed oo khatar sare leh: oo si xooggan ugu xidhan qulqulka suuqa, shucuurta maalgashadayaasha, iyo wareegyada khatarta (Risk cycles).

Xilliyada sicir-bararka hoos u dhacayo ayaa inta badan ah meeshii labada door ay iska dhex galaan ama isku waydaartaan iyadoo ku xidhan marxaladda wareegga dhaqaalaha.

Tusaalooyin taariikhi ah: Sida Bitcoin ay dhaqantay xilliyadii hore ee sicir-bararku hoos u dhacayay

2013–2015: Fikradda “Digital Gold

Ka dib korodhkii weynaa ee Bitcoin ee 2013kii, sicir-bararka aduunku hoos ayuu u dhacay, u badheedhidda khatartuna way daciiftay. Bitcoin waxay gashay xilli dheer oo suuq xasilloon ah (kor ama hoos dhanna uma dhaqaaqin). Maalgashadayaal badan ayaa bilaabay inay u arkaan Bitcoin sidii “dahab dhijitaal ah”. Qiimuhu dhaqaaq xooggan ma lahayn, laakiin fikraddan ah “dahabka dhijitaalka” way xoogaysanaysay.

2018–2019: Hay’adaha maaliyadeed ayaa soo galay suuqa

Ka dib bull run-kii 2017, sicir-bararku hoos ayuu u dhacay bangiyada dhexe ayaana adkeeyay siyaasadahooda. Bitcoin waxay ku jirtay suuq xasilloon, laakiin arrimo muhiim ah ayaa dhacay:

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

  • Hay’adaha Mareykanka waxay bilaabeen inay Bitcoin u arkaan hanti ka madax-bannaan suuqyada kale.
  • Adeegyo kayd iyo futures ah ayaa la bilaabay.
  • fikiradda in qiimaha lagu ilaaliyo Bitcoin (store of value) waxay noqotay mid la aqbalo.
  • Sicir-bararka oo hoos u dhacay ma keenin korodh degdeg ah, laakiin wuxuu saldhig u noqday soo-gelidda hay’adaha.

2022–2024: Bitcoin waxay noqotay hanti dhaqaale (Macro asset) oo caan ah.

Markii sicir-bararku gaadhay heerkii ugu sarreeyay 41, sano 2022kii, kadibna hoos u dhacay 20232024, Bitcoin waxay gashay wajigeedii xigay.

  • Bitcoin waxay joojisay inay u dhaqanto sidii gaashaan la isaga dhigo sicir-bararka.
  • Waxay noqotay mid aad ay u saameeyaan liquidity-ga suuqa iyo filashada heerka dulsaarka ee bangiyada dhexe.
  • ETF-yo, maalgashi hay’ado, iyo sheekada tokenization-ka ayaa sii ballaadhatay.

Markuu sicir-bararku hoos u dhacay, Bitcoin waxay ka tagtay hanti “xaalad-adag lacagta lagu dhawrto” waxayna u gurtay hanti faa’ido laga raadiyo xilliyada kala wareegga.

Saameynta sicir-bararka hoos u dhaca ku leeyahay Bitcoin

Hoos u dhaca sicir-bararku wuxuu saameeyaa sida loo arko Bitcoin:

  1. Waxay ka tagi hanti lacagta lagu dhawrto → waxayna noqon hanti laga faa’iidaysto xilliyada kala wareegga.

Markuu sicir-bararku hoos u dhaco:

  • Maalgashadayaashu waxay u wareegaan hantida lagaga faa’iidaysan karo dhaqaalaha dabacsab (Looser monetary) iyo liquidity-ga badan.
  • Bitcoin waxay fiican tahay marka bangiga dhexe uu muujiyo in dulsaarka la joojinayo ama hoos loo dhigayo.
  1. Dib u soo cusboonaanta fikradda in Bitcoin tahay meel khasaraaha la isaga dhowro
  • Sicir-bararka oo hoos u dhaco waxay xasuusisaa maalgashadayaasha in tirada Bitcoin ay go’an tahay.
  1. Soo noqoshada saadaalinta ganacsatada yaryar

Sicir-bararka hoose wuxuu kiciyaa:

  • Leverage badan oo suuqa waa lagu khamaaraa maadaama kor u kac la rajaynayo.
  • Altcoins oo kor u kaca
  • Tirada ganacsatada yaryar ee firfircoon oo kordha.
  1. Xoojinta kalsoonida hay’adaha waaweyn

Xasiloonida dhaqaale waxay ka dhigtaa hay’adaha kuwo kalsooni leh inay ku daraan Bitcoin jadwalkooda, taasoo kordhisa:

  • Maalgashiga ETF-yada
  • Qabsashada miisaaniyadaha shirkadaha

Qaab-dhismeedka qiimaha Bitcoin xilliyada sicir-bararka hoos u dhaco

Taariikh ahaan, Bitcoin waxay muujisay afar dhaqan:

  1. Dhaqaaq degdeg ah bilowga marxaladda marka suuqa soo gasho warka ah in siyaasadda dhaqaale la beddeli doono.
  2. Kor u kac xoog leh marka suurtagalnimada joojinta/hoos u dhigga dulsaarka la xaqiijiyo.
  3. Isku-xidhnaanta sare ee ay la leedahay saamiyada shirkadaha tiknoolojiyadeed, iyaga oo hoos u dhaca marka suuqu xasilo.
  4. Korodh cusub oo bilawda xitaa ka hor inta sicir-bararku gaadhin heerkiisa ugu hooseeyay.

Sicir-bararka oo hoos u dhaca ayaa u wanaagsan Bitcoin sababtoo ah:

  • Dulsaarka ayaa hoos u dhaca → qiimaha hantida muddo-dheer ayaa kordha
  • Liquidity-ga suuqa ayaa korodha maadaama dulsaarka yar dartii lacagta bangiyada lagala baxayo oo suuqa Kiribto la soo galinayo.
  • Kharashaadka tamarta oo dega waxay caawiyaan miners-ka
  • Hay’aduhu waxay fahmaan siyaasadda dhaqaale oo ay dawladdu caddayso.

Sicir-bararka hoos u dhaca: Sababta ay u tahay dabin (“false all-clear”)

Inuu sicir-bararku hoos u dhacayo ma aha calaamad hubin ah oo kor u kac raaga (bull run) keenaysa.

Taariikhdu waxay muujisay:

  • Rajada xad-dhaafka ah ee “rate cuts degdeg ah”.
  • Sicir-barar hoos u dhaca waqti kooban balse mar kale kaca.
  • Dhacdooyin khatar-ka-carar (risk-off) ah oo lama filaan ah
  • Sharci-dejiyeyaal soo saara go’aanno lama filaan ah
  • Waxyaabaha maanta jira waxay ka duwan yihiin wareegyadii hore:
  • Spot ETFs ayaa hadda jira.
  • Tokenization iyo stablecoins ayaa si weyn u caan baxay.
  • Fikradda in Bitcoin tahay mid kooban waa mid aad u xoog badan.

Sicir-bararka oo hoos u dhaca wuxuu xoojin karaa labada door ee Bitcoin oo kala ah inay tahay hanti lacagta lagu dhawrto iyo inay tahay hanti laga faa’idaysan karo xilliyada siyaasadda dhaqaalaha la dabciyo, taasoo suurtagal ka dhigaysa suuq ka xoog badan kii hore.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article