Shirkadda Fractal Bitcoin waxay saadaalineysaa heerar cusub oo ka sarreeya $110K dhammaadka toddobaadkan

Gelle Bashir

Xogta onchain-ka ah ayaa muujineysa in maalgashadayaasha Bitcoin ay kordhinayaan xawaaraha urursiga Bitcoin, iyadoo qiimaha BTC uu u dhaqaaqayo dhanka heerar cusub oo sare.

Qodobada Muhiimka ah:-

Xogta onchain-ka(xogta Blockchain-ka ku kaydsan) iyo tan technical-ka ah ee Bitcoin waxay soo sheegayaan in heerar cusub oo taariikhi ah ay soo dhow yihiin.

Xogta Glassnode waxay muujineysaa in inta badan kooxaha maalgashada Bitcoin ay ku jiraan xaalad urursi ah.

- Advertisement -

Qiimaha Bitcoin (BTC) ayaa dib ugu kacay in ka badan $105,000 inta lagu guda jiray xilliyada ganacsi ee suuqyada Mareykanka, kadib markii uu sameeyay qaab double bottom ah ee jaantuska 1-saac ah.

Jaantuska 1-saac ee Bitcoin, Xigasho: Cointelegraph/TradingView

Xaddiga liquidity-ga ee ku dhow aagga $102,500 ayaa la qaaday, taasoo suurta-galin karta in meel qiimaha kor u haysa (support) loo helo heerar cusub oo sare oo qiimaha Bitcoin kor u qaadda toddobaadkan.

Shirkadda Fractal Bitcoin waxay saadaalisay heerar cusub oo taariikhi ah

Qiimaha hadda ee Bitcoin waxa uu u dhexeeya $106,300 iyo $100,600 wuxuu matalayaa qaab la mid ah kii hore ee u dhexeeyay $97,900 iyo $92,700. Qaabka dhaqdhaqaaqa qiimaha ayaa lagu soo koobay saddex xaaladood:

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Qiimaha Bitcoin ayaa jihada degdeg u beddesha marka uu meel hoose iyo meel sareba gaadho.

Double bottom ayaa dhacay kadib markii la gaadhay heerarkii sare ($97,900 iyo $107,144).

Qaabka double bottom-ka ayaa ka dhacay meel sare oo ka sarreysa heerarkii hoose ee qiimuhu gaadhay.

Falanqaynta fractal ee qiimaha Bitcoin. Xigasho: Cointelegraph/TradingView

Qiimaha Bitcoin wuxuu u badan yahay inuu ku xasilo inta u dhaxaysa $103,500 iyo $105,200 (sanduuqa oranjiga ah ee sawirka kore) 24-ka saacadood ee soo socda, isagoo ka tarjumaya dhaqaaqiisii hore ee u dhexeeyay $95,800 iyo $97,300. Haddii qaabkani uu sii jiro, waxay kordhin kartaa fursadda ay Bitcoin kaga gudbi karto $107,000, taasoo suurta-galin karta inay gaadho heerar cusub oo sare oo ka sarreeya $110,000 toddobaadkan.

Dhinaca kale, haddii uusan haynin $103,500, waxaa dhici karta in uu dib u tijaabiyo support-ga $102,000. Tani waxaa loo aqoonsan doonaa in ay burisay saadaasha qiimaha, taasoo fure u noqon karta hoos u dhac cusub oo ka hooseeya $102,000 maalmaha soo socda.

Glassnode waxay shaacisay isbeddel weyn oo ku yimid hab-dhaqanka maalgashadayaasha Bitcoin, iyadoo jaantuska ugu dambeeyay ee Accumulation Trend Score uu muujinayo in maalgashadayaasha yaryar ee haysta wax ka yar 1 BTC ay ku biireen isbeddelka kor u kaca ah darajo dhan 0.55. Kooxaha waaweyn ee haysta 100–1,000 BTC iyo 1,000–10,000 BTC waxay muujiyeen darajooyin urursi oo xoogan oo ah 0.9 iyo 0.85 siday u kala horeeyaan.

Jaantuska urursiga Bitcoin. Xigasho: Glassnode

Kaliya kooxda haysta 1–10 BTC ayaa wali urusigoodu yar yahay. Heatmap-ka, oo ka guuraya buluug (distribution) una guuraya casaanka (accumulation), wuxuu muujinayaa kalsoonida sii kordheysa ee suuqa lagu qabo. Taariikh ahaan, isbeddelada noocan ah waxay hor dhac u ahaayeen sare u kaca qiimaha BTC.

Ku baro halkan crypto bilaw ilaa dhammaad luqaddaada hooyo

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment