Waa Maxay SWIFT Payment System?
SWIFT, waxaa laga soo gaabiyaa ‘Society for Worldwide Interbank Financial Telecommunication’ Waa nidaam caalami ah ay ku midaysan yihiin Bangiyada maaliyadeed, iyo Hay’adaha dhaqaalaha waxuuna u suurta galinayaa inay isu gudbiyaan macluumaadka la xiriira waxyaabaha ay is dhaafsanayaan sida lacagaha, xogaha gaarka ay bankiyada ka dhaxeeyo.
Xaruuntiisa waxay ku taalaa magaalada La Hulpe, ee Belgium-ka, waxaa hada Cherman ka eh ‘maamulo’ Javier Pérez waxuuna xilkan hayay tan iyo 2019.
Nidaamka SWIFT Waxuu u shaqeyaa 3-daan qaab.
Midda 1aad hab Isgaarsiin SWIFT waxuu u fududeeyaa hay’adaha iyo bankiyada inay si fudud fariimaha isu dhaafsadeen, balse ma ahan nidaam lacagaha kala gudbiyo, sida xawaaladaha oo kale.
Midda 2aad SWIFT Code waxaa laga rabaa organization kasta oo ku xiran nidaamka SWIFT in ay leedahay kood gaar ah oo loo yaqaan SWIFT Code, kaas oo ka kooban 8 ilaa 11 xaraf oo tilmaamaya magaca bangiga, dalka uu ku yaalo, iyo xaruumaha faracayada uu leeyahay meelaha kale.
Midda 3aad Xawaaladaha Lacagaha nidaamkaan ayaa maraan Marka qof uu lacag u diraayo meel, SWIFT waxuu u dhaxeyaa labada banki ee wax la isku dhaafsanaayo.
Goormee ayaa la sameeye SWIFT payment System?
Nidaamkaan SWIFT waxaa la aas aasay sannadkii 1973 waxaana markaas ku biiray 239 bangi oo ka kala soctay 15 waddan waxayna ku heshiiyeen inay sameystaan nidaam caalami ah oo fududeynaayo in lacagaha aduunka si fudud la is ku dhaafsado, wuxuuna adeegsigiisa si toos ah u bilaamey 1977-dii.
1990 -meeyadii waxuu si weyn ugu faafiyey adduunka, waxaana ku sooo biiray waqtigaas kumannaan bangi oo cusub.
SWIFT waa nidaam ay hadda ku midaysanyihiin in ka badan 11,000 oo hay’ado maaliyadeed kuna kala yaalla in ka badan 180 waddan, waxuuna si joogto ah u fududeeya is dhaafsiga adeegyada xawaaladaha, caalamiga ah.
Nidaamkaan SWIFT Intii la adeegsanaayi waxa uu lahaadey caqabado badan ay ka mid aheed, Ka saaristii bangiyada wadanka Iran 2012 iyo 2018, waxayna si weyn u saameysay dhaqaalaha Iran iyo xariirka ay la laheed nidaam maaliyadeedka caalamka, Cunaqabateynta bankiyada ruushka waa caqabada ugu wayn uu wajahaayo nidaamkaan hadda, taasoo la saaray bankiyada laga leeyahey Ruushka 2021 waana marka uu Ruushka duulaan ku qaaday wadanka Ukraine, Isla markiiba wadamada reer Galbeedka oo ah kuwa ugu badan ee bangiyadooda adeegsada nidaamkaan waxay ka joojiyeen bangiyada ugu waaweyn ee laga leeyahey ruushka waxayna ku soo rogeen cunaqabateen ku socoto ilaa hadda, taasoo sababtey in wadamada awooda cusub, dhaqaalo ahaan xoogan sida china iyo Russia ay raadiyaan nidaam kale ee Maaliyadeed, waxayna sameysteen nidaam maaliyadeedka iyaga u gaar ah sida CIPS (Cross-Border Interbank Payment System) uu leeyahey china ayna adeegsadaan bangiyadiisa.
Ruuskha waxa uu isagana sameystay nidaamka SPFS (System for Transfer of Financial Messages) waxuuna yahey ula jeedkooda wadamadaas in ay ka madax banaa-naadaan ku tiirsanaanta nidaamka SWIFT ay awoodiisa gacanta ugu jirto wadamada Europe iyo maraykan.
Waxaa jirto caqabad kale uu leeyahey nidaamkaan taasoo sababi karto in gabi ahaanba laga guuro, waana weerarrada Internet-ka ay ku soo qaadaan qolada hackers-ka ku sameeyaan bankiyada isticmaalo SWIFT tusaale weerarkii lagu qaadey Banki ku yaalay Bangladesh oo xubin ka ahaa SWIFT 2016 waxaa lagu xaday weerakaas lacag dhan $81 milyan taasoo ilaa hada aan la helin cida ka dambeesay dhacaas, waxaase lagu tuhmaa inay ka dambayeen hackers ka soo duuley waqooyi korea.
Nidaamka SWIFT hada waxa uu wajahaayaa caqabad badan waxaana laga yaabaa in gabi ahaan la joojiyo adeegsigiisa.
Teknolojiyadda cusub ee Blockchain iyo lacagaha cryptocurrency aan laheen cid dhexe oo maamusho, waxay tartan kula jiraan nidaamka gaboobey ee SWIFT, waxayna la imaadeen nidaam lacageed si deg-deg ah la isku diri karo aan qaadanayn waqti, qarashka fee laga qaadayo qofka adeegsanaayo uu yaryahey uuna u baahnayn wax banki ah peer-to-peer payment System.
Nidaamka SWIFT waxuu soo saaray hanaanka gpi ‘Global Payments Innovation”, si uu ugu hortago nidaam maaliyadeedkaan cusub tartanka kula jiro waxaana isbedel wayn lagu sameeyay, lana hagaajiyo hay’adaha maaliyadeed ee ku midaysan SWIFT si loo dhimo wakhtiyada ay qaataan marka lacagaha la kala gudbinaayo.