SPye Finance oo heshay $5M Seed Funding – Variant & Coinbase Ventures oo maal-galiyay.

Jacfar
By Jacfar

Dhaqdhaqaaqa suuqa DeFi iyo Web3 ayaa mar kale soo laabtay, gaar ahaan marka ay soo baxaan mashaariic wax ka beddelaya sida lagu shaqeeyo maaraynta hantida, liquidity-ga, automation-ka maaliyadeed iyo fududeynta hawlaha blockchain-ka. Mid ka mid ah mashaariicda sida weyn loo hadal hayo ee soo baxay dhamaadka sannadkaan 2025 waa SPye Finance, oo ku guuleysatay in ay hesho maalgelin dhan $5 milyan oo seed round ah, taas oo ay hoggaaminayaan Variant Fund iyo Coinbase Ventures — laba ka mid ah maal-geliyayaasha ugu magaca culus dunida crypto-ga.

Maalgelintan cusub waxay calaamad u tahay kalsoonida sii kordheysa ee lagu qabo SPye Finance, taas oo u bareeraysa inay wax ka beddesho habka ay u shaqeeyaan “automated asset management” platform-yada DeFi, iyadoo diiradda saaraysa smart yield strategies, on-chain portfolio optimization, iyo AI-driven risk management.

Waa Maxay SPye Finance?

SPye Finance waa platform DeFi automation iyo asset-management ah oo u sahlaya isticmaalayaasha — ha ahaadeen shaqsiyaad ama Hay’adaha maalgashiga — in ay maareeyaan, kormeeraan, oo ay kordhiyaan hantidooda crypto-ga oo dhan si toos ah, ammaan ah, oo hufan.

- Advertisement -

Waxaa loo sameeyay in ay xalliso dhibaatooyin waaweyn oo DeFi ka jira, sida:

  • Isticmaalayaal aan garan karin halka ay lacag dhigtaan si ay u helaan yield wanaagsan
  • Khatar aad u badan oo ka dhalata liquidity pools ama farming strategies aan la hubin
  • Portfolio-yo kala yaacsan oo ku badan chain-yada kala duwan
  • Baahi loo qabo automation caqli badan (smart auto-rebalancing)

SPye Finance waxay bixinaysaa:

1️. Yield Automation: – Algorithm-yo AI ku shaqeeya oo raadiya fursadaha ugu fiican ee staking, lending, borrowing, iyo LP-yield farming, si otomaatig ahna u wareejiya hantida.

2️. Smart Portfolio Management: – Waxay sameysay auto-rebalance marka suuqu dhaqaaqo si ay u ilaaliso risk-ka oo aan kor u kicin.

3️. Risk Mitigation Tools: – Waxay soo kordhisay features sida:Stop-loss on-chain, Auto-exit strategies, Volatility shields iyo mpermanent loss mitigation.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

4️. Cross-Chain Integration: – Waxay ka shaqeysaa chain-yo badan, taas oo fududeyneysa in hal dashboard lagaga maamulo hantiyo DeFi kala duwan.

Sidaa darteed SPye Finance waxay ku guulaysatay muddo gaaban gudaheed inay hesho maal-galin kor u dhaafayso 5 million dollar.

Waxaana loo aqoonsaday mashruuc wax-ka-beddel wayn ku sameeyay habka DeFi u shaqeeyaan.

Yaa Maalgeliyey $5M Seed Round?

Maalgelinta cusub ee 5 milyan USD ah waxaa hoggaaminaya:

  • Variant Fund – maalgeliye caan ku ah Web3, token-economics, iyo DeFi Projects
  • Coinbase Ventures – faraca qaabilsan maalgelinta shirkadda crypto ee ugu weyn Maraykanka

Waxa kale oo ka qayb qaatay maal-geliyeyaal kale Sida:

  • Scalar Capital
  • Robot Ventures
  • dao5
  • Balaji Srinivasan (Waxaa xusid mudan lama hubo in uu ka mid yahay angel investors)
  • Xubno ka tirsan aasaasayaasha mashaariic DeFi horey u guulaysatay

Maxay tahay Sababta Maalgeliyayaashu U Daneeyeen SPye Finance?

Variant iyo Coinbase Ventures waxay sheegeen dhowr sababood oo ay u daneeyeen mashruucaan:

  • Suuqa Asset Management-ka On-Chain Wuu Korayaa

Sannadaha soo socda waxaa la filayaa in:

  • Institutional DeFi adoption uu kordho
  • Dadka caadiga ah ay xiiseyaan inay maalgashi sameeyaan iyagoo aan khatar badan qaadan
  • Maamulidda portfolios badan ay noqoto mid adag, taas oo u baahan automation

SPye Finance waxay buuxineysaa boos aad u muhiim ah.

  • Mashruucu Wuxuu Leeyahay AI Strategy Engine Aan Hore Loo Arkin

Farsamada ay SPye wado waa mid aan wali laga helin Suuqa DeFi:

  • Waxay ku dhisan tahay AI iyo Risk-modelling
  • Waxay soo kordhisay auto-rebalancing
  • Waxay yareesay khataraha
  • Waxay bixisaa “Adaptive Yield Strategy”

Tani waa sababta ugu weyn oo maalgeliyayaashu u arkaan mashruuca mid mustaqbal weyn leh.

  • Kooxda Ka Dambeysa Waa Khabiirro Caan ah

Aasaasayaasha SPye Finance waa injineerro hore uga soo shaqeeyay:

  • Uniswap
  • Aave
  • MakerDAO
  • Coinbase
  • BlockTower Capital

Koox khubaro ah iyo mashruuc fikrad adag leh ‘maalgeliye kasta wuxuu u arkaa “opportunity”.

SPye Finance Maxay Ku Soo Kordhinaysaa Suuqa DeFi?

Mashruucu wuxuu qorshuhu yahay in dhowr arrimood oo muhiim ah wax ka baddel ku sameeyo:

1. Waxay Ka Dhigaysaa DeFi Mid Fudud – Xitaa haddii aad tahay Beginner

Haddii aad rabto inaad:

  • liquidity dhigato
  • farming sameyso
  • staking ku samayso tokenno badan
  • ama aad raadiso yield wanaagsan

SPye Finance ayaa ku hagaysa oo wax walba kuu otomaatigaraynayso.

2. Waxay Kordhinaysaa Ammanka DeFi

Badanaa DeFi waxaa ka jira:

  • Rug-pull
  • Impermanent loss
  • Hacks
  • Smart contract vulnerabilities

SPye Finance waxay tan u xallinaysaa iyadoo:

  • ku daraysa risk-scoring
  • contract-validation
  • auto-exit triggers
  • volatility alerts

3. Waxay Furaysaa Suuqa Institutional DeFi ah

Qorsha ugu way ee damacsan tahay SPye Finanace waa Bankiyada, funds-ka, iyo shirkadaha waaweyn inay soo galaan DeFi—laakiin xal loo keeno:

  • khataraha badan ee DeFi ka dhex jira.
  • La hagaajiyo sida loo maamulo Portfolio-yada.
  • La fududeeyo adeegsiga DeFi

SPye Finance waxay ka shaqeynaysaa hab ay si fudud ugu geli karaan Hay’ada waawayn Suuqa DeFi.

Mustaqbalka SPye Finance — Maxaa Laga Filan Karaa?

Marka la eego maalgelinta cusub, SPye Finance waxa laga sugayaa:

  1. Inay kordhiso horumarinta integrations-ka chain-yada kala duwan sida: Solana, Base, Optimism, Polkadot, Sei iyo Arbitrum.
  2.  Inay hirgeliso Institutional DeFi Portal

Tani waxay soo jiidan doontaa Hedge funds, Crypto VC firms, Digital asset managers iyo Web3 fintech companies

  •  Inay dhisto Mobile App super-simple

Si qof kastaa uga faa’iidaysto.

  •  Inay soo saarto Token Governance

Lama xaqiijin, balse wararka suuqa waxay sheegayaan in:

SPYE token, governance rights, staking rewards iyo revenue-share ay noqon karaan qaybo ka mid ah ecosystem-ka mustaqbalka mashruuca.

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article