">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Qaybtii-2aad “Tarrikhda lacagta Bilaaw ilaa Hadda

Qaybaha lacagta

Waxaa jiro noocyo badan oo lacag ee la adeegsado, balse si guud lacagtu waxay ka koobantahey 3 qaybood:

  1. Commodity Money: waa lacag ‘physical’ ah kaliya la taban karo ma lahan wax Digital sidoo kale ma jirto cid dhexe oo maamusho waana lacagta badeecooyinka ama material-ka, waxayna leedahey qiimo go’an ‘intrinsic value’ hadii aan loo adeegsan lacag ahaan xitaa ma bur burayso oo wali qiimaheeda wuu jirayaa, waxaana la adeegsan jirey waqtiyadii hore ilaa hadana qiimo aye leedahey waxaa ka mid eh lacagaha noocaan ‘Golda’ dahabka, Silver, ’Qalinka’ Salt ‘milixda, iyo qaybo ka mid ah barter System sida lo’da iyo badeecada sida qamadiga iyo burka.
  2. Fiat Money: Waa lacagaha aan manta adeegsano waxay noqon kartaa mid la taaban karo ‘physical money’ siada waraaqaha ama electronic money sida plastic Cards iyo midda mobileda laga diro waana lacagaha ay dowladuhu maamulaan kalsoonida bulshadana helay mana lahan ‘qiimo abidi ah’ waligood kuwa sii jiraayo oo hadii uu dhaco sicir barar ama dowlada ka dambeysay ay wajahdo qal qal siyaasadeed sidaas ayee ku bur buraysaa lacagtaas oo ku qiimo baylaysaa, tusaale, waxaa ka mid eh lacagaha noocaan US Dollar, British pound, Somali Shilling, Yuan china, waxaana jiro lacago badan ay wadamo lahaayeen oo qiima beelay ama isticmaalkooda laga guuray tusaale lacagta Shilling Somaliaga hada ma lahan qiimo xoogan oo dowlada ka dambeysay ayaa bur burtey.
  3. Digital Money: waa lacagta Mustaqbalka, lama taaban karo kaliya waa lacag ku jirto net-ka, waxay iskugu jirtaa kuwa la maamulo iyo kuwa aan la maamulin waxaa ka mid eh ‘Electronic Money’ lacagaha dowladaha ay ka dambeeyaan una jiro qaab digital ah sida Master card, Visa Card, EVC-plus, M-Pesaa, PayPal, E-Dahab waxayna fududeyaan in qaab online ahaan la isku dhaafsado, “Cryptocurrency’ waa lacag dijital, aan laheen cid dhexe oo maamusho, kuna kaydsan xogteeda block chainta. ‘CBDC-Central Bank Digital Currency’ waa nooc lacag cusub ay doonayaan in ay soo saaraan dowladaha mana lahan qaab physical ah waxayna ku shaqaynaysaa block chain private ah ay ka dambeyso banki dhexe waxaana hada tijaabo ahaan u soo saaray chaina ‘Yuan digital, iyo Euro ‘Euro degital’.

Aadanuhu marka uu EEBE abuuray una sahlay inay adduunkaaan ku noolaadaan, adeegsadaana waxa dhex yaalo, ayee waxay u baahdeen shay u noqdo ‘wasiil’ xariiriye u fududeynaayo in ay wax isku dhaafsadaan, xadaarad walibana waxay laheed wax ay aamintay lacagna ka dhigatay, balse waqtiyo ka hor dadka waxay isku dhaafsan jireen inta aan lacagta la helin nidaam la yiraahdo barter system oo ay lacag ahaan u adeegsan jireen waxana la shaygaa in uu ahaa shaygi ugu horeeye lacaga ahaan loo adeegsado.

Marka waa tanaa tariikda ay lacagta soo martey, sida ay isku xig-xigtay ilaa waqtigaan aan joogno

  1. Barter System, waxuu ahaa nidaam qof walibo uu adeegsan jirey waxa uu haysto si uu ug badesho shay kale ‘tusaale beeraley ayaa u baahday in uu helo geel, waxa uu suuqa geynayaa gaylada uu beertay si uu ugu bedesho geelaas, muddo markii la isticmaalaayi nidaamkaan waxuu lahaadey caqabado keentay in la raadiyo xal kale isgana laga guuro waxaana ka mid ahaa caqabadaas ‘isku dheeli tir la’aan’ oo labada qof wax is dhaafsanaayo, hadba qof ayee wax ku badanaysi, iyo ‘Double coincidence’ oo aheed in ganacsiga uusan si fudud u dhici jirin ayna adkeed labada qof wax is dhaafsanaayo inay si fudud isku helaan maadaama shay ka dhaxeeyo labadaas qof oo si fudud iskugu xero aysan jirin, waxaana la raadiyay nidaam kale oo la adeegsado, xaliyana caqabadahaan waxaana marka halkaas ka bilaawatey nidaamkii ugu horeeye oo lacag ah la adeegsado inkastoo midba mid loo guuraayi ilaa maanta la joogo.
  2. Commodity Money, waxa uu ahaa nidaam lacageed oo la adeegsan jirey qarniyo ayna ku kala duwanaayeen xadaaradihii markaas aduunka ka jirey, nidaam lacageed-kaan waxa uu ahaa mid ku dhisan “items” shayo sida cusbada, qamadiga iyo dhagaxaanta, dahabka, silverka tusaale xadaaradii ka jirtay Aasia ee Mesopotamia waxay qamadiga u adeegsan jirtey lacag ahaan, halka cusbada ay lacag ahaan u adeegsan jirtay xadaaradii Romanka, muddo markii la adeegsanaayi nidaamkaan waxa uu lahaadey caqabado ay ugu muhiimsaneed in aan la qaybin Karin ‘Divisibilty’ iyo in aan la qaadi karin, portability ka dib waxaa la raadiyay wax kale oo lacag laga dhigto waxaana la helay nidaam kale oo xal u noqday caqabadihii isaga ka horeyay.
  3.  Metal Coins, waxaa loo adeegsanaayi nidaam lacag ahaan ka hor inta aan la helin lacagaha warqadaha, wuxuu ahaa mid ku dhisan ‘coins’ shilin, waxaana laga sameynaayi macdanta sida dahabka iyo qalinka waxayna aheed goobtii ugu horeeysay ee laga adeegsado turkiga, waxa uuna ku faafay xadaaradihii kale ee aduunka ka jiray sida Romanka iyo Greec-ka, waxuuna ahaa nidaam lacageedkii ugu da’da waynaa uu binu’aadamka adeegsado, inkastoo markii dambe loo badaley shilino ay leeyihiin boqortooyinka kuna xardhan sawirada boqorada iyo calaamado gaar oo lagu aqqonsanaayi, waxuuna xaliyay nidaamkaan caqabadihii isaga ka horeeyay ee lahaayeen shayadii kale ee lacag ahaan loo isticmaalaayi sida in aan la kala qaybin karin, lana kaydsan karin, safarna loo qaadan Karin, balse isagana waxa uu lahaadey labo caqabadood oo keenay in la raadiyo shay kale oo lacag laga dhigto kuwaasoo kala ahaa in lagu samayn karay copy iyo in aan lala sarfi karin oo markii la doonaayo in ganacsi lagu sameeyo oo safar la-la aado waxaa loo baahanaayi in gaadiid lagu raro.
  4. Paper Money, is bed bedlo badan ka dib ay soo martay haanka lacagta, waxaa markii dambo la helay lacagaha waqrda oo ilaa hada la adeegsado waxayna aheed markii ugu horeeye ee la adeegsado qarnigii 7aad, waxayna ka bilaawatey china, lacagahaan warqadaha waxay wax badan ka badaleen nidaam dhaqlahii waqtigaas jirey, waxayna soo kordhiyeen in loo baahdo ‘Middle man’ bank oo qofkii haaystay dahab ama shilin macdan ah waxuu dhiginayaa banki ka dib waxaa la siinaayi warqado u dhiganto inta dahab uu bankiga dhigtay ‘Central Bank of Europe’ oo la dhisay qarnigii 17aad, waxa uu daabici jiray warqado, dadkana waxay ku aamni jireen dahabkooda.

Leave a comment