“Tether oo guul taariikhi ah gaartay 2025: In ka badan $10B faa’iido iyo haynta $135B Treasury Bonds”

Jacfar
By Jacfar

Sanadkii 2025 wuxuu u ahaa mid taariikh cusub u furay shirkadda Tether, oo ah shirkadda ka dambeysa stablecoin-ka caanka ah USDT (USD₮). Warbixinnada maaliyadeed ee ugu dambeeyay waxay muujiyeen in shirkaddu ay sameysay faa’iido ka badan $10 bilyan (USD 10B) sanadkan, taas oo ka dhigaysa mid ka mid ah shirkadaha ugu faa’iidada badan dunida fintech-ka iyo suuqyada crypto.

Sidoo kale, Tether waxay jabisay rikoodh kale oo muhiim ah – waxay hadda haysaa $135 bilyan oo doolar ku jira U.S. Treasury securities, taas oo ka dhigtay mid ka mid ah hay’adaha ugu weyn ee haysta bonds-ka dawladda Mareykanka. Intaas waxaa dheer, Supply-ga stablecoin-keeda USDT wuxuu kor u dhaafay heerarkii hore, taas oo sii muujinaysa kalsoonida isticmaalayaasha iyo saamaynta Tether ee ku leedahay nidaamka lacagaha dhijitaalka ah.

Saamaynta Tether (USDT) ay ku leedahay lacagaha Digital-ka ee crypto

Marka la eego taariikhda crypto, Tether waxay ka mid tahay tiirarka ugu waaweyn ee dhaqaajiya liquidity-ga Suuqa. Stablecoin-keedu USDT waxaa loo adeegsadaa in lagu beddelo lacagaha kale ee crypto, lagu bixiyo adeegyo, laguna ilaaliyo qiimaha marka suuqyada ay noqdaan kuwo isbedbeddel badan (volatile).

- Advertisement -

Sida laga soo xigtay xogta shirkadda, USDT ayaa hadda ah stablecoin-ka ugu weyn dunida, iyadoo ka sarreysa dhammaan kuwa kale sida USDC, DAI iyo PYUSD. Waxay hadda leedahay market capitalization ka badan $120 bilyan, taas oo ka dhigan in USDT ay noqotay mid muhiim u ah isku xirka dhaqaalaha dhijitaalka ah iyo nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah.

Sidee Tether ku heshay $10B faa’iido ah sannad-kaan?

Faa’iidada $10 bilyan ee Tether sannadka 2025 soo xareesay ma ahayn mid si fudud lagu gaaray. Waxaa sababay dhowr arrimood, kuwaas oo ay ugu waaweyn yihiin:

Maalgelinta U.S. Treasuries:

Shirkada Tether waxay si xeel dheer u isticmaashay fursadaha suuqyada deynta Mareykanka. Iyadoo ku maalgelisay boqolaal bilyan oo dollar oo ku jira Treasury Bills, shirkaddu waxay ka heshay dulsaar aad u sarreeya, maadaama heerarka ribada Mareykanka ay kor u kaceen sanadihii la soo dhaafay.

- Pre Order -

Kiribto: Kacdoonka Qarniga 21-aad

Madax-bannaani ★ Daah-furnaan ★ Musuq-maasuq Laa’aan. 🚀 Ku soo dhawoow kacaankii qarniga 21-aad.

$16.99$12.99Get It Now

Marka la eego in Tether ay haysato $135B oo ku jira bonds-ka Mareykanka, xitaa ribada 4%–5% waxay soo saari kartaa in ka badan $5 bilyan faa’iido saafi ah sannadkii.

Kororka isticmaalka stablecoins-ka (USDT):

Shirkadaha fintech ee ku yaalla dalalka suuqyada soo koraya (sida Latin America, Asia iyo Africa) ayaa si ballaaran u isticmaalaya USDT si ay uga baxsadaan sicir-bararka iyo xannibaadaha bangiyada. Tani waxay kordhisay baahida stablecoins-ka Tether, taas oo horseeday in shirkaddu hesho lacag caddaan ah oo aad u badan.

Maamul-ka kharash hoose iyo hawlaha fudud:

Marka loo eego bangiyada ama shirkada kale ee fintech, Tether ma laha xarumo shaqaale oo aad u badan taasoo kharashyo joogto ah ku bixi lahaa. Waxay si weyn diiradda u saartaa hufnaanta digital-ka, taas oo u oggolaanaysa in ay si toos ah faa’iidada ugu kordhiso saamileyda.

Tether oo xiriir hoose la leh US Treasury Bonds

In shirkad crypto ah ay noqoto mid ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee haysta Treasury Bonds waa arrin xiiso leh oo soo jiidatay dareenka shirkadaha iyo maalgashayaasha waa wayn. Marka la eego xogta rasmiga ah, Tether waxay hadda ka mid tahay 10-ka hay’ad ee ugu weyn dunida ee haysta deynta Mareykanka, iyadoo la barbar dhigi karo dalal sida Switzerland ama Mexico.

Tani waxay tilmaamaysaa in crypto ay hadda noqtay qayb muhiim ah oo ka mid ah nidaamka maaliyadeed ee Mareykanka, inkastoo aan si rasmi ah loogu aqoonsan.

Tether waxay sheegtay in maalgelintaasi ay tahay qayb ka mid ah istaraatiijiyadeeda ilaalinta hantida macaamiisheeda iyo hubinta in USDT ay had iyo jeer ku xiran tahay qiimaha doolarka Mareykanka ($1).

Tartanka stablecoins kale ee Tethet (USDT):

Shirkadaha kale ee soo saara Stablecoins-ka sida Circle (USDC) iyo PayPal (PYUSD) ayaa si xoog leh tartan ugula jra Tether. Si kastaba, Tether waxay weli leedahay sumcad weyn oo ah in ay noqotay magaca ugu weyn ee la yaqaan Crypto.

USDT Supply-giisa oo sii kordhaya – Maxay ka dhigan tahay?

Market Suplly-capka USDT wuxuu kor u dhaafay $120B arintaan waxay muujinaysaa in isticmaalayaasha crypto ay weli ku tiirsan yihiin Tether marka ay timaaddo kaydinta qiimaha iyo dhaq-dhaqaaqa lacagaha.

Suuqyada sida Binance, OKX, Gate.io iyo Bybit, USDT ayaa ah lacagta lagu iibsado inta badan cryptocurrencies-ka kale. Sidoo kale, waddamada qaar – sida Turkey, Nigeria iyo Brazil – waxay dadkooda u isticmaalaan USDT si ay ugu ilaasadaan qiimaha lacagahooda maxalliga ah.

Tether waxay isu beddeshay nooc cusub oo “Bangiga Dijitaalka ah ee Dunida”, iyadoo lacagta USDT ay noqotay mid u dhaxaysa crypto iyo nidaamka dhaqaalaha caalamiga ah (FIAT).

Caqabadaha iyo su’aalaha wali taagan?

In kasta oo Tether ay guul weyn gaartay, haddana waxaa wali jira su’aalo la xiriira:

  • Hufnaanta (Transparency):

Shirkaddu hadda waxay si joogto ah u daabacdaa warbixinnada la xariira hantideeda, waxaase wali jira dhaliilayaal qaar oo ku doodaya in aan wali si buuxda loo hubin hanti kasta oo ay sheeganayso.

  • Khatarta siyaasadeed:

Maalgelinta aadka u badan ee bonds-ka Mareykanka waxay ka dhigan tahay in Tether ay si weyn ugu xirantahay dhaqaalaha iyo siyaasadda Mareykanka. Haddii ay dhacdo isbeddel siyaasadeed saamayn leh ama sharciyo adag, shirkaddu waxay wajihi kartaa dhibaatooyin culus aan xal sahlan loo heli Karin.

Waa course hadda lagu soo kordhiyay Academayada, waxay k saabsan tahay Crypto Trading ‘ka Faa’iidayso”

Crypto bilaw ilaa dhamaad AF:Somali

Best Somali Cryptocurrency Course: Learn the fundamentals of cryptocurrencies, blockchain, and secure trading. Master using Metamask, Binance, and Crypto.com….

Crypto Trading Mastery: From A to Z

A complete beginner-to-expert crypto trading course. Learn how crypto markets work, how to choose secure exchanges, and how to trade safely using proven strategies…

Share This Article
Leave a Comment