Airdrop waa hab lacag Crypto free ah ay ku helaan isticmaalsyaasha Cryptocurrency iyagoo qabanaya howlo fududd ama aan qabanayn wax shaqo ah balse kaliya iska diwaan galinaya madal Crypto.
Airdrop-yada waxaa lagu bixiyaa gudaha wallets-ka “Boorsooyinka Digital-ka ee Crypto” dadka isticmaala cryptocurrency, waxay raadiyaan Fursado ay ku helaan Crypto Free ah iyagoo iska diwaan galiya Website-yada lagu soo bandhigo adeegyada Crypto iyo kuwa lagu soo qora Xogaha Crypto sida GelleCrypto.com
Waa Maxay Ujeedka Airdrop?
Ula jeedada lga leeyahay bixinta Crypto qaab bilaash ah waxaa ka dambeeyo yool ay qorshihiisu dajisteen kuwa bixinaya Crypto-daas waxaa ka mid noqon karo hadaf-yadaas:
- Xayeysiin: Mashruucyada cusub waxay u baahan yihiin in ay caan noqdaan, ayagoo bixinaya airdrop si ay u helaan dad badan oo aqbala.
- Kobcinta Bulshada: Dadka la siiyo tokens bilaash ah waxay u badan tahay in ay bilaabaan isticmaalka ama horumarinta mashruucaas.
- Ra’yi Uruurin: Qaar ka mid ah mashaariicda Crypto waxay airdrop u sameeyaan si ay u helaan Feedback.
- Kobcinta Qiimaha Token-ka: Marka dad badan haystaan lacag Crypto muddo badan waxaa sahlan in qiimihiisa uu kordho.
- Abaalmarin: Qaar ka mid ah airdrops waxaa lagu abaal mariyaa isticmaaleyaasha sabbabo la xariiro shaqa ay qabteen sida Staking ama Holding.
Noocyada Airdrop-ka
Airdrop-yadu waxay leeyihiin noocyo kala duwan waxaa ka mid ah:
- Standard Airdrop: waa Tokens si toos ah loogu diro dadka haysta wallet gaar ah oo muddo wax ku kaydsada ama ku dhex sameeya Staking.
- Bounty Airdrop: waa Crypto lagu abaal mariyo isticmaalayaasha marka ay sameeyaan hawlo gaar ah sida inay share gareeyaan adeegyada mashruuca uu soo bandhigo ayna Follow gareen baraha bulshada uu leeyahay Sida X, Telegram, Youtube Facebook iwm ah si ay u helaan Crypto free ah
- Holder Airdrop: waa Crypto lagu abaal-mariyo Kuwa haysta Coin ama Tokens gaar ah tusaale Bitcoin ama UNI muddo fog waxaa la siiyaa token cusub.
- Exclusive Airdrop: waxaa Loogu talagalay oo la siiyaa dad gaar ah sida kuwa isticmaala platform gaar fududeeyo howlaha ka dhex dhaca sida Uniswap.
- Fork Airdrop: waa Marka Coin blockchain-tiisa loo kala gooyo laba qayb, dadka haysta coin-kii hore waxaa loo diraa mid cusub tusaale Ethereum Classic waxuu ka go’ay Blockchain-ta Ethereum.
Sidee Loo Helaa Airdrop ‘Lacag Crypto Free ah’?
Si aad u hesho airdrop, waxaad raaci kartaa tillaabooyinka soo socda:
- Samayso Wallet Digital ah sida MetaMask ama Trust Wallet
- Baar mashruucyda Cusub Crypto ee bixiya airdrop kana raadiya mareegahalagu lagu soo bandhigo mashruucyada cusub sida Telegram, Twitter, Discord.
- Ka Qayb Qaado Hawlaha Airdrop-ka: Ku biir channels-kooda, buuxi foomamka, ku xidh wallet-kaaga.
- Hubi Shuruudaha: Mararka qaar waxaa lagaa doonayaa inaad haysato token hore ama inaad wax iibsato.
- La Soco taariikda mashruuca: Qaar kamid ah airdrop-yadu waxay leeyihiin waqti cayiman oo lagu bixiyo.
Sidee iskaga ilaaliyaa Khatarta una helaa Crypto bilaash oo amaan ah?
Airdrop-yada qaar waxay noqon karaan khiyaano (scam) waxaa raacdaa tilaabooyinkaan si aad u hesho Crypto free oo amaan ah:
- Fiiro gaar ah uyeelo Links: Ha furin link shaki leh ama aanan lahubin waxuu yahay.
- Marna ha siin Seed Phrase-kaaga ama Private key-gaaga Airdrop-yada saxda ah kuma weydiinayaan xogtaada shaqsi sida password-kaaga ama seed-kaaga.
- Iska Ilaali Token been abuur ah: Qaar ka mid ah scammers waxay diraan token aan qiimo lahayn si ay u qiyaamaan maalgashiyaasha Crypto.
- Isticmaal Wallet la hubo: waxaa jiro malaayiin Wallet iska hubi ka hor inta aadan soo dagsan Boorsada Digital-ka ee Crypto.
Sidee Loogu Faa’iidaa Airdrop?
Si aad ugu faa’ideysato Airdrop una hesho lacag Crypto free ah adigoo aan waxbo bixin raac tilaabooyi kaan:
- Helitaanka Token bilaash ah: Waxaad heli kartaa tokens bilaash ah oo mustaqbalka qiimo yeelan karo
- Ka qaybgalka governance: Qaar ka mid ah token-yadu waxay kuu ogolaanayaan inaad codkaaga ka dhiibato horumarka mashruuca lagu soo kordhinaayo.
- Helitaanka NFTs: Airdrop-ka mararka qaar waxaad ku badelan kartaa NFTs qiimo leh.
Tusaalayaal ka mid ah Airdrops la bixiyay oo guulaystay
- Madasha Uniswap: Sanadkii 2020, Uniswap waxay siisay 400 UNI qof kasta oo isticmaalayey platform-kooda, Dad badan ayaa helay $1,000 iyo ka badan.
- Mashruuca Arbitrum: 2023, Arbitrum waxay siiyeen dadka isticmaala adeegooda token-ka ARB, taasoo ahayd mid dad badan faa’iido ka heleen.
- Suuqa DEX ee dYdX: Waxuu abaalmariyay dadka isticmaalay adeegiisa waxuuna siiyay Crypto free ah.
- Madasha Aptos: waxay bixisay airdrops ugu hadal heynta badnaa 2022, iyadoo dad badan ka faa’ideysteen helayna tokens qiimo leh.
Maxay diinta Islaamka ka qabtaa in laga qayb qaato Airdrop?
Ka qaybgalka Mashruuc Crypto bixiyo awaal marin “Airdrop” waxuu noqon karaa xalaal: Hadii uusan ku bixin hab qamaar, mashruuca uusan ku lug laheen wax xaaraan ah sida inuu ka shaqeeyn Ribbo ama ay leedahay shirkad soo saarto khamri, Token ‘awaal marinta Crypto uu bixinaayo loo adeegsado wax faa’iido leh oo shareecada Islaamka ogashahay’
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency luqadaada hooyo