Algorithm, Protocol iyo Key waa fahan aas-aasi u ah cryptography technology, ama guud ahaan cryptocurrency.
Waa Maxay Algrothim?
Algorithm waa habraac ama tillaabooyin taxane ah oo loo isticmaalo in lagu xalliyo dhibaato ama lagu gaaro natiijo gaar ah, waxaa la sameyaa tilmaam la siinaayo machine-ku u fuliyo howl gaar ah
Marka la joogo Cryptography, Algrothim waaa hanaan fududeeyo in xogta la qariyo Encryption ama la soo andhigo Decryption iyadoo la adeegsanaayo Key.
Tusaale: SHA-256, waa algrothim loo adeegsado in xogta bitcoin lagu qariyo, marka la sameeynaayo mining taasoo lagu raadiyo hash sax ah si Block la mining gareeye loo ansixiyo. AES, waa algrothim loo adeegsado data encryption in xogta la is dhaafsado lagu maldaho, website-yada, apps-ka social media sida whats app, messenger waxa sheegaan in xogta la isku dhex dhaafsado aaladahaas ay tahay end-to end encrypted oo kaliya labada qof fariimahaas ka dhaxeyso ay arki karaan. RSA, waa hanaan algorithm kale ee loo adeegsado Public key iyo Private ley Encryption, waxaa isticmaala Crypto wallets si loo qariyo xogta isticmaalayaasha wallet-kaas.
Waa maxay protocol?
Protocol waa xeerar la adeegsado taasoo ay dajiyeen koox ama u dagsan system si automatic ah, qof waliba oo doonayo inuu adeeegsado system-kaas waxaa qasab ku ah inuu raaco xeerarka u dagsan uusan samayn wax khilaafsan. Tusaale, kooxda ka dambeysay Bitcoin waxay u dajiyeen xeer la yiraahdo Bitcoin Protocol, qof walibaoo doonaya inuu qayb ka noqdo shabakada Bitcoin waxuu raacayaa xeerkaas aalada uu adeegsado sida Computer waxuu ku soo dagsanayaa Software-ka Bitcoin protocol. Website-yada waxay leeyhiin xeerar gaar ahaan kuwa caalamiga ah hadii website aad adeegsanayso uu leeyahay SSL/TLS protocol waa mid amaan sare leh oo xogtiisa ay tahay encrypted xogta browser-kaaga iyo server-ka website waa inaysan u dhaxayn cid seddexaad si labadiina xogood ay u noqoto mid qarsoon.
Kolka aynu joogno Cryptography Protocol waxuu adeegsadaa algrothim iyo key si loo hubiyo in xogta ay sir tahay.
Muxuu yahay Bitcoin Protocol? Bitcoin Protocol waa sharciyada ay raaceen miners-ka bitcoin si ay u soo saareen bitcoin cusub, waxuu qeexayaa xeerkaan sida uu u dhaco transaction bitcoin, sida miners-ku u xaqiijiyaan Block cusub, waxa loogu baahan yahay node waliba oo doonaya inuu qayb ka noqdo Blockchain-ta Bitcoin iyo sida node kasta oo qayb ka ah shabakada uu helo updates u dambeeye protocol-ka.
Waa maxay Key?
Key waa fure sir ah kaasoo loo adeegsado in xog lagu qariyo ‘encryption’ ama lagu soo celiyo ‘decryption’
Waxaa jirto labo key, waxayna kala yihiin Public key iyo Private Key
Waa maxay Public key? Public key waa furaha guud aad adigu leedahay kaasoo la wadaagi kartid qof waliba si uu wax kugu soo diro ama xog aad qof gaar ah ugu tala gashay ay ku jirto kaliya isaga uu fahmi karo, sida uu eg yahay Public key tusaale Bitcoin Public key bc1qar0srrr7xfkvy5l643lydnw9re59gtzzwf5mdq
Waa maxay private key? Private key waa fure-haaga qaaska ah aad adigo leedahay waxaad u adeegsaneysaa in aad ku maamulato hantidaada digital oo wallet-ka crypto waxay ku siinayan private key, waxaa sidoo kale u isticmaali kartaa in xog lagula soo wadaagay oo qarsooneed aad ku samayso decryption. Tusaale sida Private key u eg yahay L4mEi6mNL9E6SU5QoyAFvCkxT12dv7Rg1VjTfhKHHrk44K2fr9eF
Key waa furaha loo adeegsado in lagu furo qofulka, Algorithm iyo Protocol la’aantiis ma shaqaynayaan sababtoo ah marka la adeegsanaayo algrothim tool si loo qariyo xog waxxaa loo baahan yahay Key.
halkaan ka baro coursada Crypto