Bitcoin waa lacag Digital ah oo soo baxday horaanta qarnigaan 21aad, ma lahan awood dhexe oo maamusha qiimaheeda ama soo daabacda lacagta Bitcoin sida Dowlad, banki dhexe, Hay’ad maaliyadeed, Shirkad ama Company gaar loo leeyahay oo ka shaqeesa maaliyadda, waxay ku shaqeysaa Technologiyadda Blockchain oo ah kacaan cusub oo la bilaawday Bitcoin waxaana lagu xakamayaa amaankeeda, lagu soo saaraa lacag cusub oo Bitcoin, laguna xaqiijiyaa macaamilkeeda.
Bitcoin waxaa loo yaqaanaa Digital Gold ‘Dahabka Digital ka ah’
Taariikda Bitcoin oo kooban
- Waxaa la hindisay mashruuca qorshaha Bitcoin 2008, isla sannadkaas waxaa internet-ka la soo galiyay warqadda Cad ‘White-paper’ oo lagu sharxay fikrada lacagataan Digital-ka ah oo madax banaan ‘Decentralized’.
- Waxaa curiyay Satoshi Nakamoto oo ah cid qarsoon shaqsi ama koox waxa ay yihiin lama oga ilaa hadda.
- Waxaa si rasmi ah loo sii daayay Software kii ugu horeeyay Bitcoin 0.1 2009, waxaana Block-gii ugu horeeyay oo macaamil Bitcoin la isku dhaafsaday ‘Genesis Block’ soo saaray Satoshi Nakamoto.
- Waxaa markii ugu horeesay Bitcoin loo isticmaalay ganacsi ahaan 2010, oo qof ayaa waqtigaas waxuu laba xabo Pizza ku iibsaday 10,000 BTC, waxaana waqtigaas soo baxay suuqyo lagu kala iibsado Bitcoin.
- Waxaa bilaawatay ka hadalka iyo rabitaanka bulshooyinka caalamka ee lacagta Digital-ka ah 2010-2015, qiimaha Bitcoin waxuu bilaawday inuu sare u kaco oo mar waliba gaaro qiimo cusub.
- Waxuu gaaray qiimaha Bitcoin halkii ugu sareesay oo aheed $20,000 intii u dhaxeesay sanadaha 2016 ilaa 2019, waxaa bilaawatay in waddamo ay sharciyeeyaan lacagtaan halka waddamo badana ee waqtigaas mamnuuceen, sidoo kale lacagta Bitcoin waxay noqotay mid aad wax lagu iibsado Online-ka oo ganacsiyo badan ayaa aqbalay.
- Waxaa maalgashiyo ku sameeyay Bitcoin hay’ado waa wayn oo caalamka summcad ku leh sida Tesla, waxayna gaartay qiimihii ugu sareeyay oo aheed $110,000 intii u dhaxeesaay sannnadaha 2020-2024, waxaa ka laabtay mamnuucidii ay waddamo hore saaraan iyagoo bilaabay inay sharciyeeyaan.
Waa maxay ula-jeedka Bitcoin?

Ula jeedka loo sameeyay lacagtaan Digital-ka ee Bitcoin, waa in la abuuro nidaam maaliyadeed madax banaan oo labada qof toos ay wax isku dhaafsan karaan (peer-to-peer) iyagoo aan u baahan cid saddexaad, laga dhigo dunida maaliyadda mid xor ah oo laga hortago sicir bararka lacagaha waddamada sabata oo ah ma lahan supply limit ‘tiro xaddidan inta lacag la soosaarayo’ halka Bitcoin ee ku kooban tahay ka liya 21,000,000 (million).
Sidee buu u shaqeyaa bitcoin?
Lacagta bitcoin si ay u shaqeyso, dadkana is dhaafsadaan ‘medium of exchange’ lagana dhigto hanti qiimo leh oo la kaydsado ‘Store of Value’ waxay adeegsataa oo lagu xakameeyaa amaankeeda:
- Blockchain: waa kacaan tecnologiyadeed oo la bilaawday Bitcoin, waxaa loo adeegsaday in amniga bitcoin lagu xaqiijiyo, laguna keediyo macaamilkeeda ‘transactions’ waa Public Ledger ‘diwaan guud oo qof walba wuu arki karaa xogta dhex taala balse cid awood u leh inay wax ka badesho ma lahan’ waa Block-yo isku xir- xiran oo midba midka ka dambeeye waxaa ku xiro chain ‘silsilad’ Block waliba waxaa ku jirto xog macaamiil la isku dhaafsaday shabakadda bitcoin.
- Mining: waa habka loo adeegsado in lagu soo saaro lacag cusub oo Bitcoin ah iyadoo la adeegsanaayo Computer iyo koronto badan lana xalinaayo xisaab adag, maadaama aysan jrin awood dhexe oo saarto lacagtaan, waxaa soo saari karo lacag cusub oo Bitcoin ah qof waliba oo dunida ku nool hadii uu fahmo technologiyada ay ku dhisan tahay lana yimaado shuruudaheeda laga doonaayo qofka miner-ka ah.
- Cryptography: waa nidaamka loo adeegsaday Bitcoin in lagu qariyo xogteeda, maadaama ay tahay lacag digital oo madax banaan waxaa sahlan in hackers ay soo weeraraan si loogu hortago midaas waxay kooxdii ka dambeesay ku qariyeen xogteeda technologiyadda Cryptography sida marka la soo saarayo lacag cusub, la xaqiijinaayo macaamilka.
Faa’iidooyinka Bitcoin
Bitcoin waxay leedahay faa’iidooyin badan oo hadii aad adeegsato ama maalgashato aad dareemi doontid waxaana ka mid ah
✅ Xorriyad maaliyadeed:
waxay Bitcoin maaliyadda ka dhigtay mid xor ah oo qofka isaga ayaa u madax banaan ma jirto hadii aad isticmaasho wax la yiraahdo Cunuqabateen oo cid awood u leh inay hantidaad kaala wareegto ma lahan.
✅ Xawilaad deg-deg oo caalami ah
Waxay Bitcoin ka dhigtay xawilaadda mid dhaqso badan oo qof joogo halka ugu dambeeyo Adduunka waxaad u diri kartaa daqiiqado gudahood lacag ma jirto Fee qaali ah oo lagaa qaadaayo.
✅ Aqoonsi qarsoon “Anonymous’
waxaa Bitcoin adeegsan kartaa adigoo aan la ogaan xogtaada shaqsiyeed, hadii aad haysato lacag Bitcoin oo u dhigato 1 million oo dollar, ma jirto cid ku ogaan karto.
✅ ka hortaga Sicir barar
waa qodobka ugu muhiimsan mar hadii aad isticmaasho bitcoin kama cabsan doontid wax la yiraahdo sicir barar ‘inflation’ oo kaliya bitcoin waxay ku kooban tahay 21 Million waxayna socon doontaa soo saaristeeda ilaa laga gaaro sannadka 2140.
khasaaraha Bitcoin
Shay kasta waxa uu leeyahay khasaare iyo faa’iido, bitcoin khasaarada uu leeyahay waxaa ka mid ah:
❌ Qiimaha oo si dhaqso ah hoos u dhaca ama sare u kaca
Qiimaha Bitcoin waxuu marakra qaar isku bad-bedelaa ‘Volatility’ daqiiqado gudahood si aan la filayn.
❌ Faham adag
Dad badan wali ma fahan-sana Bitcoin waxayna ku jirtaa marxalad bilaaw ah
❌ ma jirto Aqoonsi la isku raacay
Dowladahha caalamka iyo dadwaynaha, qolaba si gooni ayee ula macaamilaan Bitcoin qaar waxay u arkaan lacag halka qaar kalena ay u arkaan hanti Digital ah oo la maalgashto mana jirto sharci dhamaystiran oo laga soo saaray.
❌ Luminta sirta Account Bitcoin “private key’
Hadii uu kaa lumo Furaha Sirta aad leedahay kaaso aad ku maamulato wallet ‘boorsada digital-ka ah’ oo kugu kaydsan Bitcoin ma jiri doonto cid kuu soo celin karto oo sidaa ayaa ku waayi doontaa lacagtaada Bitcoin kuu malgashaneed
Yaa Maamula Bitcoin?
Ma jirto awood gaar ah oo maamusha Bitcoin waa Open source ‘qof waliba wuu ka qayb qaadan karaa maamulkeeda’ cidii sameesay mashruuca Bitcoin waxay u qorsheesay inuu noqodo mid caalami ah oo dunida oo dhan u siman tahay iyadoo aysan jirin wax fuquuq ah, waxaa maamulo oo sugo amaankeeda Computers ku baahsan adduunka waxaana loo yaqaanaa nodes qof kasta qayb wuu ka noqon karaa hadii uu fahmo technologiyada ay ku dhisan tahay Blockchain.
Maxaa loo istticmaali karaa Bitcoin?
- Iibsi iyo iska iibin
- Kaydsi maalgashi
- Bixinta qarashaadka
- Dukaamisi online ama mid caadi ah
- Xawilaad maaliyadeed
Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa Bitcoin?

Xukunka Bitcoin in uu yahay Xalaal mise Xaaraan hay’adaha Diiniga iyo Culimada Islaamka ee fatwada ka soo saaray way ku kala duwanaadeen:
- Qaar ka mid ah waxay u arkeen Bitcoin in uu yhay Xalaal in la maalgashto balse aan loo adeegsan wax sharciga Islaamka khilaafsan, waxaana ka mid ah Majma’ Al-Fiqh al-Islam ee ‘Malaysia iyo Indonesia”, Mufti Muhamed Abu-bakar, Council of Islamic Scholars. Iyo Islamic Finance Gura.
- Halka qaar kale ay ku tilmaameen inuu yahay xaaraan in la maalgashto Bitcoin waxayna ku sheegayn Sababta inuu yahay wax aan la maamulan aysan ka dambayn Cid la yaqaano waxaana ka mid ah Dara al-ifta-Masar iyo Mufti Taqi Usmani
Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency