Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Marka laga hadlayo dunida Crypto iyo Blockchain, erayga Bridge wuxuu ka dhigan yahay xiriiriye isku xira laba shabakad oo kala madax bannaan.

Shabakadaha Blockchains sida Bitcoin, Ethereum, Binance Smart Chain (BSC), Solana, Polygon, iyo Avalanche.    

Maxay yihiin Crypto Bridges?

Crypto Bridge waa adeeg dijitaal ah oo isku xira laba Blockchain Network oo kala duwan, si loo fududeeyo in lacag dijitaal ah (token/coin) laga wareejiyo shabakad loona gudbiyo mid kale. Blockchain A → Blockchain B.

Tusaale:

  • Haddii aad haysto USDT (Tether) oo ku dhisan Ethereum Blockchain, balse aad rabto in aad isticmaasho USDT ku xeran shabakada Binance Smart Chain, taasoo ka qarash yar waxaad u baahan tahay Bridge si aad uga wareejiso ETH Network una gudubto BSC Network.

Sidee ayay Crypto Bridges u shaqeeyaan?

Inkasta oo farsamooyinka kala duwan jiraan, habka guud waa sidan:

  1. Locking (Xiritaanka)
    Token-kaaga waxaa lagu xiraa (lock) shabakadda aad ka soo dirayso.
  2. Minting (Abuuritaanka)
    Waxaa lagu sameeyaa token cusub oo la yiraahdo Wrapped Token (waxa uu matalayaa token-kii hore) shabakadda aad u wareegayso.
  3. Redeeming (Soo deyn)
    Marka aad rabto inaad dib ugu laabato shabakaddii hore, token-ka wrapped-ka ah waa la gubaa (burn), kadibna token-kii hore ayaa la sii daayaa (release).

Tusaale

  • 1 ETH (Ethereum Network) waxaa lagu xiraa (lock).
  • Waxaa lagu abuuraa Wrapped ETH (wETH) oo ka jira Polygon ama BSC.
  • Marka aad rabto inaad dib u hesho Ethereum, wETH waa la gubaa, ETH-giina waa la sii daayaa, ils qiimaha uu maraayo.

Noocyada Crypto Bridges

Waxaa jiro noocyo kala duwan Bridges ee la isticmaalo inta ugu muhiimsan waxaa ka mid ah:

  1. Centralized Bridges
  • Waxaa maamula shirkad ama hay’ad gaar ah.
  • Tusaale: Binance Bridge.
  • Isticmaaluhu waa inuu ku kalsoonaadaa hay’addaas, si uu laba shabakad ugu kala wareejiyo Coin ama Token.

2. Decentralized Bridges

  • Waxay ku shaqeeyaan smart contracts oo aan lahayn hal maamul oo dhexe.
  • Waxay bixiyaan madax-bannaani iyo hufnaan, laakiin khataraha smart contract-ka ayaa jira.
  • Tusaale: Wormhole, Multichain, Allbridge.

Faa’iidooyinka Crypto Bridges

  1. Interoperability (Is dhexgalka shabakadaha)
    Waxay fududeeyaan in Blockchain-yadu wada shaqeeyaan, iyadoo lagu kala badelaayo Tokens.
  2. Liquidity (Hanti wareegta)
    Waxay u oggolaadaan isticmaaleyaasha inay hantidooda ka isticmaalaan shabakado badan.
  3. DeFi & NFTs
    Waxay suurta gal ka dhigaan in tokens iyo NFTs laga isticmaalo meelo kala duwan.
  4. Kharash iyo xawaare
    Waxay yareeyaan kharashyada (gas fees) iyadoo lacag laga wareejiyo shabakad qaali ah (Ethereum) loona wareejiyo mid jaban (BSC, Polygon).

Caqabadaha iyo Halista ku jirta Bridges-yada.

Inkasta oo Crypto Bridges ay yihiin muhiim, haddana waxay wataan dhibaatooyin:

  1. Amni darro (Hacks)
    Bridges waa bartilmaameed weyn. Qaar ka mid ah hack-yada ugu waaweyn crypto-ga waxay ka dhaceen Bridges.
  • 2022: Ronin Bridge (Axie Infinity) waxaa laga xaday $600 milyan.
  • 2023: Wormhole Bridge waxaa laga xaday $320 milyan.
  • Sanadkaan waxaa la jabsaday Shibarium bridge iyo Force Bridge (Nervos Network), waxaana laga dhacay ku dhawaad $10 million.
  1. Kalsooni darro (Trust Issues)
    Trusted Bridges waxay ku tiirsan yihiin hay’ad dhexe sida Binance – haddii hay’addaasi dhibaato gasho, lacagaha isticmaaleyaasha sidaas aye ku waayni karaan.
  2. Qalad Farsamo (Technical Risks)
    Smart contracts-ka laga yaabo inay leeyihiin daldaloolo, taasoo keena karo in aan la sameyn Karin minting markii Token la lock gareeyo.
  3. Liquidity gaaban
    Mararka qaar bridges ma laha hanti ku filan oo lagu taageero wareejinta.

Qaar ka mid ah Crypto Bridges lagu isticmaal-ka badan yahay.

  • Binance Bridge – waxaa loo adeegsada in lagu kala badelo Ethereum iyo Binance Smart Chain. (tokens ku dhisan)
  • Polygon Bridge – waxay isku xirtaa Ethereum iyo Polygon.
  • Avalanche Bridge – waxay isku xirtaa Ethereum iyo Avalanche.
  • Wormhole – waxay taageertaa shabakado badan (Ethereum, Solana, Terra, BSC, iwm).
  • Multichain (AnySwap) – mid ka mid ah bridges ugu weyn ee multi-chain, waxuu taageeraa dhamaan Blockchains-ka Crypto ugu wayn tahay Bitcoin).

halkaan coursada Crypto ka baro

Leave a comment

newsletter form

newsletter form

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.

Gelle Crypto © 2025. All rights reserved.