">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Crypto Lending and Borrowing “amaahasho iyo iska amaahin lacagaha Crypto” waa adeeg maaliyadeed ay bixiyaan madalaha DeFi, kaasoo u ogalaanaayo isticmaalayssha inay amaahdaan iskana amaahiyaan lacaga Crypto, waxay ku shaqeyaan plattforms-yada wax laga amaahdo Smart counteract waxaana xogtooda lagu keediyaa Blockchain-ta.

Waa maxay Crypto Lending?

Crypto lending, waa marka uu amaahinaayo ‘loan’ isticmaalaha lacag Crypto qof kale ama platform si uu ugu helo passive income ama intrest waxaa sidoo kale loo yaqaanaa Yield, waxay la mid tahay sida daymaha caadiga ah ay bangiyadu qaataan marka uu qof banki dhigto lacag ‘Saving account’ waxuu ka helaa dulsaar. Tusaale cryto lending waxaa madal dhigtay Stake $1000 USDT waxay ku siinaysaa 10% sannadkii taasoo noqonayso $1100 USDT.

Waa maxay Crypto Borrowing?

Crypto Barrowing waa marka uu daynsanaayo isticmaalaha lacag Crypto asigoo bixinaya Colateral ‘damaanad’ waa sharciyo u dagsan madalaha DeFi taasoo laga qaado qofka doonaayo inuu qaato amah Crypto si lagu qaado intrest ama return fee.

Tusaale: waxaad u baahan tahay inaad anmaahato $3,000 USDT, waxaad dhigaysaa 1 ETH damaanad ahaan, hadii aad keeni wayso marka uu dhamaado waqtiga daynta aad qaadatay waxa ay madasha xaraashaysaa Coink-gaaga ETH.

10-ka Madal ugu caansan ee Crypto amah laga qaato laguna dhex amaahiyo crypto

  1. Aave
  2. Compund
  3. MarkerAo
  4. Celcius Network
  5. Venus
  6. JustLend
  7. Yearn Finance
  8. Lido
  9. Balancer
  10. Curve

Side loo amaahdaa lacag Crypto “Crypto Borrowing”?

Si aad u amaahato lacag Crypto, raac tilaabooyinkaan

  1. Samee wallet sida MetaMask ama Trust wallet
  2. Ku soo shubo wallet-kaaga lacag Crypto sida ETH ama Tron, waxaa muhiim ah inaad ku shubato Blockchainka aad isticmaalayso lacagtiisa uuna taageeraayo suuqa aad doonaysi inaad wax ka amaahato.
  3. Ku xir-wallet-ka qaybta Connect, platform-ka DeFi aad amaahdo ka qaadanayso
  4. Dhig plaatformka Colletaral ‘damaanad’ si uu kuu siiyo amaah crypto.
  5. Dooro lacagta Crypto aad doonayso inaad amaahato percentage ahaan taasoo u dhiganto Colletral-ka aad dhigtay tusaale Stablecoin USDT ama USDC.
  6. Taabo barrow oo ka xaqiiji transaction-ka wallet-kaaga gudihiisa, lacagtii aad amaahatay waxy sidaa u soo galaysaa wallet-kaaga.
  7. Marka aad bixido amaahdii aad qaatay oo lagaaro waqtigii balanta waxaa lagu soo celinayaa colletral-ka aad dhigtay waxaana laga jaraa dulsaar.

Sidee Crypto la iskaga Amaahiyaa ‘Crypto Lending’?

Si aad iskaga amaahiso lacag Crypto aad u siiso qof kale ama platform, raac tilaabooyinkaan

  1. Samayso boorso digital ah, kuna soo shubo lacag Crypto
  2. Ku xidh wallet-kaaga, madasha aad doonayso inaad amaahiso Crypto.
  3. Ka dhex dooro boorsadada Digitalka lacagta crypto aad doonayso inaad amaahiso tusaale USDT.
  4. Taabo Max Supply inta aad doonayso inaad amaahiso, oo xaqiiji transaction-ka si lacagata ay ugu wareegto madasha, waxay bixiyaan dulsaar faa’ido APY% maalinle ama bil.
  5. Ka laabo amaahda, waxaad soo ceshan kartaa waqti kasta lacagtii aad amaahisay.

Diinta islaamka maxay ka qabtaa Crypto Lending iyo Barrowing?

Sharciga islaamka wuu xaaraantimayay ribada ‘intrest’ ALLE SWTC waxuu ku yidhi qur’aankiisa kariimka ah;

الَّذِينَ يَأْكُلُونَ الرِّبَا لَا يَقُومُونَ إِلَّا كَمَا يَقُومُ الَّذِي يَتَخَبَّطُهُ الشَّيْطَانُ مِنَ الْمَسِّ ۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّهُمْ قَالُوا إِنَّمَا الْبَيْعُ مِثْلُ الرِّبَا ۗ وَأَحَلَّ اللَّهُ الْبَيْعَ وَحَرَّمَ الرِّبَا ۚ فَمَنْ جَاءَهُ مَوْعِظَةٌ مِّن رَّبِّهِ فَانْتَهَىٰ فَلَهُ مَا سَلَفَ وَأَمْرُهُ إِلَى اللَّهِ ۖ وَمَنْ عَادَ فَأُو۟لَـٰٓئِكَ أَصْحَـٰبُ النَّارِ ۖ هُمْ فِيهَا خَـٰلِدُونَ

سورة البقرة، الآية رقم ٢٧٥.

“kuwa cunaya Ribbada ‘dulsaarka’ ma istaagi doonaan (Maalinta Qiyaame) ilaa sidii midka uu shaydaanku dar-daray u istaago waalni uu ku sameeyay daraadeed. Arinkaas waa sababta ay u dhaheen Beeca waxa uu la mid yahay Ribbbada oo kale. ILAAHAY waxa uu xalaaleeyay Beeca waxuuna xaaraantimeeyay Ribbada. Qofkii ay u timaato waano xagga RABBI oo ka joogsada Ribbada uu cunaayo waxuu leeyahay waxii hore, amarkiisana waxa uu yaalaa xagga RABBI, qofkii ku noqda Ribbada kuwaas waxay gali doonaan naarta wayna ku waari doonaan (oo lagama soo saaraayo).

 (suuradda al-Baqra, Aayada-275)

Aayadaan waxay muujinaysaa in ALLE SWTC uu xalaaleeyay ganacsiga sidoo kale uu xaarantimeeyay Ribada oo ganacsi caadi ah inaad wax iibsato ama iska iibiso waa xalaal balse hadii ay meesha timaado dulsaar in shayga aad iibsanayso ama aad iibsanayso dulsaar ku darto ama ka qadato midaas waa xaaraan EEBBE-NA ma ogola sababtoo ah waa dulmi.

Aayad kale oo ku jirto suuratu Al-Baqra, ALLE waxuu ku baaqay dagaal qofkii ribo qaato ama bixiyo, culumadana waxay ku tilmaameen inuu yahay Ribbada dambi wayn oo ka daran sinnada.

فَإِن لَّمْ تَفْعَلُوا فَأْذَنُوا بِحَرْبٍ مِّنَ اللَّهِ وَرَسُولِهِۦ ۖ وَإِن تُبْتُمْ فَلَكُمْ رُءُوسُ أَمْوَٰلِكُمْ لَا تَظْلِمُونَ وَلَا تُظْلَمُونَ”

سورة البقرة. الآية رقم: ٢٧٩

“hadii aydaan sidaan samayn (oo aad ka tigi waydaan Ribbada) waxaad ogaataan dagaal idinka imaan doono xaga ALLE iyo RASUULKIISA, hadii aad ka soo noqataan ‘ka towbad keyntaan Ribbada’ waxaad lee dihiin hantidiinta ‘inta Ra’su maal aad laydihiin’ idinkana wax ma dulminaysaan ‘oo dulsaar ma qaadanaysaan’ idinka la idin kuma gardaroonaayo.  

(suuradda al-Baqra, Aayada-279)

Nabigeena Muxamed (SCW) waxuu xadiis kaga hadlay Ribbada uu ku tilaamay inay tahay lacnad, kaasoo uu ka soo wariyay asxaabiga Jaabir ibnu Cabdulaahi:

 عن جابر بن عبدالله قال: لَعَنَ رَسُولُ اللَّهِ ﷺ آكِلَ الرِّبَا، وَمُوكِلَهُ، وَكَاتِبَهُ، وَشَاهِدَيْهِ وَقَالَ: «هُمْ سَوَاء”.
(رواه مسلم)

Jaabir Ibnu Cabdullahi Alle ha ka raali noqdee waxuu yiri: Rasuulka ALLE waxuu lacnaday midka ribbada cuna, kan bixiya ribbada, midka qora heshiiska ribbada lagu kala qaato iyo labada marqaati ka noqota meel ribbo lagu kala qaadanaayo waxuu yiri Rasuulka ALLE dhamaantood way ka siman yihiin xagga dambiga iyo ciqaabta. “Waxaa soo wariyay Muslim”

(Waxaa soo wariyay Muslim) Marka, hadii aan soo ogaanay Ribbada, booska ay Diinteena suuban dhigtay in ay tahay wax xaaraan ah laguna mutaysanaayo ciqaab wayn, dhamaan suuqyada Crypto gaar ahaa DeFi kuwa ka shaaqeeya amaahashada iyo iska amaahinta waa xaaraan oo badankood waxay bixiyaan dulsaar qofkana waxaa u wanaagsan inuu iska baaro shayga inta uusan adeegsan ka hor.

Halkaan ka baro Coursada Cryptocurrency

Leave a comment