">
Skip to content Skip to sidebar Skip to footer

Digital Signature waa saxiix electronic ah kaasoo loo adeegsado si amaan ah in lagu xaqiijiyo xogta si aan lagu samayn is-bedel ‘Integrity’ waxaa la hubiyo qofka diraayo inuu yahay qofka saxda ah ee iska leh xogtaas ‘authenticity’ taasoo lagu hortagaayo inaysan noqon mid been abuur ah. Waa saxiixii taraditional-ka ahaa loo badalay Digital kaasoo xogtiisa lagu keediyo Blockchainta laguna hubiyo technologiyada Cryptography.

Waxaa loo adeegsadaa Digital Signature qalab xisaabeed amaan ah si uu u xaqiijiyo in xogta la diraayo ay sax tahay, qof gaar ahna uu saxiixo iyadoo la isticmaalayo fure sir ah ‘private key’ sameeya saxiixa xogta si loo helo hash lagu qariyay ‘encrypted’ xogta, ka dib waxaa lagu hu hubiyaa in xogta ay noqotay mid qarsoon iyadoo la isticmaalayo furaha guud Public key.

Sidee buu u shaqayaa Digital Signature?

Digital signature waxuu ku shaqeyaa maadaada Cryptography taasoo lagu qariyo xgaha iyadoo la adeegsanaayo hashing algrothim sida SHA-256 iyo Asymmetric Keys oo leh labo fure Public iyo private key.  

Tusaale waxaa qoraal ama xog sida “Document, transaction, pdf la galiyaa hashing tool, iyadoo hash-kaas lagu saxiixayo Private key si xogta ay u noqoto mid qarsoon aan wax laga bedeli karin, qofka kale waxuu ku xaqiijiyaa saxiixaas inuu yahay mid dhab oo ka yimid qofka iska leh Public key-giisu

Halkee ayaa loo adeegsadaa Digital Signature?

Digital signature waxaa loo adeegsadaa wax waliba u baahaan saxiix hadii ay noqoto maaliyad, xog heshiis ay wada galaan laba qof ama heshiis ganacsi waxaa ka mid waxyaabaha hadda loo isticmaalo in lagu saxiixo Transaction-ka lacagta Bitcoin, in lagu hubiyo Smart contract uu leeyahay Blockchain gaar ah, in lagu saxiixo fariimaha la isku dhaafsado email-ka si ay u noqoto mid sir ah, in lagu qariyo amniga website-yada iyadoo websit-ke loo samaynayo SSL Certificate, in lagu xaqiijiyo Documents-ka iyadoo la isticmaalayo encryption platform sida Adobe Acrobat.

Sidee loo sameyaa Digital signature ‘saxiix Dijitaal’?

Si aad u sameeyso saxiix Digital ah waxaa la qaadaa ilaa 3 tilaabo

Midda 1aad: hash toolka aad adeegsanayo waxuu kuu abuuraa laba fure mid aad xogta ku saxiido si ay u noqoto encrypted iyo mid aad kula wadaagto dadka kale waxaana la kala yiraahdaa labadaas fure Publice key iyo Private Key.

Midda 2aad: waxa aad galinaysaa toolka xogtii aad ku saxiixi laheed sida Document, file qoraal ama transaction aad soo aruurisay marka aad galiso waxuu isla markii xota u badelayaa hash dul saran saxiix-kaaga.

Midda 3aad: waxaad xaqiijinaysaa in xogta ay noqotay mid aan wax laga badeli karin oo saxiix-kaaga saran adigoo si tijaabo ah qof u la wadaagayo.

Tusaale iyadoo la adeegsanaayo toolkaan: https://www.signwell.com/app/documents/                         sida loo sameeyo saxiix digital ah, marka hore waad booqanaysaa ka dib waxaad galinaysaa emailkaaga si aad iskaga diwaan galiso, ka dib markaad is diwaan galiso waxuu kuu soo bandhigayaa box lagu tala galay inaad galiso xogta aad doonayso in aad saarto saxiix-kaaga.

Markaad galiso ka dib waxaad taabanaysaa qalinka kuu soo muuqanayo si aad ugu samayso saxiix document-ga dushiisa markaad dhamayso saxiixaas waxaas hubuinaysaa inuu saarmay saxiix-kaaga adigoo si tijaabo ah qof ama aad adiga isku dirto waxaadna taabanaysaa qaybta kore ay ku qorantahay share.

Halkaan ka baro Coursada Crypto

Leave a comment