Ethereum waa lacag dijitaal ah ama sidoo kale madal (Blockchain) oo loo isticmaalo horumarinta barnaamijyada smart contracts.
Waxaa la sameyaya sanadkii 2015 iyadoo uu hormuud u ahaa developers-ka sameyay Vitalik Buterin.
Waxay la mid tahay Bitcoin balse Ethereum waxey kaga duwan tahay in aan loo isticmaalin kaliya lacag ahaan balse loo adeegsado samaynta mashruucyo iyo Tokens.
Sidee buu u Shaqeeyo Ethereum?
Ethereum wuxuu ku shaqeeyaa teknoolajiyadda Blockchain, taasoo ah silsilad taxan oo lagu keediyo xogta aan wax laga baddeli karin. Qof kasta oo isticmaala Ethereum wuxuu la falgeli karaa Blockchain-ka, isagoo adeegsanaya wallet Digital ah uu leeyahay Ethereum sida Metamask., Markaad sameyso wax iibsasho adigoo adeegsanaayo shabakkada ERC-20, Ethereum Blockchain wuxuu xaqiijiyaa macaamilka isagoo keediyo xogtaas
Waa maxay Ether (ETH)?
Waa Lacagta rasmiga ah uu leeyahay Ethereum waxaa loo adeegsadaa bixinta khidmadaha (gas fees) marka la sameynaayo mashruuc Cusub oo ku dhisan Ethereum Blockchain, waxaana la adeegsadaa Smart contract, kaasoo xogta mashruuca si toos ugu keediyo Blockchain-ta Ethereum.
Waa maxay Smart Contract?
Smart Contract waa heshiis caqli leh oo si toos ah u shaqeeya marka la buuxiyo shuruudo gaar ah. Waa sida heshiis sharci ah oo aan u baahnayn qof dhex-dhexaadiye ah. Tusaale ahaan, haddii labo qof ay isku afgartaan wax kala iibsasho smart contract wuxuu si toos ah u hubiyaa fulinta heshiiskaas. Ethereum wuxuu ahaa blockchain-kii ugu horreeyay ee hirgeliyay Smart Contracts taasoo ah in lagu dul samayn karo Blockchain-ta mashaariic. s
Faa’iidooyinka Ethereum
Ethereum wuxuu leeyahay faa’iidooyin badan ay ka mid tahay:
- Decentralization: waa madal Furan oo qof waliba adeegsan kara kuna dul dhisa kara Mashruuc
- Hufnaan: Macaamillada ka dhex dhaca Blockchainta Ethereum oo lagu keediyo waa la arki karaa
- Horumarinta dApps: Etereum waxuu suurta galiyay in la sameeyo barnaamijyo aan jirin cid dhexe oo maamusho (Decentralized Applications).
- Token Creation: Ethereum wuxuu buxiyaa fursad ah in la abuuro (tokens) digital ah oo loo adeegsado network-ga ERC-20 marka la is dhaafsanaayo, laguna keediyo xogtooda Blockchain
Caqabadaha Ethereum:
Ethereum wuxuu leeyahay Caqabado dhowr ah waxaana kamid ah:
- Gas Fees oo Sareeya: Mararka qaar khidmadaha gas fee ee madasha waxuu kor u kacaa uuna gaadhaa qiyaastii $30 halkii macaamiil taasoo ah caqabad ugu wayn uu lee yahay
- Xawaaraha Macaamilka: Ethereum ma ahan midka ugu dhaqsiyaha badan marka loo eego blockchain-yada kale waxay qaadataa dhowr daqiiqad wax is dhaafsiga ka dhex dhaco madasha.
- Isbedelka Qiimaha: ETH wuxuu leeyahay qiime is bedbeddela oo saameyn kara horumariyaasha ‘developers’ marka ay Ethereum Blockchain ku dul dhisayaan mashaariic si ay u bixiyaan Gas Fee-ga madasha.
Mustaqbalka Ethereum
Mustaqbalka Ethereum waxaa loo arkaa in uu yahay aasaaska mustaqbalka Web 3.0, taasoo ah nooca cusub ee internet-ka hadafka waa in laga dhigo Web Browserada kuwa decentralization ah aan maamulin awood dhexe sida Shirkadaha maanta maamulo internet-ka. Waxaa lagu dhisi karaa Etereum Blockchain suuqyo online, caymisyo dijitaal ah, bangiyo aan maamulin awood dhexe (DeFi), farshaxano Digital ah (NFTs) iyo Tokens loo adeegsado lacag ahaan Ethereum ma ahan oo kaliya lacag dijitaal ah sida Bitcoin, balse waa nidaam Blockchain dhameystiran oo lagu dhisi karo barnaamijyo. Waxuu fure u yahay isbeddelka dhaqaale iyo teknoolojiyadeed ee socda. Inkasta ay caqabado jiraan, horumarka Ethereum wuxuu iftiiminayaa mustaqbalka digital-ka ah ee hufan, xogtana ay tahay mid aysan maamulin awood dhxe laguna kalsoonaan karo.
maxay diinta Islaamka ka qabtaa in la maalgashado Lacagta Ethereum “ether’?
in lagu sameeyo Maalgashi Coin-ka Ethereum waxay ku shegayn Crypto Halal Iyo Crypto Islam inuu yahay mid banaan kaliya waa in loo adeegsadaa trading la ogal yahy sida Spot kaliya balse aan lagu ganacsan qaybta Future ama lagu sameeyo investing sax ah.
Halkaan ka baro coursada Cryptocurrency