Gaming waa ciyaaro Digital ah oo lagu dhex ciyaaro kombiyuutarada, Taleefannada casriga ah, iyo qalabka ciyaaraha sida PlayStation ama Xbox.
Gaming wuxuu noqday mid aad caan u ah oo malaayiin dad adduunka ku nool ee ka qeyb qaataan markii lagu sameeyay Blockchain maadaama meesha ay ka baxday shirkadihii xakeemaynaayi xogta isticmaalayaasha waxaana lagu wadaa horumarin. Ciyaaraha waxay noqon karaan kuwo loola jeedo madadaalo, tartan, waxbarasho ama xiriir bulsho.
Gaming waxaa lagu samayee horumarin joogto ah oo ku aaddan muuqaalka ciyaarta iyo isticmaalka lacagaha digital ah ee loo adeegsado gaar ahaan gaming tokens oo qeyb weyn ka noqday habka ganacsi ee ciyaaraha casriga ah.
Waa maxay Gamming Tokens?
Lacagaha gaming-ka ‘gaming tokens’ waa lacagaha Digital ah ee loogu talagalay isticmaalka gudaha ciyaarta iyo bixinta qidmadda Ciyaarta.
Maxay tahay Ujeedka Lacagahaan Gaming?
Ujeedka lacagahan laga leeyahay waa:
- In lagu gato alaab ciyaarta gudaheeda (in-game items): sida hub, dhar, awood iwm ah.
- Furitaanka heerar-ka game-ka “Level Games’ iyo iibsashada Character cusub.
- Ganacsiga iyo iibinta (NFTs): ciyaartoydu waxay iibin karaan ama ka ganacsan karaan waxyaabo ay ku heleen ciyaarta gudaheeda sida farshaxan.
- Taageeridda ciyaarta (Game Support): waxaa lagu bixiyaa in lagu taageero mashruuca ciyaasta si ay u gaarto meelo badan.
- Dhiiri galinta isticmaalayaasha: in la siiyo abaal-marino ciyaartooda iyagoo qaab tar-tan ah lagu bixinaayo
- Isku xirka ciyaartoyda iyo horumariyeyaasha: lacagtu waxay noqotaa habka xiriir ganacsi ee labada dhinac.
Tusaalooyin ka mid ah Lacagaha Gaming (Gamming Tokens)
Waxaa jira lacago gaming ah oo badan kuwaasoo loo isticmaalo ciyaaro kala duwan, qaar ka mid waa kuwaan:
- AXS (Axie Infinity Shard): Waxaa loo isticmaalaa ciyaarta gamme-ka Axie Infinity si loo helo waxyaabo ciyaarta ku jira ama loogu ganacsado ciyaarta Gudaheeda
- SAND Token (The Sandbox): Waxaa loo isticmaalaa dhisidda iyo iibinta hantida dijitaalka ah ee metaverse-ka gudaha Ciyaarta The Sandbox.
- MANAToken (Decentraland): Waa token-ka loo adeegsado metaverse-ka Ciyaarta Decentrland.
- GALA token: Waa lacagta rasmiga ee leedahay madasha Gala Games ee loo isticmaalo ciyaaro ku dhisan blockchain
- ENJ (Enjin Coin): Waa token lagu Ciyaaro, lagu abuuro laguna dhex ganacsado ciyaarta madasha Digital-ka ah ee Engine.
- IMX Token: waa lacagta rasmiga ee leedahay madasha Immutable X loo adeegsado Ciyaarteeda.
- WAX Token: waa lacgata rasmiga uu leeyahay Blockchain Gamming (WAXP)
- RNDR token: waa lacagta rasmiga ay leedahay Madasha Render waxaana loo adeegsadaa Ciyaaraha Metverse gudaha madasha.
- UOS token: waa lacagta ay leedahay Madasha Ultra.
- ILV token: waxaa iska leh madasha Illuvium waana lcagta loo adeegsado ciyaarta gudaha mashruucaas.
Faa’iidooyinka ay leeyihiin lacagaha Gaming
- Milkiyad Dijitaal ah: Ciyaartoydu waxay si rasmi ah u yeelan karaan gamming Token marka ay ku guuleystaan tar-tanka Ciyaarta.
- Ganacsi: Waxay u adeegsan karaan ciyaarta gudaheeda inay wax ugu dhex iibsadaan
- Maalgashi: waxay u kaydsan karaan maalgashi ahaan marka ay ku guulaystaan iyagoo ku shubanaya Boorsooyinkooda Digital-ka ah (Wallets)
- Helid sahlan: in aad hesho Gamming Token waa mid fudud maadaama kaliya ay kaa xigto in aad ciyaarto Gammes Digital ah.
- Blockchain technology: lacagahan Gamming waxay ku shaqeyaan Blockchain waxaana xogtooda lagu keediyaa isla Blockchainta
Khatarta ay leeyihiin lacagaha Gaming
- Isbeddelka qiimaha: Gaming tokens waxay qiimahooda isbeddeli karaan si degdeg ah, taasoo khasaaro keeni karta.
- Khiyaano: Suuqyada qaar waxaa iska leh Scammers kuwaasoo ku dhaca dadka markay ay bilaabaan ciyaarta gammes-ka
- Xeerar La’aan: lacagahaan Gamming iyo Suuqyadooda ma ahan kuwa sharciyeesan baddankood waxayna lee yihiin khataro badan.
Maxay Diinta Islaamka ka qabtaa Maalgashiga Gaming Tokens?
In la maalgashto Gamming Token way banaan tahay balse waxaa muhiim in la isku hubiyo mashruuca is ka leh leh Token-gaas iyo waxa loo adeegsado tusaale hadii ay ledahay madal Gamming lagu sameeyo Ciyaar lagu qamaartamo “Gambling” inaad maalgashato Token ‘lacagta ay leedahay waa xaaraan’ sababbta oo ah waa mida loo adeegsado qamaar-kaas.
Halkaan ka baro Cryptocurrency luqadaada hooyo